Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Kooxda Dam Jadiid oo la wareegtay awooda Dowladda Somalia- Cadeeyn

05 June 2013 Waagacusub.com-Awooda Dowladda Federalka Somalia ayaa gashay gacanta kaadiriinta Urur diimeedka Damu Jadiid ee ka tirsan Xukumadda Ra''isulwasare Saacid .
Wasiirada ka tirsan Xukumadda Federalka Somalia ee kaadiriinta Damu Jadiid waxay leeyihiin awoodo ka baaxad weyn tan Madaxweynaha iyo Raísulwasaraha Somalia.


Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir oo sharciyan shaqadiisa tahay agaasinka hoowlaha Madaxtooyadda kana mida kaadiriinta Dam Jadiid ayaa noqday ninka awooda Dowladda Somalia gacanta ku haya.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Somalia Abdikarim Guled oo isna ka mida Kooxda Dam Jadiid ayaa noqday ninka labaad ee ugu awooda badan Madaxda Dowladda Somalia.

Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo Madaxtooyadda Somalia waxay degan yihiin guryo amaankooda si weyn loo adkeeyay ,laguna xiray Kaamirooyinka wax duuba ee gudaha laga daawado,iyadoo lagu wareejiyay derbiyada guryahooda silig koronteeysan iyo jawaano dhagxaan iyo caro ka buuxdo.halka Wasiiradda kale ee Xukumadda aysan awoodin inay sameeystaan laba ama sedex askari oo amaankooda ilaaliya iyo gaari ay ku socdaan.
Wasiiradda Xukumadda Federalka Somalia ee aan ka tirsaneen Dam Jadiid ayaa qaarkood waxay iskula degan yihiin labo ,labo ama sedex Wasiir.
Sheekada ugu yaabka badan waxay tahay in dhamaan Wasiiradda Xukumadda Somalia ee aan ka tirsaneeyn lagu lamaaniyay Wasiir ku xigeen ama Wasiiru Dowle la socda xaaladiisa kana tirsan Urur diimeedka Dam Jadiid.
Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiiro ku xigeenka lagu lamaaniyay Wasiiradda Xukumadda Somalia waxay ka awood badan yihiin Wasiirada,iyadoo mararka qaarna fuliyo hoowlo aysan kala tashan Wasiiradda.
Ra''isulwasaare ku xigeenka Xukumadda ahna Wasiirka Khaarijiga Fawsiya Yusuf ayaa madaxa qabsatay markii Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda Somalia Mohamed Nur Gacal oo ka mida Kaadiriinta Dam Jadiid magacaabay qunsulka Safaaradda Somalia ee Saudi Arabia.
Gacal oo safar ku tegay Cumaan wuxuu qorsheeynayaa inuu dalalka Carabta u magacaabo Safiiro iyo qunsulo,sida ay baahisay Idaacada Shabelle oo xog ka heshay ila wareedyo ay ka gaabsatay inay magacooda xusto.
Sida muuqata Dowladda Federalka Somalia waxaa ka hoos dhisan Dowlad ka awood badan oo ay maamulaan Dam Jadiid.
Madaxweynaha Somalia lama oga sababta ku qasabtay in Masiirkii loo igmaday ee umadda Soomaaliyeed u gacan geliyo Dam Jadiid.
Dam Jadiid waxay dhaqaale xoogan ka helaan dalalka Carabta ,iyagoo adeegsanaya magaca Dowladda Somalia laakiin dhaqaalahaas lama arag ,lamana ogga meesha ay geeyaan.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3