Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Siyaasi caana iyo wiil uu awoowe u yahay oo nolosha lagu gubay Qoryooleey - Qabiilkiisa Habargidir darteed

05 May 2013 Waagacusub.com-Siyaasi 91 Jira iyo wiil uu awoowe u yahay ayaa meeydkooda laga helay Degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose iyadoo deb la qabadsiiyay ,oo nolosha lagu gubay.
Siyaasigaan oo lagu magacaabo Ahmed Guure Maamuun ayaa la rumeeysan yahay in loo dilay heybtiisa qabiil,wuxuuna dilkiisa ku beegan yahay xilli Website-yada Biyomaalka iyo Ogadeenka lagu faafiyay Warbixin lagu sheegay in dad u dhashay beesha Habargidir xoog ku heystaan Degmadda Qoryooleey.


Website-yada Biyo maalka ayaa lagu faafiyay Warbixintaas ay ka muuqatay qabyaalada ,laguna iclaamiyay in la laayo dadka Habargidirta ee degan Shabeelada hoose gaar ahaan Qoryooleey.

Ahmed Guure Maamuun,wuxuu ahaan jiray Duqa Magaalada Marka,wuxuu Gudoomiye ka soo noqday Boosaaso,wuxuu noqday Qunsulkii ugu horeeyay ee Somalia u fadhin jiray Jarmalka gaar ahaan Magaalada Boon,wuxuu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Jibouti u fadhiyay Somalia.
Wuxuu dhashay 1922 wuxuu ku dhashay Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug,
Wuxuu Xildhibaan noqday 1964 ,Dowladii Adan Cabdulle Cismaan wuxuuna ka soo galay Xisbiga SYL.
Ahmed Guure Maamuun wuxuu degay Shabeelada hoose 1959 ,wuxuu ahaa ninkii xornimadii talyaniga kala wareegay ,wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Calanka Somalia ka taagay Magaaladda Marko,wuxuuna ahaa Duqii ugu horeeyay ee Magaaladda Marko.
Wuxuu ka mid ahaa 50-kii qof ee Mohamed Siyaad Barre shaqada ka fariisiyay ee waraaqahii shaqa joojinta loogu geeyay gurigooda.
Ahmed Guure Maamuun wuxuu beer weyn oo dhan boqol iyo labaatan higtar ku leeyahay meel 5 KM u jirta Buula Sheekh ee degmada Qoryooleey,Gobolka Shabeelada hoose.
Ahmed Guure Maamuun oo u dhashay beesha Sacad Habargidir gaar ahaan Reer Sinoole wuxuu dhalay afar Caruur ah.oo laba ka mida yihiin Dhaqaatiir caana oo la kala yiraa Drs Muxubo Ahmed Guure iyo Dr Muxyadiin Ahmed Guure.halka wiilka sedexaad oo lagu magacaabo Abdi Ahmed Guure uu yahay Injineer ku taqasusay xaga beeraha halka gabadha afaraad oo la yiraa Haliimo Ahmed Guure tahay gabadh ku taqasustay dhaqaalaha.
Beelweynta Habargidir ayaan la ogeyn waxay uga jawaabi doonaan falka foosha xun ee lagula kacay Marxuum Ahmed Guure Maamuun iyo wiilka uu awoowga u yahay laakiin sida taariikhda lagu yaqaan beesha Habargidir waa dad yaqaan Aarsiga oo falkaani waxaa hubaala inuu horseedi doono in boqolaal odayaala nolosha lagu gubi doono si Biyamaalka xanuunka ula wadaagaan beesha Habargidir ee haldoorkoodii la dilay.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3