Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Wararka Wargeyska afka dheer ee Yool

06 Janaury 2012 Waagacusub.com- Xukuumadda Cusub oo Wasiiradeedu Weli Wadaan Qaraabo-Kiil
Hargeysa(Yool)-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng: Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa la sheegay inuu qandaraasyo Boqolaal Kun oo Dollar hirgelintoodu ku kacayso uu sifo sharci-darro ah ku siiyey shirkaddo ay leeyihiin dad qaraabo-hoose yihiin, kuwaasoo ka kooban Ceelal-Biyood laga qodi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Warkan oo Wargeyska “Yool” ka helay ilo-wareedo ku dho-dhow Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha, waxa qorshaha Ceelashan oo ka kooban Saddex Ceel lagu qadaray dhaqaalaha midkiiba ku bixi doona Boqol Kun oo Dollar, iyadoo sidoo kalena Ceelashan loo asteeyey in laga qodo deegaanada kala ah Wadaamo-goy, Qori-dheer iyo Yagoori.


Qodista Ceelashan oo qayb ka ah Mashruuc Maalgelintiisa EU-du bixiyeen oo loogu talo-galay in lagu balaadhinayo Biyaha Saddex Gobol, ayaa sida ilahaasi tibaaxeen waxa hirgelintiisa Wasiirka Macadanta iyo Biyuhu siiyey shirkad kuwa dhismaha ah laguna Magacaabo Redsea Conistraction, taasoo uu leeyahay Nin ay isku qoys yihiin Wasiirka.
Waxa kaloo, wararku intaa ku darayaan in Gobolka Saaxil oo isna Saddex Ceel saami-u-helay, ayaa Wasiirku waxa qoista Ceelaashaas uu ku koobay deegaano ku dhereran dhinaca Bariga, halkii ay ahayd in si xaq oo xalaal ah deenada Gobolka loogu xaqsooro, isla markaana deegaanada kusoo aroora si caddaalad ah loogu qaybiyo.
Geesta kale, dhaqaalaha Mashaariicdan lagu hirgelinayo oo EU-du bixiyeen, isla markaana Lacagta usoo mariso hay’adda UNICEF, oo iyadu hawlaha noocan oo kale ah hore dalka uga fulin jirtay, ayaa sida wararku xuseen waxa Wasiirku geed-dheer iyo mid-gaaban-ba uu u fuulay sidii uu gacan-ku-haynta Mashaariicdaas ugala soo fara-bixi-lahaa hay’adda UNICEF, kadib markii uu dagaal wejiyo badan leh uu ku ekeeyey hay’adda iyo hawlwadeenadii gad-wadeenka uga uga hawlahan oo kale, kuwaasoo uu ka mid yahay Nin lagu Macagaabo Xasan-Culimo. Hawlwadeenadaasoo sida la sheegay uu ku dureeyay eedo la xidhiidha inay isku beel yihiin.
Maaha markii u horeysay ee Wasiiro ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku kacaan falal qaraabo-kiil ah, isla markaana Hantidii Qaranku lahaa si sharciga ka baxsan loo siiyey shaqsiyaad gaar ah, waxaana Mashaariicda noocadan oo kale lagu bixiyey intii talada dalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo hayey ka mid ah Mashruuc loogu Magac-daray amniga [Security], kaasoo hirgelintiisa Cawil-celin looga dhigay Wasiirkii Wershedaha ee Xukuumadii Rayaale Axmed Cali Ubaxle, kadib markii si hiil ku jiro uu xilka isaga casilay maalmo yar ka hor doorashadii Madaxtooyada.
Sidaa darteed markii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay doorshadiina waxa la siiyey Mashaariic qaarkood Boqolaal Kun oo Dolar ku baxeen, kuwaasoo ka hirgeliyey Dekedda Berbera, xarunta Golaha Wakiilada iyo qasriga Madaxtooyada meelahaas oo uu ku xidhay KAMAROOYINKA lagula socdo dhaqdhaqaaqa dadka gudaha jooga iyo kuwa soo gelay intaba, iyadoo sidoo kalena ay jiraan mashaariic tiro badan oo la kala siiyey shasiyaad gaar ah oo isugu jira qaar Ehelnimo lagu xushay iyo kuwo kaloo KAADIRNIMO XISBI lagu doortay.
