Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Xafladii Madaxweyne Garguurte ee London oo ku dhamaatay qabyaalad iyo xumaan.


03 Febraury 2013 Waagacusub.com- Odayaashii iyo hooyooyinka Somalida ee laga aruuriyay lacagtii lagu kireeyay hoolkii Xaflada lagu qabtay ee Magaaladda London ayaa Xafladii Madaxweyne Garguurte ka huleelay iyagoo Muraala dilaacsan kadib markii loo diiday inay Munaasabada ka hadlaan..


Dhalinyarada la dagaalanka qabyaalada oo niyad wanaagsan ku tegay xaflada ayaa tiiraanyo kala laabtay xaflada markii rag xildoona is hortaageen inay fariimahooda bulshada gaarsiiyaan.

Kooxda Qayladhaan oo ka mida halgamayaashii u dagaalamay in qaswadayaashii Al-Shabaab iyo Xildhibaanadii tirada badnaa la wiiqo ayaa loo diiday inay ka heesaan xafladii Madaxweynaha loo sameeyay iyagoo sheegay inay sameeyeen hees loogu tala galay soo dhaweeynta Madaxweynaha Federalka Somalia.
Wariye Cabdirisaaq Socota ayaa xaqiray xitaa inuu sheego magaca Fanaaniinta Kooxda Qaylodhaan wuxuuna madasha ka sheegay kaliya Gaadaco ,Hibaaq iyo Faysal.
Fanaanada Hibaaq Mohamed oo Fanka Somalida ku jirta wax ka yar lix bil ayuu Cabdirisaaq Socoto tilmaamay inay tahay Fanaanada Telefishinka Qaranka.

Fanaanka Cabdirisaaq Gaadaco ayaa xaflada ka laabtay isagoon hal hees ka qaadin,waliba asagoo ka mid ahaa Fanaaniinta Waaberi.
Abwaanad Diyaano oo Makarafoonka xoog ku qabsatay ayaa shacabka u sheegtay inay qabanayaan banaanbax ka dhana Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow hasse yeeshee waa laga fara maroojiyay Makarafoonka.
Wariyeyaashii ka socday Telefishinka oo qorsheeynayay inay Live u tebiyaan barnaamijka ayaa ka laabtay xafladii markii ay garwaaqsadeen in madasha loo xiray telefishinka Qaranka oo kaliya.
Hoolka Xaflada lagu qabtay oo lagu kireeyay toban kun waxaa shan kun bixiyay Jaaliyadda Somalida UK halka shanta kalena Dowladda Ingiriiska bixisay.

Guddi Madaxweyne Garguurte ka soo diray Muqdisho oo loogu tala galay diyaarinta xafladiisa iyo guddi laga xulay Somalida Ingiriiska ayaa isla gartay nidaamka xaflada sida dadka khudbadaha ka jeedin doona madasha,fanaaniinta ka heesi doona hasse yeeshee waxay sheekada ku dhamaatay in Madaxweyanaha khudbad laba saac ka badan ka jeediyo xaflada kadibna sidaas lagu kala tago.
Si kastaba ha ahaatee ,Bulshada Somalida ayaa xaflada ka dareeray markii uu khudbada bilaabay Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow (Garguurte)

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3