Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Qeybdiid oo ka carooday Madaxweyne Garguurte - Yuweri Museveni Kampala ha u dhiibo Ina Caydiid

01 May 2013 Waagacusub.com-Kulan dhexmaray Hassan Garguurte iyo Abdi Qeybdiid ayaa buuq ku dhamaaday kadib markii Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia ku taliyay in talada Maamulka Galmudug ee Madaxtooyada lagu wareejiyo Hussein Mohamed Farah Aideed si meesha looga saaro khilaafka labada garab ee xukunka Maamulka Galmudug isku heysta.


Sida ay Waagacusub u sheegeen qaar ka mida Masuuliyiinta kulanka labada dhinac ka qeybgalay wuxuu Qeybdiid ku yiri Madaxweyne Garguurte " Inaad Hussein Aideed warqad u qortay iyo in Madaxweynaha Uganda arrintaas kaala hadlay ,waan maqlayay oo Boliis baan ahay ,wax badana waan ogahay laakiin Yuweri Museveni hadii INA Caydiid uu xil la rabo wuxuu madax uga dhigi karaa Kampala"

Madaxweyne Garguurte oo xaqiiqsaday inuu xanaaqay Qeybdiid ayaa sheekada dejiyay wuxuuna ku yiri " Waa run inaan Warqad u qoray Hussein Aideed laakiin Yuweri Museveni arrimahaan igalama hadal laakiin Jenerale anigoo xushmad weyn kuu hayo bal adiga ka soo fikir maxaa yeelay ilama ahan inaad xilligaan Galmudug hogaamin kartid,daruufo ii muuqdo darteed"
Qeybdiid ayaa weydiiyay Hassan Garguurte maxay tahay sababta aan Galmudug u hogaamin karin ? wuxuu ku Jawaabay Madaxweyne Hassan " Beeshii aad ka dhalatay ee Sacad baa diiday xukunkaagii oo Koofurta Galkacyo waa kala qeybsan tahay,Gelinsoor iyo Bandiiradley ma tegi kartid,waa degaankii Sacadka ,dhinaca kalena Cadaadis xoogan baan kala kulanay beesha Caalamka,waxaa nagula qabsaday warqadii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Abdikariim Guled kuu qoray sidaas darteed anigu waxaan ku talinayaa in labadiina garab u tanasushaan danta dadkiina ,kuna wareejisaan xilka Hussein Aideed"
Abdi Qeybdiid ayaa si degan ugu yiri Madaxweyne Garguurte "Waxyaabaha aan kuugu nimid waxaa ugu muhiimsan shirka London ee arrimaha Somalia,waxaad noo faahfaahisaa maxaad Galmudug ugu tala gashay,anigase maku jiraa liiska Madaxda shirkaas ku casuuman"
Madaxweyne Garguurte ayaa su-aasha Korneyl Qeybdiid uga jawaabay " Inaad Shirka London igala qeybgashid waxaan ka jeclahay ma jiraan,waana kugu derayaa liiska laakiin waa inaan laba ku xisaabtano,tan koowaad waxay tahay in qolada Ingiriiska diidi karaan Visaha ama Casuumaada maadama ay kugu tirinayaan inaad ka mid tahay waxay ugu yeeraan SOMALI WARLORDS ,tan labaadna waxay tahay in hadii lagu aqbalo aad dacwad kala kulmi kartid intaad joogtid London sidii dhacday safarkaadii Sweden"
Abdi Qeybdiid ayaa si degan u weydiiyay Madaxweyne Garguurte " Ma waxbaad ogtahay,ku saabsan dacwad mise qolada Ingiriiska ayaa arrinkeeyga hore kaala hadlay"
Madaxweynaha oo dhoola cadeeynaya ayaa yiri "Nin weyn iyo umulisaba sideey wax u ogyihiin uma sheegaan laakiin Cadaadisku ma yaro,tan kale qolooyinkii ku dacweeynayay ee Human rights Watch iyo Amnesty International waxay qabsan karaan Lawyer deg dega ,tan kale waxaan maqlay in qolooyin Reer Galmudug ah kaa dacweeyeen Maxkamada dimbiyada dagaalka,oo suurtagal tahay in Interpool ku raadinayaan,warkeeyga ha u qaadan ceeb maxaa yeelay xitaa Madaxweynaha Sudan Hassan Omar Al-Bashiir ma tegi karo Yurub,waxaa loo jaray Waaran qabasho,xitaa Ra''isulwasaraha Ingiriirks waxba kama qaban karo arrimaha ku saabsan xaquuqul insaanka ama Maxkamadda dimbiyada"
Qeybdiid oo dareenkiisa isbedelay ayaa yiri " Human Rights iyo Amnesty waa Mareykanka ,waa askartii Xamar looga dilay,wali dakanadaas ayey ii dabajoogaan balse waan ka soo tashanayaa"
Abdiqeybdiid ayaa markii uu ka baxay shirkii Madaxweynaha Somalia uu la yeeshay kadib wuxuu kulan la qaatay dad u badan jufadiisa ,wuxuuna u sheegay inuu xilka Madaxweynenimada Galmudug ku wareejin doona Ceyr iyo Saleebaan,inta uu reer Caydiid ama reer Jalaf kursiga uga kici lahaa"
Qeybdiid oo dareemaya cadaadis ka weyn wixii qiyaastiisu ahayd ayaa wada tashiyo ka wada Muqdisho laakiin xeeldheerayaashu waxay qabaan inuu Galmudug burburiyay,kana reebay tareenkii geedi socodka Federalka maadama uu laba u kala qeybiyay shacabkii hal qura ahaa ee horumarka fog hiigsanayay.
Warbixintaan waxaan ka aruurinay shaqsiyaad ka qeybgalay kulanka Madaxweyne Garguurte iyo Abdi Qeybdiid.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3