Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

BBC Somali oo been weyn sheegtay:- Gelinsoor dad laguma leyn kamana dhicin dagaal!


06 Febraury 2013 Waagacusub.com- Maleeshiyo taabacsan Cabdi Qaybdiid ayaa dad rayida ku laayay degaanka Ceel Akhwaan. ee gobolka Mudug.


Tacshiirada Maleeshiyadda Qaybdiid Waxaa ku dhimatay laba qof,Gabar Sagaal Jira iyo Darawalkii Baabuurka waday,sidoo kalena Afar qof ayaa ku dhaawacantay.
Jidka Baabuurka lagu xabadeeyay ee Ceel Akhwaan waxay Galkacyo u jirtaa 7 KM,waana Wadada Dagaari

Idaacadda BBC Somali ayaa baahisay Wareysi uu siiyay Afhayeenka Qaybdiid oo lagu magacaabo Ahmed Baasto .
Ahmed Baasto wuxuu Wareysigiisa ku sheegay in dadka rayidkaa lagu laayay degaanka Gelinsoor hasse yeeshee Ceel Akhwaan iyo Gelinsoor waxay isku jiraan Masaafo dhan sagaashan KM ,halka Gelinsoor ka tirsanaan jirtay Galgaduud hadana waa Caasimada Gobolka Kulmiye.
Dadkii dhageystay Been abuurka Ahmed Baasto waxay ku tilmaameen dacaayad uu Qaybdiid u dhiibay taas oo sawir ka bixineysa Cadaawada Qaybdiid u qabo bulshada Reer Gelinsoor.
Dagaal Ooge Qaybdiid oo xaqiiqsaday inuu tegi karin degaanka Gelinsoor wuxuu dagaalkiisa ku koobay dacaayad dhinaca Warbaahinta ah.
Wariyaha wareeystay Ahmed Baasto oo lagu magacaabo Mohamed Mohamud Dhoore waa nin ka soo jeeda Galgaduud si weyna u yaqaan degaanadaas .
Wariye MM Dhoore waxaan kula xiriirnay Telefoonka tira ka lix jeer balse marna nooma suurtagelin inaan la hadalno si aan uga wareeysano sababta ku qasabtay inuu faafiyo dacaayad ku saleeysan Cadaawad loo qabo beelaha dega Gelinsoor.
Wasaaradda Warfaafinta Galmudug State Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa Madaxa BBC Somali loogu baaqay inuu baaris ku sameeyo Wareysigii uu shalay {05-02-2013} Ahmed Baasto ku sheegay in dad rayida lagu laayay Gelinsoor.
Tan iyo Markii Yusuf Garaad Cumar ka tegay BBC Somali waxay noqotay mid ku shaqeeysa laaluushka loo yaqaan Sharuuur.
Qofkasta oo lacag laaluusha bixiya wuxuu si dhib yar hada uga hadli karaa BBC Somalia iyadoo qaab la mida Idaacadaha FM-yada Muqdisho ugu yeeri karta xilkii uu sheegto.
BBC Somali oo ah Warbaahin fac weyn laguma xaman jirin Wariyeyaasha ka hoowlgala inay Laaluush qaataan.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3