06 Janaury 2012Waagacusub.com- Xukuumadda
Cusub oo Wasiiradeedu Weli Wadaan Qaraabo-Kiil
Hargeysa(Yool)-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland
Eng: Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa la sheegay inuu qandaraasyo
Boqolaal Kun oo Dollar hirgelintoodu ku kacayso uu sifo
sharci-darro ah ku siiyey shirkaddo ay leeyihiin dad
qaraabo-hoose yihiin, kuwaasoo ka kooban Ceelal-Biyood
laga qodi doono deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Warkan oo Wargeyska “Yool” ka
helay ilo-wareedo ku dho-dhow Wasaaradda Macadanta iyo
Biyaha, waxa qorshaha Ceelashan oo ka kooban Saddex
Ceel lagu qadaray dhaqaalaha midkiiba ku bixi doona
Boqol Kun oo Dollar, iyadoo sidoo kalena Ceelashan loo
asteeyey in laga qodo deegaanada kala ah Wadaamo-goy,
Qori-dheer iyo Yagoori.
Qodista Ceelashan oo qayb ka ah Mashruuc Maalgelintiisa
EU-du bixiyeen oo loogu talo-galay in lagu balaadhinayo
Biyaha Saddex Gobol, ayaa sida ilahaasi tibaaxeen waxa
hirgelintiisa Wasiirka Macadanta iyo Biyuhu siiyey shirkad
kuwa dhismaha ah laguna Magacaabo Redsea Conistraction,
taasoo uu leeyahay Nin ay isku qoys yihiin Wasiirka.
Waxa kaloo, wararku intaa ku darayaan in Gobolka Saaxil
oo isna Saddex Ceel saami-u-helay, ayaa Wasiirku waxa
qoista Ceelaashaas uu ku koobay deegaano ku dhereran
dhinaca Bariga, halkii ay ahayd in si xaq oo xalaal
ah deenada Gobolka loogu xaqsooro, isla markaana deegaanada
kusoo aroora si caddaalad ah loogu qaybiyo.
Geesta kale, dhaqaalaha Mashaariicdan lagu hirgelinayo
oo EU-du bixiyeen, isla markaana Lacagta usoo mariso
hay’adda UNICEF, oo iyadu hawlaha noocan oo kale ah
hore dalka uga fulin jirtay, ayaa sida wararku xuseen
waxa Wasiirku geed-dheer iyo mid-gaaban-ba uu u fuulay
sidii uu gacan-ku-haynta Mashaariicdaas ugala soo fara-bixi-lahaa
hay’adda UNICEF, kadib markii uu dagaal wejiyo badan
leh uu ku ekeeyey hay’adda iyo hawlwadeenadii gad-wadeenka
uga uga hawlahan oo kale, kuwaasoo uu ka mid yahay Nin
lagu Macagaabo Xasan-Culimo. Hawlwadeenadaasoo sida
la sheegay uu ku dureeyay eedo la xidhiidha inay isku
beel yihiin.
Maaha markii u horeysay ee Wasiiro ka tirsan Xukuumada
Madaxweyne Siilaanyo ku kacaan falal qaraabo-kiil ah,
isla markaana Hantidii Qaranku lahaa si sharciga ka
baxsan loo siiyey shaqsiyaad gaar ah, waxaana Mashaariicda
noocadan oo kale lagu bixiyey intii talada dalka Madaxweyne
Axmed Siilaanyo hayey ka mid ah Mashruuc loogu Magac-daray
amniga [Security], kaasoo hirgelintiisa Cawil-celin
looga dhigay Wasiirkii Wershedaha ee Xukuumadii Rayaale
Axmed Cali Ubaxle, kadib markii si hiil ku jiro uu xilka
isaga casilay maalmo yar ka hor doorashadii Madaxtooyada.
Sidaa darteed markii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay
doorshadiina waxa la siiyey Mashaariic qaarkood Boqolaal
Kun oo Dolar ku baxeen, kuwaasoo ka hirgeliyey Dekedda
Berbera, xarunta Golaha Wakiilada iyo qasriga Madaxtooyada
meelahaas oo uu ku xidhay KAMAROOYINKA lagula socdo
dhaqdhaqaaqa dadka gudaha jooga iyo kuwa soo gelay intaba,
iyadoo sidoo kalena ay jiraan mashaariic tiro badan
oo la kala siiyey shasiyaad gaar ah oo isugu jira qaar
Ehelnimo lagu xushay iyo kuwo kaloo KAADIRNIMO XISBI
lagu doortay.