Dadkii Kaalinta Fir-fircoon Kasoo Qaatay Xisbiga KULMIYE oo Hantidii Qaranka si Sharci Darro ah Loogu Abaalmarinayo
Hargeysa(Yool)-Warar Wargeyska “Yool” helay, ayaa daboolka ka qaaday in odorska Miisaaniyada-sannadeedka dawladda Somaliland ee 2012-ka uu ku jiro HEAD-adh ama Madaxyo ku saabsan Mashaariic shaqooyin loogu abuurayo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo wada-shaqayn dadbani ka dhexayso Wasiirka Maaliyadda Eng; Maxamed Xaashi, kuwaasoo sida qorshuhu yahay Lacagtaa ku soo samayn doona qaar ka mid ah SHATIYADDA Cashuuraha ee lagu dhejiyo warqadaha degenaashaha ajnebiga ee Amgareeshinadu bixiyaan iyo waxyaabo kaloo badan.
Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in Lacagta ku bixi doonta Mashaariicdaas lagu qadaray 100 000 $ oo Dolarka Maraykanka ah, iyadoo sidoo kalena Xildhibaanada lagu suntay oo Saddex xubnood aan ka badnayn uu gadh-wadeen u yahay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Mudaneyaasha Xisbiga KULMIYE ee Golaha Wakiilada, isla markaana ah Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, jagadaasoo uu hore u hayey Wasiir Duur ka hor intaanu ka digo-rogan Golaha Wakiilada.
Sidoo kale, waxa ilahaasi tibaaxeen in Miisaaniyada-sannadeedka 2012-ka oo weli aan kla soo gudbin Wasaarada Maaliyadda ay ku jiraan Mashaariic kale, oo iyaguna ku saabsan qorsheyaashan aynu kor ku soo sheegnay oo kale, kuwaasoo uu ka mid yahay qorshe la xidhiidha hindise lagu doonayo in Passport-ka Somaliland lagu sameeyo Jeldi ama dahaadh Computre-ku akhriyi karo.
Qorshahan oo inkastoo uu dhinac ka wanaagsan yahay, hadan geesta kale marka laga eego ah mid waqti xaadirkan aan ku haboonayn Passport-ka Somaliland, maadaama dalalka dunida badidoodu aanay isticimaalkiisa ogolayn, sidaa awgeed marka baahiya tirade badan ee dalka ka jira hoos loo eego, waxa ka haboonayd in Lacagta ku baxaysa qorshahaa manaafacaadkiisu sidaa yahay in Mushahaarooyinka loogu daro Macalimiinta wax-ka-dhigta Dugsiyada dawladda, kuwaasoo culays fara-badan nololeed ku soo baxsaday markii laga joojiyey gunnooyinkii ay ka qaadi jireen Ardayda.
Maaha markii ugu horeysay ee Miisaaniyadda Qaranka lagu soo daro Mashaariic waxtarkoodu ku egyahay shaqsiyaad tiro yar, haseyeeshee Sannadkii 2011-ka ee maalmo ka hor aynu sagootiney, waxa Miisaaniyad-sannadeekii dawladda ku jiray dhawr hay’adood oo loo qoondeeyey Lacago badan oo Boqolaal Kun oo Dollar sare u dhaafay, kuwaasoo qaarkood aanu jiritaankoodu ilaa iyo hada cadayn, sidoo kalena aan wax shaqaale ah lahayn sida hay’adda qurbajooga iyo hay’adda deeqaha WFP oo kale.
Hay’adahaasoo marka la isbarbar-dhigo baahiyaha jiritaankooda qaranku qabo iyo dhaqaalaha ku baxay aan is lahayn, haseyeeshee marka siyaabo kale loogu fiirsado abuuritaankooda loo fasiran karo kuwo abaal celin Madaxweynuhu uga dhigay dadkii taageeri jirey xilligii uu Kursiga u ordayey, isla markaana qorshe ahaan aan loogu talo-gelin markii horeba inay wax-tar u yeeshaan Qaranka.
