Wasiirka
Warfaafinta Somaliland oo la gaaray xilliguu meyracan
jiray.
04 Janaury 2012Waagacusub.com- Wasiirka Warfaafinta
Somaliland Ahmed Abdi Xaabsade ayaa la xaqiijiyay inuu
ka carooday guddi uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay
qiimeenta iyo ka talo bixinta Shirweynaha Taleex uga
furmay beesha Dhulbahante .
Wasiir Xaabsade ayaa Siilaanyo
ka diiday inuu qabto shir Saxaafadeed xambaarsanaa go’aanka
Somaliland ka qaadatay shirweynaha Taleex ee Khatumo
2 iyo natiijadu inay tahay hoowlgal Melleteri
Ahmed Abdi Xaabsade oo la xaqiijiyay inuu ka carooday
yasmadii Siilaanyo uga reebay gudigga ka talo bixinta
Shirka Taleex ayaa la rumeeysan yahay inuu ka fiirsanayo
halkii uu wajahi lahaa maadama la gaaray xilligii meeyracashadiisa.
Xaabsade wuxuu 20-kii sano ee ugu dambeysay u kala meeyracanayay
Puntland iyo Somaliland isagoo markii ugu dambeysay
Maamulka Puntland ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
amniga.
Inkastoo Isaaqa hore u aaminsanaayeen in Ahmed Xaabsade
yahay mas guri la degan hadana waxay dadka ku dhaw Wasiirka
sheegayaan inuu ku biiri doono Shirweynaha Khatumo 2
ee ka socda Taleex si uu jago buuran uga raadsado maamul
goboleedka looga dhawaaqi doona ee DARWIISH STATE OF
SOMALIA.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org