Dadkii Kaalinta Fir-fircoon Kasoo Qaatay Xisbiga KULMIYE
oo Hantidii Qaranka si Sharci Darro ah Loogu Abaalmarinayo
Hargeysa(Yool)-Warar Wargeyska “Yool” helay, ayaa daboolka
ka qaaday in odorska Miisaaniyada-sannadeedka dawladda
Somaliland ee 2012-ka uu ku jiro HEAD-adh ama Madaxyo
ku saabsan Mashaariic shaqooyin loogu abuurayo Xildhibaano
ka tirsan Golaha Wakiilada oo wada-shaqayn dadbani ka
dhexayso Wasiirka Maaliyadda Eng; Maxamed Xaashi, kuwaasoo
sida qorshuhu yahay Lacagtaa ku soo samayn doona qaar
ka mid ah SHATIYADDA Cashuuraha ee lagu dhejiyo warqadaha
degenaashaha ajnebiga ee Amgareeshinadu bixiyaan iyo
waxyaabo kaloo badan.
Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in Lacagta ku bixi
doonta Mashaariicdaas lagu qadaray 100 000 $ oo Dolarka
Maraykanka ah, iyadoo sidoo kalena Xildhibaanada lagu
suntay oo Saddex xubnood aan ka badnayn uu gadh-wadeen
u yahay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan Mudaneyaasha
Xisbiga KULMIYE ee Golaha Wakiilada, isla markaana ah
Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, jagadaasoo
uu hore u hayey Wasiir Duur ka hor intaanu ka digo-rogan
Golaha Wakiilada.
Sidoo kale, waxa ilahaasi tibaaxeen in Miisaaniyada-sannadeedka
2012-ka oo weli aan kla soo gudbin Wasaarada Maaliyadda
ay ku jiraan Mashaariic kale, oo iyaguna ku saabsan
qorsheyaashan aynu kor ku soo sheegnay oo kale, kuwaasoo
uu ka mid yahay qorshe la xidhiidha hindise lagu doonayo
in Passport-ka Somaliland lagu sameeyo Jeldi ama dahaadh
Computre-ku akhriyi karo.
Qorshahan oo inkastoo uu dhinac ka wanaagsan yahay,
hadan geesta kale marka laga eego ah mid waqti xaadirkan
aan ku haboonayn Passport-ka Somaliland, maadaama dalalka
dunida badidoodu aanay isticimaalkiisa ogolayn, sidaa
awgeed marka baahiya tirade badan ee dalka ka jira hoos
loo eego, waxa ka haboonayd in Lacagta ku baxaysa qorshahaa
manaafacaadkiisu sidaa yahay in Mushahaarooyinka loogu
daro Macalimiinta wax-ka-dhigta Dugsiyada dawladda,
kuwaasoo culays fara-badan nololeed ku soo baxsaday
markii laga joojiyey gunnooyinkii ay ka qaadi jireen
Ardayda.
Maaha markii ugu horeysay ee Miisaaniyadda Qaranka lagu
soo daro Mashaariic waxtarkoodu ku egyahay shaqsiyaad
tiro yar, haseyeeshee Sannadkii 2011-ka ee maalmo ka
hor aynu sagootiney, waxa Miisaaniyad-sannadeekii dawladda
ku jiray dhawr hay’adood oo loo qoondeeyey Lacago badan
oo Boqolaal Kun oo Dollar sare u dhaafay, kuwaasoo qaarkood
aanu jiritaankoodu ilaa iyo hada cadayn, sidoo kalena
aan wax shaqaale ah lahayn sida hay’adda qurbajooga
iyo hay’adda deeqaha WFP oo kale.