Dhinac kale, Mashaariicdan noocan oo kale ah ee waxtarkoodu aanu bulshada koobayn dhaqaaluhuna ku baxayo, waxay iftiiminayaan qorshe kaloo ah sida Xukuumadu aanay daacada uga ahayn Mushahar kordhintii Boqolkiiba Saddexda Boqol ahayd ee xilligii doorshada lagu jirey Xisbiga KULMIYE bulshada ugu balanqaadeen, balse markii ay Kursiga isku hubsadeen BEENOOBAY, kadib markii Wasiirka Maaliyaddu ku af-gobaaday in aanu dhaqaale u hayn hawshaa iyada ah, inkastoo sida wararka qaarkood sheegeen uu qorshahaa Madaxweynuhu ka diiday, isla markaana Digreto-Madaxweyne ku shaaciyey in Mushaahaarooyinka Ciidamada iyo shaqaalaha dawladda la kordhiyey Boqolkiiba Boqol, halkii laga filayey in Boqolkiiba Saddex Boqol la kordhiyo, taasina shaqaalaha ku noqotay sida Maahmaahdii ahayd “..CANDHANA WAA XUBIN..”.

Boqor Buur-Madow oo Lasoo Daayey, Iyadoo Warbixin Xukuumaddu Dhiibtay Xadhigiisa sii Dheeraysay
Abu-Debai(Yool)-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud [Boqor Buur-Madow] oo ka tirsan Madax-dhaqameedka ugu Magaca-weyn Somaliland, ayaa Shalay si rasmi ah xoriyadiisa loogu soo celiyey kadib markii uu in muddo ah ku xidhnaa dalka Imaaraadka Carabta.
Boqorka oo Wargeyska “Yool” khadka Telefoonka kula xidhiidhay, isagoo jooga Magaalada Abu-Debai, waxa uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad iyo arimihiisa gaarkuba ay hada aad u wanaagsan yihiin, balse waxa uu Boqorku ka cuddurdaartay inuu waqti xaadirka ka hadlo wax siyaasad ah oo dhaafsiisan xaaladiisa nololeed.
Haseyeeshee warar aanu ka helnay ilo-duplomaasiyadeed oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in mudadii warka Boqorku xidhnaa inteeda badan uu ku sugnaa Dhakhtar Boqoraddu leeyihiin oo dalkaa ku yaal, halkaasoo lagaga daweynayey xaruunno yar-yar oo Boqorku kala soo laabtay gudashada waajibadkii HAJ-ka, halkaasoo ahayd goobtii ugu war danbeysay ka hor xadhigiisa.
Sidoo kale, xadhiga Boqorka oo si cad aan ujeedadiisa daaha-looga-rogin, ayaa sida ilahaasi xuseen waxa qayb weyn ka ahayd siyaasado iyo darreeno kale oo marka si loo eego ka durugsan Somaliland, inkastoo sida wararka qaarkood sheegayaan inay sii dheeraysay xadhiga Boqorka warbixin laga helay dhinaca Somaliland, kadib codsi uga yimi dhinaca Imaaraadka carabta.
Boqor Cismaan Buur-Madow, ayaa intii uu xadhinaa waxa marar badan Warbaahinta ka hadlay dad kala duwan oo qaarkood ay qaraabo dhow yihiin, kuwaasoo qaabab kala duwan uga hadlay xadhiisa, waxaana qaarkood masuuliyada xadhigiisa dusha ka saareen Xukuumada Madaxwyne Siilaanyo oo xadhiguiisa ka hor intii ay jirtay uu aad u dhaliili jirey siyaasadeediisa, halka kuwo kalena si dhaqan iyo Odaytinimo uga hadleen Xukuumadana ka codsadeen inay door-ka-qaadato sidii loo sii deyn lahaa Boqorka.
