Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Riyadii nolosheeyda:- Mala ilmeeysay itaal beelayaasha ileeyska loo shiday Muqdisho

01 June 2013 Waagacusub.com-Waa arrin uguba,waa ifafaalo wanaagsan,Ileeyska Hormuud Telecom Foundation u shiday Itaal labayaasha Soomaaliyeed .


Waan ilmeeyay runtii markeey indhaheeygu qabteen arrin Uguba oo Hormuud Foundation ku gargaartay Naafada ku nool Muqdisho ee niyada laga dilay .
Dhawaqa farxada badan wuxuu yahay in Hormuud Telecom Foundation shaqo abuuristii ugu horeeysay u sameeysay labaatan ka mida Itaal laabayaasha ama Naafada Soomaaliyeed, kuwaas oo qofkiiba la siiyay lacag dhan kun dollar si ay shaqo ugu sameeystaan.

Shaqo abuurista Hortelfo waxay iskugu jirtaa in Naafada la siiyo lacago kaasha si ay ugu shaqeeystaan ,iyadoo qofka muujiya shaqo wanaagsana la siin doono lacag uu ku noqon karo ganacsade loo shaqeeyo ,halka dhinaca kalena ay Naafada siineyso Waxbarasho si ay shaqo uga helaan Shirkadaha ganacsiga.
Tilaabada Hortelfo qaaday waxaan ku tilmaami karaa riyadii nolosheyda oo rumoowday maxaa yeelay waxaan mudo dheer ku taami jiray sidii loo sameeyn lahaa Hay'ad ka shaqeeysa horumarinta Naafadda Soomaaliyeed.
Dadka qaarkii ma dareemi karaan dhibaatada heysata Naafada Soomaaliyeed iyo nolosheey ku nool yihiin ,waxaana xanuunka ugu daran uu yahay in qofka Cuuryaamo dhinto isagoo qaba cuqdad nafsi ku saabsan inuu wax qabsan karin ama bulshada ka takooran yahay.
Qofka lugaha ama indhaha La' dabaq ma fuuli karo,kaligii ma socon karo,gaadiid u gaarana ma heysto.
Qofka indhaha La'' wuxuu ku qasban yahay inuu helo qof kaxeeyso,kaba sii darane hadii qofka la socdaa ka cararo rasaasta daqiiqad walba la isku rido Muqdisho ,wuxuu halis ugu jiraa inuu jiida u cararo ama gaari dilo.
Dhagoolayaasha Muqdisho waxaa loo dilaa shaki maxaa yeelay jiidaha dagaalka hadii lagu yiraa istaag ,ma maqli karo qofka dhagoolka ah,sidoo kalena rasaasta dhaceysaa dhegahiisa ma maqlaan.
Qofka Cuuryaanka hadii uu garguurte meel fog ma gaari karo,Gaadiidka dadweynaha inuu raacana waa arrin ku adag maxaa yeelay mid walba guluf ama orod ayaa lagu koraa.
Qofka Cuuryaanka alaab kama iibsan karo dukaamada maxaa yeelay Miiska la istaagayo maaha kiisii mana laha meel uu maro ama ka jeedaaliyo.
Hormuud Foundation ayaa dadaal ugu jirta in Xarumaha Shirkadaha laga hergeliyo meelo u gaara Cuuryaaminta iyo inay helaan Gaadiid ay isticmaalaan ,sida Baabuurta Cuuryaamiinta,
Hay''adaan Wadaniga ah ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud maalgelinta u sameeysay waxaa muhiima inay Shacabka Soomaaliyeed garab istaagaan,waana in qofkasta oo naxariis leh isu xilsaaro sidii guud ahaan goboladda Somalia loo wada gaarsiin lahaa Mashruuca.
Waa aduunyo xaalkeed in Maalqabeena Soomaaliyeed lacagtiisa ku bixiyo colaad hurin iyo in dad la laayo ama la cuuryaamiyo halka Maalqabeen la midana uu ku fikirayo inuu horumar iyo shaqo abuuris u sameeyo Naafada taagta daran.
Fadlan maskaxda iyo dhaqaalaha aad ku bixineysid Maamul qabiilkaagu leeyahay ama aad ku hurineysid Colaada ,waxaad ku gargaartaa Cuuryaaminta Soomaaliyeed ee taageerada kaaga baahan.
Danyarta Soomaaliyeed maanta waa kala ogyihiin ninka dilay iyo kan daryeelay.
By Dahir Alasow

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3