Somalia
Latest News English
Topnews:-
Hogaamiyeyaal
ka tirsan Al-Shabaab iyo Xisbul Aweys oo ka dhoofay
Garoonka weyn ee Mogadishu
Somali
Journalists news Clickhere
Wararka
Saxaafadda akhriso

Mogadishu 05
December 2009 Waagacusub Media.
Gudoomiyahii hore ee Ururka Xisbul Islaam Cumar Iimaan
Abuubakar oo hada ah,Gudoomiye ku xigeenka Ururka iyo
Taliyaha Amniga Al Shabaab ee gobolka Banadir Abdullahi
Wadaad ayaa labadaba ka dhoofay garoonka weyn ee Mogadishu
loona bixiyay dhawaan Adan Cadde International Airport.
(English)
(Music)
(Cheif editors)
(Diinta)
(Sports )
(Radio)
(TV)
(Sheeko)
Garoonka Mogadishu oo ay amnigiisa sugaan Ciidamadda
Amisom.kana mida Xarumaha fara ku tiriska ee Dowladda
Federalka Somalia maamusho,waxaa la xaqiijiyay inay
si joogtaa u isticmaalaan Saraakiisha Ciidamadda sare
iyo Madaxda Xisbul Islaam,taas oo la yaab iyo amakaag
ka dhigan.
Gudoomiye ku xigeenka Xisbul Aweys ama Xisbul Islaamka
Somalia Dr Cumar Iimaan Abuubakar wuxuu hada joogaa
dalka Saudi Arabia oo uu dhaqaalo xoogan ka helay,waxaana
lagu wadaa inuu 13 December 2009 dib uga soo dego Adan
Adde Airport.
Sarkaalka Al-Shabaab u qaabilsan amniga gobolka Banadir
Abdullahi Wadaad oo u dhashay beesha Abgaal gaar ahaan
Wacbuudhan Daa'uud waxaa la xaqiijiyay inuu hada joogo
Magaaladda Karachi ee dalka Bakistan wuxuuna 16 December
ee sanadkaan ku wajahan yahay Dalka Eretria oo markii
horeba uu ku hormaray,kagana soo dusay Bakistan,
Saraakiisha Ciidamadda iyo madaxda ay ka mid yihiin
labadaan hogaamiye dagaal waxaa la xaqiijiyay inay garoonka
Mogadishu ka dhoofiyeen Saraakiil ka tirsan kuwa Ciidamadda
la baxay Daraawiishta,Ex Golahii Maxaakiimta.
27 Sarkaal oo Maxaabiisnimo looga qabtay Al-Shabaab
iyo Xisbul Islaam ayey Saraakiisha sare ee Dowladda
Federalka ka waayeen Xabsiyadii lagu xiray,waxaana la
rumeeysan yahay in ragaas la sii daayay.sida uu Waagacusub
u sheegay Afhayeenka taliska boliiska Somalia Korneyl
Abdullahi Bariise.
Dhacdooyinkaan waxay muujinayaan in Al-Shabaab iyo
Xisbul Islaam si degan u maamulayaan Madaxtooyadda Somalia,Garoonka
iyo dekadda Mogadishu.
Madaxtooyadda Villa Somalia waxaa ku hoydo sedex sarkaal
oo sheegtay inay ka goosteen Al-Shabaab iyo Xisbul islaam
hasse yeeshee waxay Xeeldheerayaal badan aaminsan yihiin
inay ka mid yihiin Saraakiisha Sirdoonka ee Madaxtooyadda
u joogo inay xoga bixiyaan.
Saraakiisha soo goosatay iyo Saraakiil badan oo ka
tirsan Ciidamadda DARAAWIISHTA waxay si joogtaa u isticmaalaan
telefoonadda gacanta,taas oo noqoneyso wax la yaaba.
Saraakiisha sheegtay inay ka goosteen garabyadda Dowladda
ka soo horjeeda waxay sharciyadda Ciidamadda ahayd in
la geeyo bar cayiman lagana mamnuuc isticmaalka Isgaarsiinta
hasse yeeshee dhaqanka qalafsan ee Dowladda Federalka
waxaa ka qeyba in askartooda dable iyo ilaa Jeneral
wada sitaan telefoonada gacanta.
Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo muuqaalkiisu yahay
nin isla weyn,waxaa la taliyeyaashiisa sedex ka mida
la xaqiijiyay inay yihiin Saraakiil ka tirsan Marjaca
sare ee Al-Shabaab.
Golaha Baarlamaanka Somalia waxaa garabyadda Xisbul
Islaam iyo Al-Shabaab ugu jira 211 Xildhibaan oo si
joogtaa u siiya Warbixinadda.