Boqor Buur-Madow waxa Xukuumadda Siilaanyo uu aad ugu dhaliili jirey arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin caddaalad darro, Muqumaasuq iyo Eex, sidoo kalena waxa uu aad u duri jirey shaqsiyaadka ka ag-dhow Madaxweynaha ama ka tirsan Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo uu badhkood ku tilmaami jirey xag-jir, halka qaarkoodna uu u nisbayn jirey inay dab-dhilif u yihiin dalal shisheeyey iyo inay ka aradan-yihiin dhaqanka iyo qaabka dalka loogu nool yahay, sidaa darteedna ay u badan yihiin qurbajoog dalka dibeddiisa degan.
Waxa Boqorku ka gaabsaday inuu dhinaca Somalialnd usoo kici doono iyo inuu Imaaraadka sii joogi doono, isagoo sheegay inuu hadalkiisa u dhigan doono waqti kale oo aan hada ahayn.

Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Hore Ee Somaliland oo Difaacay Go’aankoodii Xulista Musharxa Xisbiga
Hargeysa(Yool)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa jawaab taxadir-ku-jiro ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo ku saabsanaa go’aan kasoo baxay xubno ka tirsan Guddiga fulinta oo Laba Maalmood ka hor fadhi ay yeesheen ku doorteen Musharaxa Xisbiga UDUB uga qayb geli doona tartanka doorashadda Aqalka Madaxtooyadda soo socota.
Go’aankaasoo xubno ka tirsan guddiga fulintu ku tilmaameen inuu ahaa mid shariyada Xisbiga ka baxsan, isla markaana ay dabada-ka-wadeen shasiyaad gaar ah, kuwaasoo iyaguna markii danbe shir-jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB.
Muranka siyaasadeed ee ka curtay xulista xubinta jagadaa Xisbigu u dooratay oo ah Md. Jamaal Cali Xuseen oo muddo dheer kasoo shaqeeyey CityBank, ayaa markii uu dhacay kadib waxa go’aanka Musharaxa lagu doortay si kulul u duray Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, waxaanu Warbaahinta u sheegay in go’aankaas aanu waxba ka ogeyn guddoomiye-ku-xigeenkuna aanu kasoo talo-gelin, haseyeeshee markii uu hadal-hayno dibedda ah helay uu la soo xidhiidhay Guddoomiye-xigeenka Xisbiga oo uu ku wargeliyey in arinta ku saabsan xulista Musharaxa Xisbi dib loo dhiggo doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka kadibna la qabto.
Haddaba, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo daba-socday hadalka Guddoomiyuhu Warbaahinta ka sheegay, ayaa sheegay in aanu jirin hawlo si gaar ah ay uga go’aan-gaadheen iyagoon la socodsiin Guddoomiyaha, sidaa awgeedna hawlaha ay qabtay oo aad u badnaa ay ogolaansho uga haysteen Guddoomiyaha, kadib markii duruufo shaqsiyadeed oo la soo dersay dartood uu iman kari waayey dalka.
