Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Madaxweyne Garguurte oo ku hungoobay inuu la kulmo ergada beesha Habargidir

02 July 2013 Waagacusub.com-Masuuliyiin uu horkacayay Abdirahman Abdishakuur kana socday Madaxweyne Hassan Garguurte ayaa gelinkii hore ee shalay kulan la yeeshay madaxda beesha Habargidir ee lagu jirdilay Garoonka Muqdisho iyo Guriga Maama Khadiijo.

Abdirahmaan iyo ergada la socotay ayaa Madaxda Beesha Habargidir u sheegay in Madaxweyne Garguurte martiqaad u fidiyay si looga wada hadlo dhibkii dhacay.

Masuuliyiinta beesha Habargidir oo iskugu jiray Dhaqan,siyaasiyiin,Ganacsato,aqoonyahanoo iyo Culumaaúdiin ayaa ergada ka socotay Madaxweynaha u sheegay inaysan la kulmi doonin Hassan Garguurte ilaa uu ka fuliyo balantii uu la galay.
Ugaaska beesha Habargidir Ugaas Hassan Ugaas Nur ayaa ergadii ka socotay Garguurte wuxuu ku yiri " Madaxweynaha naga gaarsiiya inaan Habargidir la bahdili karin,haloo sheego inaan Habargidir la gumeen karin,wixii naloo geestayna waxaan ku dhaaranay inaan uga qanacno in isagana la jirdilo,anagu hala dilo malahin laakiin waa in la jiid jiido siduu noo jiid jiiday,maxaa yeelay halkaan joogno waa Xamar ee Washington ma joogno"
Ugaaska beesha wuxuu tibaaxay in isagoo miyiga jooga Madaxweyne Hassan telefoon kula hadlay sidaas darteedna ay balan iyo axdi ku wada galeen,kadibna uu Hassan Dahir ku keenay Jajuub Xamar.
"Waxaad ogtihiin in Hassan Dahir imaan waayay Guriceel iyo Dhuusamareeb,Galkacyo iyo Hobyo tegi waayay,taas waxay ka marqaati kaceeysaa inaan jeceyl u qabin laakiin markii aan keenay in xoog naloo adeegsado hadaan gabar naga harin yeeli meeyno,ma nihin dad guna oo siduu Madaxweynaha aaminay la fara marooqsan karo,waxaan ku celinayaa hadii Nabad iyo deganaan la rabo waa in la fuliyo balantaan wada galnay"anaga iyo Madaxweynaha" ayuu yiri Ugaaska beesha Habargidir ahna Ugaaskii hore ee beesha Ceyr.
Beesha Madarkicis marxuum Caydiid kadib waxaa muuqato inay dib u midoobeen,waana hubaal in xaalada Muqdisho looga fursan doonin dagaal hadii aysan Dowladda raaligelin iyo magdhaw ka bixin jirdilkii lagu sameeyay Madaxda beesha Habargidir ee Hassan Dahir geysay Muqdisho.
Hadii Madaxda ka gaabiso inay si deg dega u xaliso xiisada aloosan waxay u gogol xaari kartaa in beesha Habargidir taageerto Hassan Dahir oo ka dhigan dimbiile xasuuqay shacabka Soomaaliyeed maxaa yeelay durba waxay beeshu biloowday dood la xiriirta in sharciga la horkeeno dhamaan dagaal oogayaashii xasuuqa geeystay.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3