Sirdoonka Kooxda Al-Shabaab waxay u shaqeeyaan qaab
la mida KBG Russia,waxayna si sahlan ula socdaan guud
ahaan dhaqdhaqaaqyadda Madaxda Dowladda Federalka Somalia
waana sababta Hotel Shamo loo sii dejiyay Naftii hurihaii
ka tirsanaa ee gumaadka ba'an geystay waloow aysan ku
guuleeysan Warbixintii ay heysteen ee sheegeeysay in
Madaxweyne Shariif ka qeybgalayo xafladaas.
Saraakiisha iyo askarta laga qabto Al-Shabaab lama
dilo,waxayna si degan ugala baxaan Xabsiyadda Dowladda,waxaa
kale oo xusid mudan inay iibsadaan hubka dowladda intiisa
badan sida uu qirayo Dhuumaal oo ah taliyaha Ciidaamdda
Xooga dalka Somalia ee mar dhaweyd uun xilka qaadis
aan la shaacin lagu sameeyay.
Dhuumaal wuxuu rumeeysan yahay in Al-Shabaab yihiin
Ciidamadda iyo Saraakiisha Maxaakiimta,wuxuuna leeyahay
" Halistu waxay joogtaa Madaxtooyadda,Garoonka,dekadda
iyo meel walboo ka mida Xarumaha Dowladda"
Kooxda Al-Shabaab waxay ag mareeysaa Caasimadda iyo
inay dagaal toosa la gasho Xisbul Islaam,waxayna qabaneysaa
inta badan goboladda Somalia.
La taliyeyaasha Madaxweyne Shariif ee ku xiran Al-Shabaab
waxay wiiqayaan siyaasadiisa,waxayna kula talinayaan
inuu la coloobo Somaliland,Puntland,Ahlusuna sidoo kalena
Dowladda ka saaro dhamaan Saraakiisha dagaalka ee aan
hore uga tirsaneyn golaha Maxaakiimta.
Sheekadda qarsoon ee xiisaha badan waxay tahay in Madaxweyne
Shariif bishii la soo dhaafay qaaradda Europe u soo
dhoofiyay 21 Sarkaal oo ka mida horjoogayaashii Ciidaamdda
ee difaacayay fariisamaha Dowladda Federalka Somalia.
Madaxweynaha wuxuu furay qorshe Saraakiisha Ciidamadda
ee aan ka tirsaneyn kuwa Maxaakiimta lagu siinayo Visayaal
Europe,si ay dalka uga baxaan.waxaana la sheegay in
dhamaadka bisha December ay dalka Italy tegayaan ilaa
afartan Sarkaal.
Sababaha Madaxweyne Shariif ugu qalqaalinaa qaxootinimadda
Saraakiisha difaacaya Qaranimadda Somalia lama ogga
hasse yeeshee marka dhinaca kale laga fiirsho,wuxuu
Dowladda Midnimadda Qaran ka dhigayaa Xisbi Gole Maxaakiim.
Madaxweyne Shariif wuxuu hore u takooray Masuuliyiintii
gobanimada dhaliyay sida Nur Cadde,Ahmed Abdi Salaan
iyo Mustafe Dhuxuloow,wuxuu sidoo kale jabhad ku sifeeyay
Culumaa'udiinka Ahlusuna,wuxuu colaadiyay oo naceyb
badan ka abuurtay shacabka iyo madaxda Puntland,wuxuu
lacago badan ku baxshay sidii Galmudug State loo burburin
lahaa,isagoo qirtay inuu Ahmed Shariif Cali Hilowle
u diray Galkacyo.
Madaxweyne Shariif oo ay dad badan ka maagan yihiin
hab dhaqankiisu,wuxuu seefta la dhacay Madaxdii gobolka
Banadir,wuxuuna riixay in xarunta gobolka Banadir xiranto,sidoo
kalena Inj Nuune oo loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka
ayaa Mogadishu isaga cararay oo Nairobi ka dhigtay fariisin
uu ku maareeyo amaankiisa shaqsi.
Saraakiisha Ciidamadda Xooga dalka Somalia ee ku jira
Isbitaal Martiini ayaa Madaxweyne Shariif ku sifeeyay
nin aan qadiyad wadanimo laheyn,waxay u arkaan nin isla
weyn oo siyaasada ka jooga alif,
"17 Sarkaal oo isugu jiro Jeneralo,Korneylo iyo
gaashaanle yaal ka tirsan Cuuryaamiinta xooga dalka
ee Isbitaal Martiini ayuu madfac laayay,21 kalena way
ku dhaawacmeen,maalintii aaskooda ma imaan,halmaalina
dhaawacooda ma booqan laakiin markii la dilay sedex
Wasiir oo ka tirsan Xisbigiisa Maxaakiimta,wuxuu yimid
Isbitaalka,wuxuu Salaadda Janaasa kula dukaday gobolka
Banadir,anagana nalama hadlin"ayuu yiri Afhayeenka
Cuuryaamiinta xooga dalka Somalia oo la hadlayay Saxaafadda.
