AlShabaab
oo boqol kun dollar siiyay qaar ka mida Odayaasha Ceyr
iyo Diyo 9 nin.
03 November 2011Waagacusub.com- Madaxweyne Shariif
Sheekh Ahmed ayaa 70-kii Visa ee Boqortooyadda Saudi
Arabia siisay Dowladda Federalka Somalia 50 ka mida
siiyay Somaliland taas oo la sheegay inuu abaal marin
uga dhigay wada shaqeeyn ay la yeeshaan .
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
Khaliil Abdilahi,Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji
Cali,Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Abdilahi Cukuse
iyo Taliyaha Boliiska Saqadhi Dubad ayaa garoonka Jiddeh
ee Boqortooyadda Saudi Arabia uga degay baasaboorka
cusub ee Dowladda Federalka Somalia (E-Passport)
Taliyaha Boliiska Somaliland Saqadhi Dubad oo hore loogu
murmi jiray Islaamnimadiisa ayaa la xaqiijiyay inuu
sanadkaan ka xajiyay jeebkiisa maadama uu hore u ahaa
nin aan Salaad Dukan,soomin laakiin ilaaheey qalbigiisa
ku shubay Kheyr sanadkaan barakeeysan.
Taliye Saqadhi Dubad ayey Mashaa’iiqda Somaliland iyo
dadka yaqaan aad ugu farxeen waloow Dubad cabin khamri.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilahi Cukuse
oo ah nin Saqrada dilootay,khamriga aad u caba ayaa
la xaqiijiyay inuu ka mid yahay Xujeeyda ku baxay Visaha
TFG-da.
Xaaji Cabdilahi Cukuse ayey dad badan la yaabeen markii
ay maqleen inuu xajka Barakeeysan tegay sanadkaan waloow
dadka badankii leeyihiin “ Yaan lagu dimbaabin waa intaas
oo ilaaheey ku hadeeyo xajka barakeysan”
Wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta Somaliland oo lagu
magacaabo Oday ayaa la xaqiijiyay inay Visaha siisay
Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways,iyadoo la sheegay
inay xaj walba siin jirtay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxaa sanad walba Visaha
xajka siin jiray Shirkadda Daallo Airlines hasse yeeshee
sanadkaan waxaa uu ku baxay Visaha TFG.
Madaxda Somaliland ayaa diiday inay la xajiyaan 20-ka
Xujeey ee ka socday Dowladda Labada Shariif,waxaana
lagu arkayay Gudaha xajka iyagoo ku dhex jira Xujeeyda
caadigaa.
20-ka Xujeey ee ka socotay Dowladda Federalka Somalia
ayey boqortooyadda Saudi Arabia u sameeysay meeqaam
heer Dowladnimo.
Madax dhaqameedyo uu ka mid yahay Boqor Cismaan Buur
Madoow ayaa Xajka barakeeysan ku tegay Casuumaad rasmiya
,iyadoo la dejiyay dhismayaal gaara.
Si kastaba ha ahaatee,waa Markii ugu horeeysay ee 50
ka tirsan Madaxda Somaliland ku tagaan xajka barakeeysan
Casuumaad lagu siiyay baasaboorka iyo magaca Dowladda
Federalka Somalia.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download