Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Boqor buurmadow oo la sii daayay iyo Fadeexada xulufada Siilaanyo

06 Janaury 2012 Waagacusub.com- Boqor Cismaan Aw-Maxamuud [Boqor Buur-Madow] oo ka tirsan Madax-dhaqameedka ugu Magaca-weyn Somaliland, ayaa Shalay si rasmi ah xoriyadiisa loogu soo celiyey kadib markii uu in muddo ah ku xidhnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Boqorka oo Wargeyska “Yool” khadka Telefoonka kula xidhiidhay, isagoo jooga Magaalada Abu-Debai, waxa uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad iyo arimihiisa gaarkuba ay hada aad u wanaagsan yihiin, balse waxa uu Boqorku ka cuddurdaartay inuu waqti xaadirka ka hadlo wax siyaasad ah oo dhaafsiisan xaaladiisa nololeed.


Haseyeeshee warar aanu ka helnay ilo-duplomaasiyadeed oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in mudadii warka Boqorku xidhnaa inteeda badan uu ku sugnaa Dhakhtar Boqoraddu leeyihiin oo dalkaa ku yaal, halkaasoo lagaga daweynayey xanuunno yar-yar oo Boqorku kala soo laabtay gudashada waajibadkii HAJ-ka, halkaasoo ahayd goobtii ugu war danbeysay ka hor xadhigiisa.
Sidoo kale, xadhiga Boqorka oo si cad aan ujeedadiisa daaha-looga-rogin, ayaa sida ilahaasi xuseen waxa qayb weyn ka ahayd siyaasado iyo darreeno kale oo marka si loo eego ka durugsan Somaliland, inkastoo sida wararka qaarkood sheegayaan inay sii dheeraysay xadhiga Boqorka warbixin laga helay dhinaca Somaliland, kadib codsi uga yimi dhinaca Imaaraadka carabta.
Boqor Cismaan Buur-Madow, ayaa intii uu xadhinaa waxa marar badan Warbaahinta ka hadlay dad kala duwan oo qaarkood ay qaraabo dhow yihiin, kuwaasoo qaabab kala duwan uga hadlay xadhiisa, waxaana qaarkood masuuliyada xadhigiisa dusha ka saareen Xukuumada Madaxwyne Siilaanyo oo xadhiguiisa ka hor intii ay jirtay uu aad u dhaliili jirey siyaasadeediisa, halka kuwo kalena si dhaqan iyo Odaytinimo uga hadleen Xukuumadana ka codsadeen inay door-ka-qaadato sidii loo sii deyn lahaa Boqorka.
Boqor Buur-Madow waxa Xukuumadda Siilaanyo uu aad ugu dhaliili jirey arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin caddaalad darro, Muqumaasuq iyo Eex, sidoo kalena waxa uu aad u duri jirey shaqsiyaadka ka ag-dhow Madaxweynaha ama ka tirsan Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo uu badhkood ku tilmaami jirey xag-jir, halka qaarkoodna uu u nisbayn jirey inay dab-dhilif u yihiin dalal shisheeyey iyo inay ka aradan-yihiin dhaqanka iyo qaabka dalka loogu nool yahay, sidaa darteedna ay u badan yihiin qurbajoog dalka dibeddiisa degan.
Waxa Boqorku ka gaabsaday inuu dhinaca Somalialnd usoo kici doono iyo inuu Imaaraadka sii joogi doono, isagoo sheegay inuu hadalkiisa u dhigan doono waqti kale oo aan hada ahayn.

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3