Hay’adahaasoo marka la isbarbar-dhigo baahiyaha jiritaankooda
qaranku qabo iyo dhaqaalaha ku baxay aan is lahayn,
haseyeeshee marka siyaabo kale loogu fiirsado abuuritaankooda
loo fasiran karo kuwo abaal celin Madaxweynuhu uga dhigay
dadkii taageeri jirey xilligii uu Kursiga u ordayey,
isla markaana qorshe ahaan aan loogu talo-gelin markii
horeba inay wax-tar u yeeshaan Qaranka.
Dhinac kale, Mashaariicdan noocan oo kale ah ee waxtarkoodu
aanu bulshada koobayn dhaqaaluhuna ku baxayo, waxay
iftiiminayaan qorshe kaloo ah sida Xukuumadu aanay daacada
uga ahayn Mushahar kordhintii Boqolkiiba Saddexda Boqol
ahayd ee xilligii doorshada lagu jirey Xisbiga KULMIYE
bulshada ugu balanqaadeen, balse markii ay Kursiga isku
hubsadeen BEENOOBAY, kadib markii Wasiirka Maaliyaddu
ku af-gobaaday in aanu dhaqaale u hayn hawshaa iyada
ah, inkastoo sida wararka qaarkood sheegeen uu qorshahaa
Madaxweynuhu ka diiday, isla markaana Digreto-Madaxweyne
ku shaaciyey in Mushaahaarooyinka Ciidamada iyo shaqaalaha
dawladda la kordhiyey Boqolkiiba Boqol, halkii laga
filayey in Boqolkiiba Saddex Boqol la kordhiyo, taasina
shaqaalaha ku noqotay sida Maahmaahdii ahayd “..CANDHANA
WAA XUBIN..”.
Boqor Buur-Madow oo Lasoo Daayey, Iyadoo Warbixin
Xukuumaddu Dhiibtay Xadhigiisa sii Dheeraysay
Abu-Debai(Yool)-Boqor Cismaan Aw-Maxamuud [Boqor Buur-Madow]
oo ka tirsan Madax-dhaqameedka ugu Magaca-weyn Somaliland,
ayaa Shalay si rasmi ah xoriyadiisa loogu soo celiyey
kadib markii uu in muddo ah ku xidhnaa dalka Imaaraadka
Carabta.
Boqorka oo Wargeyska “Yool” khadka Telefoonka kula xidhiidhay,
isagoo jooga Magaalada Abu-Debai, waxa uu sheegay in
xaaladiisa Caafimaad iyo arimihiisa gaarkuba ay hada
aad u wanaagsan yihiin, balse waxa uu Boqorku ka cuddurdaartay
inuu waqti xaadirka ka hadlo wax siyaasad ah oo dhaafsiisan
xaaladiisa nololeed.
Haseyeeshee warar aanu ka helnay ilo-duplomaasiyadeed
oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in
mudadii warka Boqorku xidhnaa inteeda badan uu ku sugnaa
Dhakhtar Boqoraddu leeyihiin oo dalkaa ku yaal, halkaasoo
lagaga daweynayey xaruunno yar-yar oo Boqorku kala soo
laabtay gudashada waajibadkii HAJ-ka, halkaasoo ahayd
goobtii ugu war danbeysay ka hor xadhigiisa.
Sidoo kale, xadhiga Boqorka oo si cad aan ujeedadiisa
daaha-looga-rogin, ayaa sida ilahaasi xuseen waxa qayb
weyn ka ahayd siyaasado iyo darreeno kale oo marka si
loo eego ka durugsan Somaliland, inkastoo sida wararka
qaarkood sheegayaan inay sii dheeraysay xadhiga Boqorka
warbixin laga helay dhinaca Somaliland, kadib codsi
uga yimi dhinaca Imaaraadka carabta.
Boqor Cismaan Buur-Madow, ayaa intii uu xadhinaa waxa
marar badan Warbaahinta ka hadlay dad kala duwan oo
qaarkood ay qaraabo dhow yihiin, kuwaasoo qaabab kala
duwan uga hadlay xadhiisa, waxaana qaarkood masuuliyada
xadhigiisa dusha ka saareen Xukuumada Madaxwyne Siilaanyo
oo xadhiguiisa ka hor intii ay jirtay uu aad u dhaliili
jirey siyaasadeediisa, halka kuwo kalena si dhaqan iyo
Odaytinimo uga hadleen Xukuumadana ka codsadeen inay
door-ka-qaadato sidii loo sii deyn lahaa Boqorka.
