Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-Dhageyso Dowladda Somalia oo Ciidanka ku eedeysay xasuuq iyo inay xireen taliyahii Jubooyinka

01 July 2013 Waagacusub.com-Wasiir ku xigeenka wasaarada warfafinta,boostada,isgaarsiinta Abdishakur Ali Mire oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Ciidanka Dowladda Kenya ku eedeeyay inay la safteen beel ka mida beelahii ku dagaalamay Kismaayo,wuxuuna dhinaca kale ku eedeeyay inay madaafiic ku garaaceen Magaaladda.


Wasiirka ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay qireeyso in magaalada kismaayo ay ku wada noolyihiin shacabka soomaaliyeed oo walaalo ah oo isku dan ah,hal dowladna leh,ogolna nidaam ay u simanyihiin oo ay ku wada noolaadaan.
Wasiirka ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacayay magaalada kismaayo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ahayeen colaad ku saleeysan hab qabiil iyo dagaal beeleedyadii lagu yaqaanay dalka Soomaaliya iyo loolankii halkaasi ka jiri jiray. Halkaan ka dhageyso

“Dowlada soomaaliya waxa ay si aad uga xuntahay in ciidamada AMISOM ee midowga afrika qeybtooda labaad ee ka howl gasha gobollada jubboyinka ay la saften dhinac ka mid ah dhinacyadii dagaalamayay,taasoo keentay in ciidamada AMISOM ay magaalada ku garaacaan madaafiic iyo hub culus oo ay qasaaro ka soo gaareen dad rayid ah,islamarkaana uu ka dhashay barakac iyo dhac loo geeystay hantidii shacabka”ayuu yiri Wasiirka
Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay xireen Col Cabaas oo ahaa abaanduulihii ciidamada dowlada soomaaliya ee ku sugnaa Magaalada kismaayo.oo aan ilaa hada dowlada Soomaaliya aysan ogeeyn halka la geeyay iyo meesha uu ku sugan yahay,isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad uga xuntahay xariga Sarkaalkasi.
“howlgalkii ay ciidamada AMISOM sameeyeen waxa uu sababay in la bartilmaameedsado xaruntii ciidamada dowlada Soomaaliyed,taasoo keentay in ciidamada dowlada loo geeysto qasaaro isugu jira dhaawac,dhimasho iyo burburin xaruntoodii”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka
Wasiirka ayaa sheegay in arrimahaas oo dhan ay dowlada Soomaaliyeed u aragto mid xadgudub ku ah waajibaadkii uu qeexayay qaraarkii Jimciyada qurumaha ka dhaxeysa ku ogolaatay in ciidamada Midowga Afrika ay uga howl galaan Dalka Somalia.
Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay soo jeedisay talooyinkan
1:Dowlada Soomaaliyeed waxa ay u aragtaa in magaalada Kismaayo la geeyo ciidamo ka kala socda dalal kala duwan oo ka mid ah midowga afrika,iyo in howlgalka sector 2 ee gobollada jubbooyinka uu noqdo ciidamo ka kala socda dalal kale duwan halka hada uu ka yahay hal dal.
2:Dowlada Soomaaliya waxa ay soo jeedineysaa in baaris madax banana lagu sameeyo waxyaabihii ka dhacay Magaalada Kismaayo,iyo qasaarihii shacabka ka soo gaaray si loo ogaado wajiga rasmiga ah ee dagaaladii dhacay.
3:Dowlada Soomaaliya waxa ay si deg deg ah u codsaneeysaa in la sii daayo Abaanduulaha ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay ciidamada AMISOM xireen ilaa iyo hadana aysan dowlada ka war heyn meel lagu xiray,laguna soo celiyo xaruntiisii iyo taliskii uu ka howl galayay.
4:Dowlada Soomaaliya waxa ay soo jeedineeysaa in la magacaabo sarkaal dhinaca siyaasada u qaabilsan midowga Afrika oo aan u dhalan dalka hada howlgalka u joogo gobollada jubbooyinka.
5:dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inay sameeyso fara galin bini’aadanimo,maadaama magaalada ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah,islamarkaana aysan jirin Dawo iyo dhaqaatiir ku filan dadkaasi ay waxyeeladu soo gaartay,loona baahanyahay in gaargaar deg dega lala gaaro dadkaasi xabad joojina la sameeyo.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3