Waxaana ka mid ahaa waxyaabaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu qoraaladoodoa Saxaafadda soo hordhigay Miisaaniyada-Sannadeedka 2012-ka ee Xisbiga, mashruuc-sharci oo ku saabsan xulista xubnaha Xisbigu doorashada Goleyaasha deegaanka u sharixi doono. Iyo sidoo kale shuruudo ay kusoo rogeen xubnaha doonaya jagada Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga doorashada soo soota, Lacagtaasoo siduu sheegay ay ku saleeyeen Miisaaniayad-sannadeedka Xisbiga oo dhan Saddex Boqol oo Kun oo Dollar, isagoo arimahaa ka hadlayna waxa uu yidhi: “..Waxa la isla gartay in Xisbigu u baahan yahay Miisaaniyad uu dib loogu dhiso oo uu kaga baxo doorashada dawlaha hoose, taas oo khuburo loo saaray oo aad u kala dhigdhigay ay soo saartay inay ku baxayso lacag dhan $300,000 (Saddex Boqol oo Kun oo doollar, kadibna waxa la iswaydiiyey halka lacagtaasi laga keenayo, waa laga dooday waxase loo badnaa bahwaynta Xisbiga ha loo qaybiyo, laakiin saaxiibkay Cali Warancadde anigu ceebaynmaayo oo ceesh baanu wada cunaye wuxuu yidhi lacagtaa Xisbigu u baahan yahay aniga ayaa xambaaraya oo murrashax ah, waxa la yidhi waar ka daa oo ragga murrashaxiinta ah oo dhan ha loo qaybiyo, maya ayuu yidhi markhaati ayey leedahay oo waxaan dhukumenti ahayni aniga iga reeban, halkaa markay marayso ayaa la bilaabay xeerka murrashaxiinta oo loo saaray guddi dhaqaaleyahan ah. Xeerkaa qodobka khuseeya murrashaxiinta, waxa uu leeyahay, ‘Waxa murrashax kastaa ku soo shubi doonaa xisaab bangi oo gaar ah (Special Bank Account) lacag kayd ah oo dhan $285,000 (laba boqol iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) muddo laba toddobaad gudahood ah marka la baahiyo. Waxa maamuli doona xisaabahaa murrashixiinta tartamaya iyo Guddoomiyaha Xisbiga, haddii loo baahdana murrashaxiintu waxay magacaabi karaan wakiillo Guddoomiyaha la maamulaha lacagtaas.
Xeerkan markii Guddiga Fulintu u coddaysay ayaan 13 bishii December ku idhi Xoghayaha baahi oo sida uu xeerku sheegayo in muddo laba Toddobaad ah murrashaxiintu ku soo gudbiyaan deebaajiga iyo lacagta kaydka ahba, waana la baahiyey, markay muddadii shan casho marayso ayaa aniga [Axmed Yuusuf], Maxamuud Siciid iyo Siciid Sulub waxa noo yeedhay Cali Warancadde huteelka KAAH oo wuxuu nagu yidhi lacagtii ma hayo, waxaan ku nidhi waar Cali sowdigii lahaa waan xambaarayaa xisbiga, anigu aad baan u naxay markii ninkii aannu saaxiibka ceesh iyo milixda ahayn uu yidhi lacagtii ma hayo, maalintaa Khamiis bay ahayd oo waxaannu ku nidhi bil ilaa Sabtida aannu ku sugno, iyadiina waxay noqotay in aanay waxba ka soo indho-caddayn, maalintii aan idhi haddii ay yimaadaan rag Cali ka tallaabo dheeri markaas ayey ahayd, waa kelmada uu ka xanaaqay ee la yidhi cid buu u eexanayaa, waa markii saaxiibkay Cali Warancadde uu noo xogwarramay ee uu yidhi waxba ma hayo, marka horena rag badan oo dibadaha joogay oo murrashaxiin ahaa ayaanu ku nidhi naga joogga waanu isku filanahaye, laakiin maalintaasi ayaanu soo fasaxnay cid kasta oo murrashax ah..”.
Sidoo kale, Guddoomiye-xigeenka oo si gaar ah uga hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee soo dhex maray isaga iyo Md. Cali Maxmaed Warncadde oo ka mid ah xubnaha ku doodaya in go’aanka xulista Musharaxa koox gaar ahi maroorsatay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa.“..Maalintii 26-kii December oo maalin keliya ka hadhsanayd muddadii loo qabtay murrashaxiinta ayaa sida xeerku dhigayo aniga iyo Cali Warancadde aannu akoonkii xistaabta furka ee lacagta murrasha ee laga doonayo uu ku shubi lahaa ka furnay shirkadda Dahabshiil, maalintii 27-kii bisha oo ahayd wakhtigii kama dambaysta ah ee loo qabtay murrashaxiinta ayaan waydiiyey Dahabshiil in Cali Warancadde lacagtii shubay, waxay iigu soo jawaabeen waxba laguma shubin, kadibna Cali sharciga ayaanu u jebinay oo wakhti baanu ugu darnay 28-kii, 29-kii, 30-kii, 31-kii ayaanu waxba shubin. Cali waxa uu dadkii ku wareeriyey akoont shakhsi ah oo isagu leeyahay oo uu lahaa kaasay lacagtii ku jirtaa, dabadeed waxaannu 2-dii bishan socota ee January warqad u qornay Dahabshiil oo aannu ka codsanay inay noo kala caddeeyaan in akoonka Cali sheegayaa yahay mid gaar ah iyo inuu yahay mid wadareed, waxaanay noogu soo jawaabeen akoonkaasi waa mid u gaar ah Cali Maxamed Warancadde ee shaqo kuma lihid..”.
