Topnews:-
Maxaad ka taqaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo
sababta loo eryay Caalin
02 December 2011Waagacusub.com-Diblomaasiyiinta Mareykanka
ee qaabilsan Arrimaha Somalia ayaa xilka qaadistii baarlamaanka
Galmudug State ku eryay Madaxweynahii hore ee maamulkooda
Mohamed Ahmed Caalin ku sifeeyay “Democracy in Action”
Ficil Dimoqoraadiya.
Qurba joogta Galmudug ayaa Dabaaldegyo lagu taageera
xilka qaadista Madaxweynahii hore ee Galmudug ka sameeyay
Caalamka gaar ahaan Waqooyiga Amerika iyo dalalka Midowga
Yurub waloow dad tiro yar xilka qaadista Caalin ka muujiyay
walaac.
Mohamed Ahmed Caalin oo lagu eedeeyay inuu Galmudug
ku maamulayay hab dhaqan keligii talisnimo waxaa xilka
qaadistiisa u sacab tumay siyaasiyiinta iyo Saraakiisha
Ciidan ee beeshiisa sida Bashiir Tahliil Warsame,Caydiid
Colow iyo Cabdullahi Qarsho taas oo meesha ka saartay
walaacii laga qabay inay jufadiisa ka biyo diido habka
dimoqoraadiga ee baarlamaanka Galmudug u eryay Korneyl
Caalin.
Korneyl Mohamed Ahmed Caalin inta aan xilka Madaxweynenimada
laga xayuubin waxaa gurigiisa ugu tegay 45 masuul oo
isugu jiray Siyaasiyiin,Culumaa’udiin,Odayaasha dhaqanka
,haween,dhalinyaro iyo Saraakiisha Ciidamadda Galmudug
.
45-ta Xubnood ayaa Korneyl Caalin ku yiri” Anagoo ka
dheregsan qaladaadkaada ay ugu dambeysay inaad iibsatay
Macaawinadii Iran ee Galmudug ,taas oo dhameeyd afar
boqol oo tan,waxaan kuugu nimid inaan marada kuu celino
oo is casilaadaada ku dhawaaqdid”
Mohamed Ahmed Caalin ayaa qaadacay codsigii gudigga
beelaha Galmudug,wuxuuna ku hanjabay inuu dhici doono
dagaal la mida kii Salbalaar iyo Cakaaro hadii kursigiisa
lagu fara gashto.
“ Wasiiradaan idinla socda ee igu qasbaya inaan is casilo
dhamaantood xilalka ayaan ka qaadayaa”ayuu Korneyl Caalin
ku yiri xubnahii gudigga ee xaal mastuurka ugu tegay.
Xubnaha gudigga beelaha Galmudug ayaa Ciidamadda amaanka
ku amray inay adkeeyaan amaanka Xarunta baarlamaanka
kadibna waxaa furmay kulankii Golaha Baarlamaanka Galmudug
oo hore loogu yeeray Korneyl Caalin .
Gudoonka baarlamaanka Galmudug oo hore u hayay Mooshin
12 Xildhibaan ku dalbanayeen in Mohamed Caalin hor tago
baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in cod gacantaaga loo
qaado xilka qaadista Caalin.
17 Xildhibaan ayaa gacanta u taagay Imbeejmantigii xilka
qaadista Madaxweynahii Galmudug.
Halkaan ka Dhageyso
Warbaahinta maqalka iyo muuqaalka oo dooda baarlamaanka
iyo mooshinka xilka qaadista lagu casuumay ayaa baahisay
xilka qaadista lagu sameeyay Madaxweynahii Caalin iyo
dimoqoraadiyada Xildhibaanada ugu codeeyeen.
Nin lagu magacaabo Ahmed Baasto oo sheegta inuu yahay
Afhayeenka Korneyl Caalin ayaa qaadacay xilka qaadista
lagu sameeyay Madaxweynahii Galmudug.
