Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Xigmada WC:- Xaaskeeyga Marwo dumar -

02 May 2013 Waagacusub.com-XAASKAYGA MARWO-DUMAR Wixii ay suuqa kusoo aragto, ama gabdhaha asageed ahi sitaan soo iibintooda iguma kallifto, waxayna goor kasta tixgelisaa awooddeyda dhaqaale.


Waxyaabo ay soo maqashay iguma colaadiso waxayna goor walba hubsataa xaqiiqada. Waan maqlay, waa la ii sheegay iyo waan la socdaa iguma wareeriso. Dheg uma dhigto ku-tiri ku-teenta Xaawalayda. Sahal ma aha si ay dabin ugu gasho cadowgeeda iyo cadowgayga, ma rumaysato waxa la'iga sheego oo Allaheey ka Alle yahay.

Ma qaylo badna. Deriskeennu wuu ka nabad galaa, gogosha iguma gaaddo, dood, dacwad iyo dalabaad aan ka sheegtana may laha. Weligeey maan arag ayadoo dagaal u duuban, dhexdu u xiran tahay, garruunna la boodaysa. Wejigeeda iyo jirkeeda meel garaafo uga taal ma laha, waxadna ka garan kartaa in aanay xitaa carruurnimadeedii ubadka la dagaali jirin. Weligeed saldhig boolis iyo meel dembi lagu baaro, dembi iyada loo haysto umay tegin.

Ma wareegto mana waaba tiriso. Guriga iyadoo ka maqan haddaan imaado waa saddex mid: Inay dugsi jirto, inay lugays jirto iyo inay carruur isbitaal u qaadday. Nikaax, Aroos, Shaash saar, Dhaloow, Furoow, Qaraaba-salaan,Tacsi, Maalin-joog, meelay ku kulmayaan Habro Ayuuto (Shaloongo) isku darsaday, madax-shub (abaay-abaay) iwm., midna ma aaddo. Gurigeennu dhiiqo, dhusuq iyo dharaq is-dhex-yaal midna ma laha. Gogoshu way carfaysaa, kijinku wuu dhalaalayaa, alaabtuna way dhaqan tahay. Musqusha waa la seexan karaa, carruurtana hooyo ma rabo mooyee hooyo isii iyo qaylo gaajo sababtay ka maqli meysid.

Waa marwo-dumar. Waxa laga yaabaa in aanay muuqaal ahaan qurux badnayn, hase yeeshee, waxay leedahay quruxda dahsoon ee ah: Edeb badni, Akhlaaq wanaag, dulqaad, Xishood, Af-gaabni, Qaddarinta dadka mudan iwm. Aqalkeennu wuxuu leeyahay nadaafad buuxda oo xagga hoyga, huga iyo hunguriga intaba ah. Mooral iyo Macnawi ahaanba way i dhistaa. Waan ku farxaa markaan arko, waanan usoo xiisaa markaan ka maqanahay. Waxay iga ilaalisaa erayada xun-xun.... . . . . . . . . . . . . . . . . . . Xaaskey-gaan oo aan kaaga sheekeynayo wali isma arag, isma maqal, islamana dhaqmin jidkeey kusoo jirtaa iyadoo duceysan oo intaas wanaag ahna ay body-guard u yihiin.... . . . . . . . Maalinteey timaado anaa invitation kuu soo diri doono!!!

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3