Geesta kale waxa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu sharaxaad dheer ka bixiyey Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga ay u doorteen Md. Jamaal Cali Xuseen oo uu tilmaamay inuu shuruudihii looga baahnaa oo dhan buuxiyey, isla markaana iyagoo ka duulaya xeerka xulista Musharaxa iyo baahida loo qabo in la helo dhaqaale dib-loogu soo kiciyo Xisbiga, waxa erayadiisii ka mid ahaa. “..Murrashaxa kale ee Jamaal Cali Xuseen waxa uu isagu lacagtii kaydka ahaydba oo dhan $285,000 (Laba Boqol iyo Shan iyo Sideetan Kun oo doollar) uu ku shubay akoon xisaab wadareed ah bangiga Salaam.
Iyadoo aannu Cali Warancadde bixin lacagtii xeerku dhigayey ayaanu haddana ku darnay oo aannu nidhi yaan laga reebin shirkii Guddiga Fulintu ku kala xulayeen murrashixiinta si uu barmaamijkiisa siyaasadeed u jeediyo. Markii shirka la gelayey oo koorarmku buuxo ayaa Ku-simaha Xoghaha Xisbigu ii yimi oo uu ii dhiibay warqad uu yidhi waa emayl ka yimi Guddoomiyihii Xisbiga, kadibna waxaan u dhiibay Guddigii Fulinta oo aan ku nidhi warqadan ka warrama, markii la eegay waxa la yidhi warqadani sax maaha, waayo Guddoomiyuhu (Daahir Rayaale) telefoon buu kuu soo diri lahaa (Axmed Yuusuf) haddii uu kaaga u soo geliwaayana intaas oo qof ee guddida ah ayuu soo garaaci lahaa, ta kale guddi waxay yidhaahdeen warqadani maaha mid ka soo baxday xisbiga ee waa mid laga soo saaray ciwaan gaar ah, markaa Guddigu Fulintu waxay u arkeen mid aanay waxba ka jirin..”.
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray “..Xeerka murrashixiinta ee Xisbigu waxa uu leeyahay, ‘Haddii lammaanayaal (Saddex iyo wixii ka badan) buuxiyaan shuruudaha murrashaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo Guddiga Fulintu ku samayso kala reebid (Short List) waxa loo qabanayaa shirweyne aan caadi ahayn oo xisbiga ah, haddiise lammaane keli ahi (laba) shubaan curaarta (carbuun) iyo lacagta kaydka ah si waafaqsan xeerka Xisbiga waxay noqonayaan lammaanayaalka keliya ee u taagan Murrashaxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, lagana ansixin doono shirweynaha xisbiga ee caadiga ah, haddii la waayo murrashaxiin buuxisa shuruudaha wuxuu xeerkani waajibinayaa in si isle’eg loogu qaybiyo lacagta Guddiga Fulinta oo tiradoodu tahay 43 xubnood.’ Markaa waxani maaha wax bannaan laga keenay iyo wax la abuurtay ee waxa qoraya xeerka Murrashaxiinta Xisbiga ee Madaxtooyada..”. Ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Geesta kale, xubnaha guddiga fulinta ee goobjooga ku ahaa madashii lagu doortay Md. Jamaal Cali Xuseen oo tiradooda qoloba in ku sheegtay, xubnaha ka maqnaa iyo kuwa diidanaa intaba, ayaa qoraal Wargeyska “Yool” helay waxa Liiska Magacyadoodu u dhignaayeen sidan;
Qoraalka:
“…Ujeedo: Go’aanka ka soo baxay Fadhiga Afraad ee Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB ee ka Dhacay Qolka Shirarka ee Cigaal, Crown Hotel, Tuesday, January 03, 2012
Waxa marka ay taariikhdu ahayd January 03, 2012 ku qabsoomay qolka shirarka ee Cigaal ee ku yaala Crown Hotel ee magaaladda Hargeysa Fadhigii Afraad ee Guddida Fullinta ee Xisbiga Udub. Ajandaha Shirka waxa uu ahaa in su’aalo lagu weydiiyo isla markaasna laga dhageysto warbixin ku saabsan waayo-aragnimadda iyo barnaamij siyaasadeedka labada musharrax ee kala ah Cali Maxamed Warancade iyo Jamaal Cali Xuseen.