Wariye Wareeysanayay Ahmed Baasto ayaa waydiiyay sababta
uu ku qaadacay xilka qaadista lagu sameeyay caalin,wuxuuna
ku jawaabay Afhayeen Baasto “ Fadhiga Baarlamaanka waxaa
ka maqnaa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka
Galmudug ninkaas oo u dhashay beesha Shiikhaal sidaas
darteed kala fadhi uu ka maqan yahay masuul metelaya
beesha Shiikhaal ansax maaha”
Halkaan ka dhageyso.
Wariyaha Wareeysanayay Afhayeen Baasto oo yaaban ayaa
waydiiyay “ Dastuurka Galmudug waxaa ku qoran in Baarlamaanka
xil ka qaadis ku sameeyn karo Madaxweynaha hadii sedex
meelood laba meel u codeeyso,adigana waxaad ka hadleeysaa
nin beel u dhashay!! Maxaa kaa qaldan mise Dastuurka
Galmudug ayaad akhrin”?
Ahmed Baasto oo warkii ku xirmay ayaa yiri “ Ilhaano
kugu dhacday maxaad sidaas iigula hadleeysaa”
Inkastoo guud ahaan Wareeysiga Ahmed Baasto qofkii dhageystaba
ku qoslay hadana xilka qaadista Caalin waxay soo afjartay
dagaal mudo dheer lagula jiray koox uu Gudoomiye u yahay
oo lagu magacaabo KOOXDA ISMOOG. MAXAA XIGA XILKA QAADISTA KORNEYL CAALIN!!?
Amaanka Koofurta Magaaladda Galkacyo ayaa xalay aad
loo adkeeyay,waxaana mooshinkii xilka qaadista la horgeeyay
saakay Gudoonka Maxkamadda Sare ee Galmudug.
Maxkamadda Sare marka ay aqbasho sharciyada xilka qaadista
Madaxweynahii Galmudug lagu sameeyay,waxaa la guda gelayaa
xaflad lagu caleemasaaraa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug
oo xilka sii heyn doonaa ilaa doorashada Madaxweynenimada
laga qabanaa. WAA KUMA HOGAAMIYAHA U SHARAXAN MADAXWEYNENIMADA
GALMUDUG?
Xilka Madaxweynenimadda Galmudug waxaa loo wadaa 59
jir Masters Degree ka heysta International Politics.
Madaxweynaha Mustaqbalka dhaw ee Galmudug wuxuu ka tirsanaa
Ciidamadii Boliiska Somalia ,wuxuuna ku jiray shaqsiyaadkii
aas aasay Galmudug State.
Hogaamiyaha cusub hadii uu ku guuleeysto Madaxweynenimada
Galmudug waxaa la rumeeysan yahay inuu Galmudug u baryay
Waacusub oo xambaarsan horumar iyo dimoqoraadiyad lagu
faani karo. GUDIGGA SARE EE MADAXWEYNE CAALIN OO WAR SOO
SAARAY.
Gudigga beesha Sacad Habargidir oo Muqdisho ku qabtay
Shir Saxaafadeed ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan
yihiin xilka qaadistii baarlamaanka Galmudug shaqada
uga eryeen Madaxweynahii Galmudug.
Gudigga Muqdisho kula hadlay Saxaafadda waxaa u madaxa
Siyaasiga weyn ee Mohamed Farah Jimcaale. DIBADBAXYO LAGU TAAGEERAA GALMUDUG OO GALKACYO
KA SOCDA.
Bulshada reer Galmudug ayaa Magaaladda Galkacyo iyo
degaanada ku xeeran ka wado dhaqdhaqaaqyo ay ku qabanqaabinayaan
dibadbaxyo lagu taageeraa isbedelka cusub ee Galmudug
ka dhacay iyo go’aanka baarlamaanka Galmudug xilka uga
qaaday Korneyl Caalin. DEEQDII GALMUDUG KA HESHAY MUCAAWINADA IRAN
SIISAY SOMALIA XAGEE MARTAY?
Madaxweyne Caalin ayaa iibsaday afartii boqol tan ee
Galmudug la siiyay,waxaana u iibiyay nin u dhashay beesha
ABGAAL oo lagu magacaabo Bashiir halka Maamulka Puntland
dadkiisa u qeybshay afartii boqol tan ee Macaawinada
Iran ay ka heleen.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download