Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:Madaxweyne Garguurte oo Shaqaalahii Madaxtooyada kala haray jufadiisa -Lixdana eryay?

04 March 2013 Waagacusub.com-Madaxweyne Hassan Mohamud Alasow ayaa markii ugu horeeysay bareerahiisa qabyaalada iyo Xisbinimada cadeeystay kadib markii uu shalay (Axadii 03-03-2013) shaqada ka eryay Lixdan ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyadda ee la soo shaqeeyay Dowladihii Abdullahi Yusuf iyo Shariif Sheekh Ahmed.


Agaasimahii Madaxtooyadda Ahmed Macalin oo u dhashay beesha Murusade ayuu shaqadii ka eryay ,wuxuuna reebay Agaasime ku xigeenkii Madaxtooyadda Cabdi Muxumud oo u dhashay beesha Madaxweyne Hassan Garguurte ee Waceysle Abgaal.

Qaar ka mida shaqaalahii uu Madaxweynaha ka eryay Madaxtooyadda oo Waagacusub la hadlay ayaa tibaaxay inuu Hassan Garguurte kula kacay qabyaalad iyo Cadaalad daro .
"Agaasimahii Madaxtooyadda waa eryay ninkii ku xigay oo Waceysle u dhashayna waa reebay,Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Mr Cali Atam oo Waceysle ah waa reebay,Cabdiraxmaan Kampala iyo Gabar la dhaho Aamina oo Baratakoolka qaabilsanaa iyagana waa reebay maxaa yeelay waa Waceysle ,waxaa ka sii daran xitaa haweenkii Madaxtooyada xaaqi jiray waa eryay,wuxuuna dhamaanteen nagu bedelay dad u dhashay beeshiisa Waceysle iyo xulufadiisa Simad iyo Dam Jadiid" ayey yiraahdeen Sagaal ka mida dadkii laga eryay Madaxtooyadda.
42 ka mida Shaqaalaha la eryay ayuu Madaxweynaha u kala qeybiyay Wasaaradda Shaqada iyo Tan arrimaha dibadda.
Shaqaalaha Madaxtooyadda laga eryay Waxay Waagacusub u sheegeen in dadka loo wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ku jireen sedex gabdhood oo aysan hore u arag weligood balse la sheegay in nin lagu magacaabo Kamaal Dahir Gutale lacag ka qaatay.
Tilaabada uu ku kacay Madaxweyne Hassan wuxuu ku jibiyay ballantii uu ku sheegay in shaqaalaha Madaxtooyadda ee Shariif Ahmed ka tegay sii wadan doonaan shaqadooda.
Si kastaba ha ahaatee, Hassan Mohamud Alasow wuxuu noqday hogaamiye afkiisa iyo uurkiisa islaheyn,waxaana durba cadaatay inuu yahay nin qabyaalada ku weyn tahay oo Cadaaladana ka fog.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3