Gudida Fulinta ee Xisbiga UDUB waa 43 xubnood. ‘Quorum’-ka la rabo in uu shirka gudidu ku qabsoomo waa 22 xubnood. Haddaba, fadhigan afraad ee gudida fulinta oo ay ku sugnaayeen 22 xubnood waxa uu guda galeen ajandihii shirka. Sidii uu ku talo-galgu ahaa waxa ay ahayd in marka hore lala kulmo Musharrax Cali Maxamed Warancade, balse nasiib daro kama soo xaadirin madasha shirka isaga oo aan wax cudur daar ah haba-yaraate soo gaadhsiinin goobta shirka. Waxa markaasi ka dib loo gudbay Mushrrax Jamaal Cali Xuseen oo halkaas ku soo bandhigay barnaamijkii siyaasadeed iyo waxa uu ku soo kordhinaayo bahweynta Xisiba Udub iyo dalka JSL hadii uu ku guuleysto tartanka doorashada madaxweynimo ee dalka ka dhici doonta 2015. Markii uu hadalkiisii uu dhameystay Musharrax Jamaal Cali Xuseen waxa la weydiiyay su’aalo.
Intaasi ka dib, waxa la bilaabay in cod loo qaado musharraxa keliya ee buuxiyay Shuruudii laga rabay oo ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Waxa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay in uu Jamaal Cali Xuseen noqdo Musharax Keliye ee u taagan jagada tartanka madaxweyninimo ee Xisbiga Udub isaga oo laga ansixin doono shirweynaha xisbiga Udub ee soo socda. Cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma jirin,gudoomiyuhuna ma codeyn.
Goob-joogayaal (Presents):
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin
Md. Maxamuud Cabdi Faarax (Malow)
Garyaqaan Barkhad Jaamac Aare
Md. Xasan Cabdi Xabbad
Md. Cumar Jaamac Faarax
Md. Axmed Aaden Ismaaciil (Kayse)
Md. Rashiid Xaaji Cabdillaahi
Md. Maxamed Cabdi Daa’uud
Md. Axmed Maxamed Diiriye
Md. Maxamuud Siciid Maxamed
Xild. Maxamuud Axmed Barre (Garaad)
Md. Abiib Xasan Filfil
Md. Maxamed Muuse Diiriye
Md. Maxmed Aw Daahir Ibraahim
Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal
Xild. Maxamed Barkhad Miigane
Xild. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
Marwo Hodan Cabdi Xuseen
Md. Idriis Ibraahim Cabdi
Xild. Maxamuud Xaaji Jaamac (Dable)
Cali Axmed Cali (Yuufle)
Xild. Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale)

Maqnaansho Cudur daar leh (Apologies):
Md Daahir Rayaale Kaahin (Jooga Paris)
Md Jaamac Yaasiin Faarax (Jooga Lyon, France)
Md Cismaan Garaad Maxamuud (Bukaan Jiif, Laascaanood)
Md Cabdirisaaq Waaberi Rooble
Md. Ibrahim Ducaale Saleebaan ( Jooga London)
Md. Axmed Maxamed Dhunkaal (Dinad)
Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur
Xild. Axmed Yaasiin Ayaale (tagay Djibouti)
Xild. Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde (tagay Liverpool, England)
Md. Maxamed Xagar Dirir (Xeyraan) ku maqan Laascaanood.