Boqor Buur-Madow waxa Xukuumadda Siilaanyo uu aad ugu
dhaliili jirey arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin caddaalad
darro, Muqumaasuq iyo Eex, sidoo kalena waxa uu aad
u duri jirey shaqsiyaadka ka ag-dhow Madaxweynaha ama
ka tirsan Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo uu badhkood
ku tilmaami jirey xag-jir, halka qaarkoodna uu u nisbayn
jirey inay dab-dhilif u yihiin dalal shisheeyey iyo
inay ka aradan-yihiin dhaqanka iyo qaabka dalka loogu
nool yahay, sidaa darteedna ay u badan yihiin qurbajoog
dalka dibeddiisa degan.
Waxa Boqorku ka gaabsaday inuu dhinaca Somalialnd usoo
kici doono iyo inuu Imaaraadka sii joogi doono, isagoo
sheegay inuu hadalkiisa u dhigan doono waqti kale oo
aan hada ahayn.
Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Hore Ee Somaliland oo
Difaacay Go’aankoodii Xulista Musharxa Xisbiga
Hargeysa(Yool)-Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa jawaab taxadir-ku-jiro
ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynihii hore
ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo ku saabsanaa
go’aan kasoo baxay xubno ka tirsan Guddiga fulinta oo
Laba Maalmood ka hor fadhi ay yeesheen ku doorteen Musharaxa
Xisbiga UDUB uga qayb geli doona tartanka doorashadda
Aqalka Madaxtooyadda soo socota.
Go’aankaasoo xubno ka tirsan guddiga fulintu ku tilmaameen
inuu ahaa mid shariyada Xisbiga ka baxsan, isla markaana
ay dabada-ka-wadeen shasiyaad gaar ah, kuwaasoo iyaguna
markii danbe shir-jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay xarunta
dhexe ee Xisbiga UDUB.
Muranka siyaasadeed ee ka curtay xulista xubinta jagadaa
Xisbigu u dooratay oo ah Md. Jamaal Cali Xuseen oo muddo
dheer kasoo shaqeeyey CityBank, ayaa markii uu dhacay
kadib waxa go’aanka Musharaxa lagu doortay si kulul
u duray Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha
Xisbiga UDUB, waxaanu Warbaahinta u sheegay in go’aankaas
aanu waxba ka ogeyn guddoomiye-ku-xigeenkuna aanu kasoo
talo-gelin, haseyeeshee markii uu hadal-hayno dibedda
ah helay uu la soo xidhiidhay Guddoomiye-xigeenka Xisbiga
oo uu ku wargeliyey in arinta ku saabsan xulista Musharaxa
Xisbi dib loo dhiggo doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka
kadibna la qabto.
Haddaba, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed
Yuusuf Yaasiin oo daba-socday hadalka Guddoomiyuhu Warbaahinta
ka sheegay, ayaa sheegay in aanu jirin hawlo si gaar
ah ay uga go’aan-gaadheen iyagoon la socodsiin Guddoomiyaha,
sidaa awgeedna hawlaha ay qabtay oo aad u badnaa ay
ogolaansho uga haysteen Guddoomiyaha, kadib markii duruufo
shaqsiyadeed oo la soo dersay dartood uu iman kari waayey
dalka.
