Topnews:-
Madaxweynahii hore ee Galmudug
oo xabsi guri la gelshay.
04 December 2011Waagacusub.com-Ciidamo lixaadleh ayaa
la dul dhigay guriga uu Magaaladda Galkacyo ka degan
yahay Madaxweynahii xilka laga qaaday Korneyl Mohamed
Ahmed Caalin oo la xaqiijiyay inuu gurigiisa la jooga
Sarkaal ka tirsan taliyeyaasha burcad badeeda oo lagu
magacaabo Axmed Cismaan Kaahiye (Fatxi).
Ila wareedyo muhiima ayaa tibaaxay in Saraakiisha amaanka
rumeeysan yihiin in Axmed Cismaan Kaahiye (Fatxi) lacag
u geeyay Caalin si loogu kala furfuro Ciidanka Galmudug
oo dhamaantood aqbalay codkii baarlamaanka Galmudug
xilka uga qaadeen Korneyl Caalin.
Mohamed Ahmed Caalin ayaa Axmed Cismaan Kaahiye (Fatxi)
u magacaabay Madaxa la dagaalanka burcad badeeda Galmudug
.
Axmed Cismaan Kaahiye (Fatxi) waxaa degaanka Hobyo ugu
afduuban laba Markab oo midkooda laga leeyahay dalka
Gariiga.
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa sidoo kale
isku gadaamay guri la sheegay in lagu dejiyay Deeq Dowladda
Turkiga ugu deeqday shacabka Galmudug.
Korneyl Caalin ayaa la sheegay inuu deeqda Turkiga u
wakiishay nin lagu magacaabo Mustafe Caweeye kaas oo
ku dejiyay guri ku yaal Koofurta Galkacyo. Mohamed Ahmed Caalin wuxuu rucle ugu jiraa sidii
uu xilka qaadistiisa ugu sameen lahaa weji siyaasadeed. Dadka dhaliila Caalin waxay leeyihiin
. Cod malahan= Waa nin aan hadal aqoon Gacan Malahan= Qabri qori saar mooyee
qori ka qaad maleh. Geesi maaha = Waa nin fulaya oo mowqifkiisa
cadeeysan Karin. Aqoon malaha = Xitaa Luqadaha ajnabi
mid uu yaqaan ma jirto. Go'aan malahan = Waa nin jilicsan oo
gebi dhacleen badan. Saamile burcad= Wuxuu saami ka qaataa
burcad badeeda Khaa’in : Wuxuu iibsadaa Deeqaha loogu
talay shacabka.
Jufadiisa waxaa ka taageersan Baasto Ilhaano oo Wasiirnimadiisa
aan baarlamaanka la marsiin iyo Xasan Jibouti oo Nairobi
ku nool.
Jufadda uu ka dhashay eer Ayaanle nin wax garto oo Caalin
la socda malahan!! Kaahiye Luga god,
Axmed Minister
Bashiir Warsame Cawaale
Xasan Nuur ridin
Cumar Sheekh Cali
Ilmo sheekh labaale
Ilmo Cali Warsame
Dhamaan ragaani waxay taageersan yihiin xilka qaadista
Caalin lagu sameeyay waana raggii ugu dhawaa dhalashada
. MUXUU YIRI CAALIN:-
Mar wuxuu Leeyahay Reer la yiraa Culus ayaa xilka iga
qaaday.
Mar wuxuu leeyahay Cabdiyaal ayaa inqilaab igu sameeyay.
Mar wuxuu leeyahay Wahaabiya ayaa fara marooqsatay xukunka
Galmudug.
Mar wuxuu leeyahay Cabdullahi Kobaweyne ayaa I afgambiyay.
Mar wuxuu leeyahay Madaxweyne Shariif ayaa ka dambeeyay
xilka qaadisteyda. MAXAA U SABABA INUU KALA HADLO.
A- Wuxuu sii jecleeysanayaa inuu iska qayilo.
B- Inuu Saamiga burcad badeeda qaato.
C- Inuu deeqaha Waxbarasho iyo Cuntooyinka iibsado.
D- Inuu isku diro bulshada Galmudug oo xirfadiisa hangashnimada
adeegsado. QAYLA DHAANTIISA JUFO MAXAY TIRI KARTAA?
Hadii jufadiisa oo dhan isku raacdo inay taageerto waxba
uma tiri karto maxaa yeelay waxaa laga qaaday xilka
Madaxweynenimada Galmudug ee qofna kuma qabsan xilka
Madaxweynenimada Reerkiisa.
Hadii reerkiisa u duubto inuu ku taageero qaladkiisa
waxay dadku xaqiiqsanayaan inuusan aheyn Madaxweyne
Galmudug oo ahaa hogaamiye juffo. MAXKAMADDA MAXAA LAGA FILAN KARAA?
Maxkamada natiijadeeda waa garsoor iyo cadaalad,waana
nasiib daro hadii ay xukmiso xeer jajab.
Hadii Maxkamada hortagaan 17-ka Xildhibaan ee xilka
qaadista ku sameeyay Caalin waxay Maxkamadda ku qasban
tahay inay ansixiso laakiin hadii aysan hortegin waa
inay Maxkamadu laasho xilka qaadistaas maadama sharcigu
yahay in loo helo cod buuxo. HADII MAXKAMADU TIRAA,CODKU WAA 17 XILDHIBAAN
OO BUUXA LAAKIIN?
Hadii Maxkamadu diido Codka 17-ka Xildhibaan waxaa meesha
ka baxaya nidaam dimoqoraadiya iyo mid Doowliya maxaa
yeelay hadii awooda baarlamaanka jirin Dowladnimana
meesha kama jirto? CADAADISKA BEESHA CAALAMKA EE XILKA QAADISTA
BEESHA CAALAMKA?
Beesha Caalamka waxay af cad Wasiiradda Galmudug ugu
sheegtay inaysan Galmudug taageero dhaqaale siineyn
inta uu Caalin ka yahay Madaxweyne maadama lagu helay
musuqmaasuq ,sida iibsasho Macaawino,saami ka qaadasho
burcad badeed.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download