Maqnaansho Cudur daar la’aan ah (Absentees):
Md. Axmed Maxamed Filanwaa
Md. Siciid Sulub Maxamed
Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi
Md. Cabdi Heybe Maxamed
Md. Cali Maxamed Warancadde
Md. Mahdi Cismaan Buuri
Md. Kayse Cali Geedi
Md. Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro)
Md. Axmed Ismaaciil Gaani (Axmed Buur)
Xild. Xuseen Ismaaciil Yusuf
Xild. Baar Siiciid Faarax…”.

Mufdigii Wasiirada Madaxtooyada iyo Khaarajigu Qaahira Kula Kulmeen oo Gogol u Dhigay Midnimada Soomaaliya
Qaahira(Yool/Wakaaladaha)-Mufdiga Jaamacadda Caanka ah ee Al-azhar ee dalka Masar Sheekh Axmed Al-tayib, ayaa gogol nabadeed oo dib loogu yagleelayo Midnimada dalkii la sku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaasoo ka koobnaa markii hore Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya
Imaamka Jaamica weyn ee Al-azhar Sheekh Axmed Al-tayiboo hadalkan ka sheegay Shir-jaraa’id oo ku qabtay xarunta Golaha Culimada ee Al-azhar dalka Masar, waxa uu sheegay in uu gogol wada-hadal u fidinayo dhinacayda isku haya siyaaasada Soomaaliya Sidoo kalena waxa uu caddeeyey in qaban qaabada shirka la isgu keenayo dhinacyada Soomaaliya uu isagu leeyahay,haseyeeshee ay Jaamacada Al-azhar martigelin doonto.
Axmed Al-Tayib ayaa sheegay inay muhiim tahay shirkaas inay kaso qayb galaan dhamaan kooxaha ku lugta leh Siyaasada dalka Soomaaliya si looga heshiiyo waxyaabaha la isku hayo dalkana nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo.
Wuxuuna ugu baaqay Culimada diinta iyo guud ahaan umadda kale ee Soomaaliyeed inay gacan weyn ka geystaan sidii uu shirkaasi u qabsoomi lahaa si xal-waara looga gaadho dhibaatooyinka kala danbeyn la’aanta iyo dagaaladu ugu weyn yihiin ee dalka Soomaaliya ragaadiyey.
Axmed Al-Tayib oo ah Sheekha Jaamica Azhar Al-shariif ayaa ugu danbeyntii sheegay in wax laga xumaado ay tahya in dal Muslim ah oo Carbeed lagu daawado, isla markaana aan la isku dayin sidii loo xalin lahaa mushiladaha ka aloosan wuxuuna hadalkiisa kusoo afmeeray inay muqaddas tahay dib usoo celinta karaamadii uu dalka Soomaaliya dunida ku lahaa.
Hormuudka Azhar Al-shariif oo horay dhowr mar gar-gaar usoo gaadhsiiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan Muqdisho, ayaa sidoo kale balan qaaday in dhowaan ay Soomaaliya usoo diri doonaan deeq daawo ah oo gaadheysa 10-tan.
Hadalka Mufdiga ka soo yeedhay oo kusoo beegmay muddo kadib markii ay dalka dib ugu soo laabteen Wasiirada Madaxtooyada iyo Arimaha Dibedda, oo iyagu socdaal dhowaan halkaa ku tegay, isla markaana intii ay halkaa joogeen waxay kulan la yeeshay Mufdigan oo sida ay sheegeen caddeeyay inuu Xukuumada Somaliland ka caawin doono qaabka loo layliyo xag-jirka. Iyadoo sidoo kalena uu markii horeba jiray hadal-hayno ku saabsan tuhuno ku geddaaman socdaalka Labada Wasiir, maadaama dalka Masaru u Kow ka yahay Wadamada Carabta ee sida weyn u diidan Madaxbannaanid Somaliland, iyagoo ka eegaya danaha ay ka leeyihiin Biyaha Webiga Nile-ka.

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3