Waxaana ka mid ahaa waxyaabaha Md. Axmed Yuusuf Yaasiin
uu qoraaladoodoa Saxaafadda soo hordhigay Miisaaniyada-Sannadeedka
2012-ka ee Xisbiga, mashruuc-sharci oo ku saabsan xulista
xubnaha Xisbigu doorashada Goleyaasha deegaanka u sharixi
doono. Iyo sidoo kale shuruudo ay kusoo rogeen xubnaha
doonaya jagada Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga doorashada
soo soota, Lacagtaasoo siduu sheegay ay ku saleeyeen
Miisaaniayad-sannadeedka Xisbiga oo dhan Saddex Boqol
oo Kun oo Dollar, isagoo arimahaa ka hadlayna waxa uu
yidhi: “..Waxa la isla gartay in Xisbigu u baahan yahay
Miisaaniyad uu dib loogu dhiso oo uu kaga baxo doorashada
dawlaha hoose, taas oo khuburo loo saaray oo aad u kala
dhigdhigay ay soo saartay inay ku baxayso lacag dhan
$300,000 (Saddex Boqol oo Kun oo doollar, kadibna waxa
la iswaydiiyey halka lacagtaasi laga keenayo, waa laga
dooday waxase loo badnaa bahwaynta Xisbiga ha loo qaybiyo,
laakiin saaxiibkay Cali Warancadde anigu ceebaynmaayo
oo ceesh baanu wada cunaye wuxuu yidhi lacagtaa Xisbigu
u baahan yahay aniga ayaa xambaaraya oo murrashax ah,
waxa la yidhi waar ka daa oo ragga murrashaxiinta ah
oo dhan ha loo qaybiyo, maya ayuu yidhi markhaati ayey
leedahay oo waxaan dhukumenti ahayni aniga iga reeban,
halkaa markay marayso ayaa la bilaabay xeerka murrashaxiinta
oo loo saaray guddi dhaqaaleyahan ah. Xeerkaa qodobka
khuseeya murrashaxiinta, waxa uu leeyahay, ‘Waxa murrashax
kastaa ku soo shubi doonaa xisaab bangi oo gaar ah (Special
Bank Account) lacag kayd ah oo dhan $285,000 (laba boqol
iyo shan iyo sideetan kun oo doollar) muddo laba toddobaad
gudahood ah marka la baahiyo. Waxa maamuli doona xisaabahaa
murrashixiinta tartamaya iyo Guddoomiyaha Xisbiga, haddii
loo baahdana murrashaxiintu waxay magacaabi karaan wakiillo
Guddoomiyaha la maamulaha lacagtaas.
Xeerkan markii Guddiga Fulintu u coddaysay ayaan 13
bishii December ku idhi Xoghayaha baahi oo sida uu xeerku
sheegayo in muddo laba Toddobaad ah murrashaxiintu ku
soo gudbiyaan deebaajiga iyo lacagta kaydka ahba, waana
la baahiyey, markay muddadii shan casho marayso ayaa
aniga [Axmed Yuusuf], Maxamuud Siciid iyo Siciid Sulub
waxa noo yeedhay Cali Warancadde huteelka KAAH oo wuxuu
nagu yidhi lacagtii ma hayo, waxaan ku nidhi waar Cali
sowdigii lahaa waan xambaarayaa xisbiga, anigu aad baan
u naxay markii ninkii aannu saaxiibka ceesh iyo milixda
ahayn uu yidhi lacagtii ma hayo, maalintaa Khamiis bay
ahayd oo waxaannu ku nidhi bil ilaa Sabtida aannu ku
sugno, iyadiina waxay noqotay in aanay waxba ka soo
indho-caddayn, maalintii aan idhi haddii ay yimaadaan
rag Cali ka tallaabo dheeri markaas ayey ahayd, waa
kelmada uu ka xanaaqay ee la yidhi cid buu u eexanayaa,
waa markii saaxiibkay Cali Warancadde uu noo xogwarramay
ee uu yidhi waxba ma hayo, marka horena rag badan oo
dibadaha joogay oo murrashaxiin ahaa ayaanu ku nidhi
naga joogga waanu isku filanahaye, laakiin maalintaasi
ayaanu soo fasaxnay cid kasta oo murrashax ah..”.
