Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Dood Wadaag Universal Tv oo jeebka u galay Hay'ad Sirdoon

03 December 2011 Waagacusub.com-Barnaamijka Dood wadaag ee ka baxa Universal TV ayaa noqday barnaamijkii ugu horeeyay ee Urur Siyaadeed ama Hay’ad Sirdoon maalgeliso.

Barnaamijka Dood Wadaag oo Somali badan xiiseeyso daawashadiisa waxaa maalgeliya Hay’ada CRD oo sheegata inay tahay Xarun siyaasadeed ka shaqeeysa Cilmi baarista iyo Wadatashiga balse la rumeeysan yahay inay ka mid tahay Hay’adaha Sirdoonka reer Galbeedka ee ka hoowlgala gudaha Somalia.


Xeeldheerayaasha Saxaafadda ayey la yaab ku noqotay sida Wariyaha Barnaamijka Dood wadaag Cawil Dahir Salaad u bahdilay sharaftiisa Suxufinimo iyo tan guud ee Warbaahinta Madaxa banaan.
Doodaha iyo Barnaamijyada ka baxa Warbaahinta madaxa banaan waxaa Sponsor gareeya Shirkadaha Ganacsiga hasse yeeshee taariikhda lama arag Telefishin baahiya barnaamij lagu xusay inay maalgeliso Hay’ad Sirdoon ama Urur siyaasadeed.
Hoolka Barnaamijkii Dood Wadaag ee Muqdisho lagu qabtay waxaa lagu hardhay gees walba SPONSORED BY CRD,Waxay ka qeybgalayaasha su’aalaha waydiinayay Madaxweyne Shariif ku wareersanaayeen UNIVERSAL TV IYO CRD mida barnaamijka qabatay.
Ka qeybgalayaasha waxay qaarkood ku bilaabayeen ,Hay’ada CRD waa ku mahadsan tahay barnaamijka ay noo qabatay halka dadka qaarna lahaayeen waxaan uga mahadnaqeeynaa UNIVERSAL.
Maamulka Universal Xafiiska London ayaa la soo Wariyay inuu ka dhex jiro muran la xiriiro barnaamijka DOOD WADAAG oo badankood doonayaan in la joojiyo guud ahaan ,iyadoo dhinaca kalena la fasaxay barnaamijkii XOG WARAN oo Abdulkadir Nadara daadihin jiray.
Madaxa Barnaamijyada iyo Wararka Universal Tv Cabdi Salaan Hareeri iyo Tifaftiraha Barnaamijka Universal Tv Ridwaan Xaaji Cabdi Wali oo aan la xiriirnay ayaan ku weynay khadka telefoonka.
Inkastoo dhibaatadda heysata Saxaafadda Somalia ay ka mid tahay in Hay’ad Sirdoon ama Urur siyaasi loo hoos tago barnaamij looga hadlaa Aayaha Qaranka Somalia hadana waxay arrimahaan ka mid tahay ceebta ku hardhan Warbaahinta Somalia ee sheegata inay madax banaan tahay.
Hay’ada CRD waa maxay danta ugu jirto inay maalgeliso DOOD WADAAG?
Aqoonyahanadu waxay ku sifeeyeen laba arrimood.
1- CRD oo Hay’adaha ay ku xiran tahay lacago badan uga qaadanee qabashada barnaamijyada maqal iyo muuqaalka maadama ay tahay DOOD la isku dhaafsanaa afkaaro siyaasadeed laguna ogaanaa fikradaha bulshada qabaan.
2- CRD oo Dukumiintiga muuqaalka u gudbinee Dowladaha maalgeliya ee reer Galbeedka si looga helo raad raac siyaasadeed iyo dareenka Shacabka Soomaaliyeed.
3- Agaasimaha CRD Jabriil Abdulle oo rajo ka qabo inuu Madaxweyne ama Ra’isulwasare ka noqdo Somalia Mustaqbalka dhaw sidaas darteedna barnaamijka dood wadaag u arko mid uu ku fushan karo danahiisa siyaasadeed.

Wariye Cawil Dahir Salaad maxay tahay danta ugu jirto inuu galo Jeebka CRD?
1- Cawil Dahir wuxuu CRD ka helaa guno lacageed ku fulin noloshiisa ,sidoo kalena waxaa la sheegaa inay isku beel hoose yihiin Jabriil Cabdulle.
2- Cawil Dahir Salaad oo ah nin Madaxtinimo jecel wuxuu rajo ka qabaa inuu Dood Wadaag ku helo jago siyaasadeed sidii Cabdi Raxmaan Diinaari oo kale – AFHAYEEN+WASIIR+SAFIIR.

CAWIL DAHIR SALAAD QAAREEY hadii uu ku reer yahay Jabriil Ibrahim Cabdulle maxaa sababay inuu ku abtirsado abtigii DAHIR SALAAD QAAREEY? Muxuu yahay magaciisa oo saxdaa? Goormee Saxaafadda Somalia ku soo biiray? Warbaahintee ka soo shaqeeyay? Sidee ku yimid Dalka Ingiriiska? Ugu dambeyna Cawil waa qof Ceynkeeya? La soco qeybta dambe.


Agaasimaha Hay’ada CRD Jabriil Ibrahim Abdulle maxaa ka jira in qofkii siyaasadiisa ka hor yimaado uu ka gudbiyo Warbixino qaldan? Una gudbiyo Safaaradaha,Saxaafadda reer Galbeedka iyo Hay’ado Sirdoon?
Ma tahay run inuu yahay ninkii ka shaqeeyay Warbixintii UN-ka ee Ganacsade Abdulkadir Enow lagu eedeeyay inuu iibsado Cuntadda WFP.taas oo been noqotay?
Jabriil maku lug lahaa dilal lagu khaarijiyay masuuliyiin Somalia? Maxaadse ka og tahay jufooyinka uu beelaha Habargidir iyo Abgaal ugu neceb yahay?
Sheekooyinkaan oo Cadeeyn wato waxaad kala socon doontaan Waagacusub.com


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3