Hore qaraxyo lagu hoobtay ayaa uga dhacay Hotel Madiina
Beledweyne iyo Dugsiga tababarka xalane ee Mogadishu,waxaana
labadaba ku naf waayay boqolaal waxgal Somali iyo ajnabi
isugu jiray.
Marka gumaadka xoogan ay geystaan kooxda Al-Shabaab
waxaa caado iyo astaan noqotay in tacsi iyo cambaareeyn
lagu koobo sheekadda laakiin taasi ma noqon karto mid
dowladda ku sii shaqeeyso.
Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed wuxuu hada ku nool
yahay isku wareeg dhul ka yar laba KM.waxaana dad badan
qabaan inay madaxiisa u dhiman doonaan dad badan oo
aan waxba galabsan.
Dowladda Federalka KMG ee Shariif ka yahay Madaxweynaha
waxay noqotay mid dhiig badan daadiso,waxaana nasiib
daro taariikhiya inaan dib u dejin loo sameeyn weli
Malaayiinta qof ee ku hoos nool geedaha.
Hay'ada UNDP ee dhaqaalaha siisa Dowladda Federalka
waxay miisaaniyadda loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed
ku cunaan Hoteladda ku yaal Nairobi,taasina waa mid
cadeeynteeda la hayo.
UNDP oo hada noqotay Dowladda Somalia ka jirta ee Maamulka
oo dhan kor ka maamusho,waxyaabaha ay sameeyso ee la
yaabkaa waxaa ka mida in Warqad lagu diri karo Fax loo
kireeyo diyaarad lagu sheegaa in kiradeedu tahay aduun
ka badan shan iyo labaatan kun dollar.
Warqadaas la geeyo Xamar ama Bosaso,lacagta loogu magac
sameeynaa waxay doorweyn ka Ciyaari kartaa nolosha boqolaal
qoys oo laga yaabo inaysan quraac iyo qado helin balse
sida muuqato wuxuu ujeedkoodu yahay inay xaaladaha murugsan
ee maatida Somalia ku sugan yihiin ka dhex raadiyaan
Mashruuc.
Xukumadda Mareykanka lafteeda ma mooga sida wax u socdaan,waxayna
qaadi karaan tilaabooyin lagu soo afjaraa kooxaha argagixisada
caalamiga iyo shaqsiyaadka ku xiran ee ku lamaansan
Madaxweyne Shariif hasse ahaatee,xaqiiqadu waxay tahay
in Filmka loo sameeynaa suta dheereeysi,laga dhex abuuraa
mashruuc socon kara waqti dheer.si dhaqaala badan looga
helo.
Mareykanka Adan Ceyroow oo danahooda ku ahaa halis
weyn iyo Saleh Nabhan oo kaga darnaa labadaba midna
way ka dul degeen,midna gantaal ayey dhulka la jareen,taasina
waxay shaki bixinee inay awood u leeyihiin soo afjarida
mashruuca barakaca iyo ismiidaamiinta ee kooxaha Alqaeda
ka wadaan Somalia.
3 December 2009 oo waxgaradka iyo wadaniyiinta Somalia
u aqoonsan doonaan maalin madoow oo murugo lagu xasuusto
leh,weli ma muuqato tilaabo loogu aargudayo ardaydii
iyo waxgalkii la xasuuqay,waana tiiraanyo laga ilmoodo
in Shariif Sheekh Ahmed Sharaf iyo karaama moodo hab
dhaqankiisa ku kooban diyaarad raacid iyo ku dhex gambasho
taangi Uganda.
Shariifka la taliyeyaashiisa Al-Shabaab waxay hada
geliyeen inuu kordhisto labo sano oo aan la aqoon sharciyada
u saamaxeeyso,waxaa kale oo todobaadyo kadib uu bilaabi
doonaa olole uu xilka uga qaadayo gudoonka sare ee baarlamaanka
Somalia.
isku soo duub,Dalka iyo Dadka Somalia oo jaanisyo badan
helay.waxaa la degay hogaan xumo

I
share the awful situation with you Clickhere
.jpg)

Questions
and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download
Sunday Music-Heesahii
Radio Mogadishu Dhageyso
ama Download
Waagacusub
Media
The
Largest Media in Somalia
WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI that meeting
was discused the objective of the asoj and
was
nominated new