Sidoo kale, Guddoomiye-xigeenka oo si gaar ah uga hadlayey
marxaladihii kala duwanaa ee soo dhex maray isaga iyo
Md. Cali Maxmaed Warncadde oo ka mid ah xubnaha ku doodaya
in go’aanka xulista Musharaxa koox gaar ahi maroorsatay,
waxa hadaladiisii ka mid ahaa.“..Maalintii 26-kii December
oo maalin keliya ka hadhsanayd muddadii loo qabtay murrashaxiinta
ayaa sida xeerku dhigayo aniga iyo Cali Warancadde aannu
akoonkii xistaabta furka ee lacagta murrasha ee laga
doonayo uu ku shubi lahaa ka furnay shirkadda Dahabshiil,
maalintii 27-kii bisha oo ahayd wakhtigii kama dambaysta
ah ee loo qabtay murrashaxiinta ayaan waydiiyey Dahabshiil
in Cali Warancadde lacagtii shubay, waxay iigu soo jawaabeen
waxba laguma shubin, kadibna Cali sharciga ayaanu u
jebinay oo wakhti baanu ugu darnay 28-kii, 29-kii, 30-kii,
31-kii ayaanu waxba shubin. Cali waxa uu dadkii ku wareeriyey
akoont shakhsi ah oo isagu leeyahay oo uu lahaa kaasay
lacagtii ku jirtaa, dabadeed waxaannu 2-dii bishan socota
ee January warqad u qornay Dahabshiil oo aannu ka codsanay
inay noo kala caddeeyaan in akoonka Cali sheegayaa yahay
mid gaar ah iyo inuu yahay mid wadareed, waxaanay noogu
soo jawaabeen akoonkaasi waa mid u gaar ah Cali Maxamed
Warancadde ee shaqo kuma lihid..”.
Geesta kale waxa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin uu sharaxaad
dheer ka bixiyey Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga
ay u doorteen Md. Jamaal Cali Xuseen oo uu tilmaamay
inuu shuruudihii looga baahnaa oo dhan buuxiyey, isla
markaana iyagoo ka duulaya xeerka xulista Musharaxa
iyo baahida loo qabo in la helo dhaqaale dib-loogu soo
kiciyo Xisbiga, waxa erayadiisii ka mid ahaa. “..Murrashaxa
kale ee Jamaal Cali Xuseen waxa uu isagu lacagtii kaydka
ahaydba oo dhan $285,000 (Laba Boqol iyo Shan iyo Sideetan
Kun oo doollar) uu ku shubay akoon xisaab wadareed ah
bangiga Salaam.
Iyadoo aannu Cali Warancadde bixin lacagtii xeerku dhigayey
ayaanu haddana ku darnay oo aannu nidhi yaan laga reebin
shirkii Guddiga Fulintu ku kala xulayeen murrashixiinta
si uu barmaamijkiisa siyaasadeed u jeediyo. Markii shirka
la gelayey oo koorarmku buuxo ayaa Ku-simaha Xoghaha
Xisbigu ii yimi oo uu ii dhiibay warqad uu yidhi waa
emayl ka yimi Guddoomiyihii Xisbiga, kadibna waxaan
u dhiibay Guddigii Fulinta oo aan ku nidhi warqadan
ka warrama, markii la eegay waxa la yidhi warqadani
sax maaha, waayo Guddoomiyuhu (Daahir Rayaale) telefoon
buu kuu soo diri lahaa (Axmed Yuusuf) haddii uu kaaga
u soo geliwaayana intaas oo qof ee guddida ah ayuu soo
garaaci lahaa, ta kale guddi waxay yidhaahdeen warqadani
maaha mid ka soo baxday xisbiga ee waa mid laga soo
saaray ciwaan gaar ah, markaa Guddigu Fulintu waxay
u arkeen mid aanay waxba ka jirin..”.
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray “..Xeerka
murrashixiinta ee Xisbigu waxa uu leeyahay, ‘Haddii
lammaanayaal (Saddex iyo wixii ka badan) buuxiyaan shuruudaha
murrashaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo Guddiga
Fulintu ku samayso kala reebid (Short List) waxa loo
qabanayaa shirweyne aan caadi ahayn oo xisbiga ah, haddiise
lammaane keli ahi (laba) shubaan curaarta (carbuun)
iyo lacagta kaydka ah si waafaqsan xeerka Xisbiga waxay
noqonayaan lammaanayaalka keliya ee u taagan Murrashaxnimada
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, lagana ansixin
doono shirweynaha xisbiga ee caadiga ah, haddii la waayo
murrashaxiin buuxisa shuruudaha wuxuu xeerkani waajibinayaa
in si isle’eg loogu qaybiyo lacagta Guddiga Fulinta
oo tiradoodu tahay 43 xubnood.’ Markaa waxani maaha
wax bannaan laga keenay iyo wax la abuurtay ee waxa
qoraya xeerka Murrashaxiinta Xisbiga ee Madaxtooyada..”.
Ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.
Geesta kale, xubnaha guddiga fulinta ee goobjooga ku
ahaa madashii lagu doortay Md. Jamaal Cali Xuseen oo
tiradooda qoloba in ku sheegtay, xubnaha ka maqnaa iyo
kuwa diidanaa intaba, ayaa qoraal Wargeyska “Yool” helay
waxa Liiska Magacyadoodu u dhignaayeen sidan;
Qoraalka: “…Ujeedo: Go’aanka ka soo baxay Fadhiga Afraad
ee Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB ee ka Dhacay Qolka Shirarka
ee Cigaal, Crown Hotel, Tuesday, January 03, 2012
Waxa marka ay taariikhdu ahayd January 03, 2012 ku qabsoomay
qolka shirarka ee Cigaal ee ku yaala Crown Hotel ee
magaaladda Hargeysa Fadhigii Afraad ee Guddida Fullinta
ee Xisbiga Udub. Ajandaha Shirka waxa uu ahaa in su’aalo
lagu weydiiyo isla markaasna laga dhageysto warbixin
ku saabsan waayo-aragnimadda iyo barnaamij siyaasadeedka
labada musharrax ee kala ah Cali Maxamed Warancade iyo
Jamaal Cali Xuseen.
Gudida Fulinta ee Xisbiga UDUB waa 43 xubnood. ‘Quorum’-ka
la rabo in uu shirka gudidu ku qabsoomo waa 22 xubnood.
Haddaba, fadhigan afraad ee gudida fulinta oo ay ku
sugnaayeen 22 xubnood waxa uu guda galeen ajandihii
shirka. Sidii uu ku talo-galgu ahaa waxa ay ahayd in
marka hore lala kulmo Musharrax Cali Maxamed Warancade,
balse nasiib daro kama soo xaadirin madasha shirka isaga
oo aan wax cudur daar ah haba-yaraate soo gaadhsiinin
goobta shirka. Waxa markaasi ka dib loo gudbay Mushrrax
Jamaal Cali Xuseen oo halkaas ku soo bandhigay barnaamijkii
siyaasadeed iyo waxa uu ku soo kordhinaayo bahweynta
Xisiba Udub iyo dalka JSL hadii uu ku guuleysto tartanka
doorashada madaxweynimo ee dalka ka dhici doonta 2015.
Markii uu hadalkiisii uu dhameystay Musharrax Jamaal
Cali Xuseen waxa la weydiiyay su’aalo.
Intaasi ka dib, waxa la bilaabay in cod loo qaado musharraxa
keliya ee buuxiyay Shuruudii laga rabay oo ahaa Aqoonyahan
Jamaal Cali Xuseen. Waxa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay
in uu Jamaal Cali Xuseen noqdo Musharax Keliye ee u
taagan jagada tartanka madaxweyninimo ee Xisbiga Udub
isaga oo laga ansixin doono shirweynaha xisbiga Udub
ee soo socda. Cid diiday iyo cid ka aamustay toona ma
jirin,gudoomiyuhuna ma codeyn.
Goob-joogayaal (Presents):
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin
Md. Maxamuud Cabdi Faarax (Malow)
Garyaqaan Barkhad Jaamac Aare
Md. Xasan Cabdi Xabbad
Md. Cumar Jaamac Faarax
Md. Axmed Aaden Ismaaciil (Kayse)
Md. Rashiid Xaaji Cabdillaahi
Md. Maxamed Cabdi Daa’uud
Md. Axmed Maxamed Diiriye
Md. Maxamuud Siciid Maxamed
Xild. Maxamuud Axmed Barre (Garaad)
Md. Abiib Xasan Filfil
Md. Maxamed Muuse Diiriye
Md. Maxmed Aw Daahir Ibraahim
Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal
Xild. Maxamed Barkhad Miigane
Xild. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
Marwo Hodan Cabdi Xuseen
Md. Idriis Ibraahim Cabdi
Xild. Maxamuud Xaaji Jaamac (Dable)
Cali Axmed Cali (Yuufle)
Xild. Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale)
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org