Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Wariyeyaashii ugu badnaa oo ka tegay Universal TV-Ridwaan oo bartiisa Facebook ku soo qoray Bye Universal.

06 March 2013 Waagacusub.com- Wariyaha Shacbiyada badan ee Ridwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray Erayo taageerayaashiisa ku noqday lama filaan wuxuuna yiri "Waxaan go'aansaday in aan ka tago Universal TV oo aan lasoo shaqaynayay muddo 6 sano ah, Waxaan ku faraxsanahay mudadii aan lasoo shaqeeyay iyo intii aan ahaa Tafatiraha Wararka iyo Barnaamijyada. Waxaan u rajaynayaa Maamulka iyo Shaqaalaha horumar"


Ridwaan Xaaji Cabdi Wali oo la filayo inuu dhawaan ka soo muuqdo Kalsan Tv waxaa go-aankiisa falcelin ka bixiyay saaxiibadiisa uga jira Facebook ee loo yaqaan Facebook Friends waxayna qaarkood dhaheen:-Jamal Dhooye "Wariye. Dhowrsan. Oo. Aan cadiifad. Qabiil. Shacabka. La hor. Iman. Sida. Wariyeyaasha. Intooda badan aanu ku. Baranay. Aad iyo. Aad. Ayaan. Kuugu. Hambal yeeynayaa. Meel walba. Oo aad. Tagtana. Guul. Ayaan kuu rajenayaa. Halkaagii ka sii wad. Insha alllaah" Halkaan ka akhriso More Comments iyo bartiisa Facebook.

Universal Tv waxaa hore uga tegay Wariyaha weyn ee Abdulkadir Nadara oo taageerayaashiisa ku tilmaamaan barnaamij soo saare Cajiiba halka uu yahay Wariye marka uu wararka iyo barnaamijyada akhrinaya u qaabeeyo si cajiiba oo Xeeldheerayaasha Saxaafaduna ku sheegaan inuu barnaamij akhrintiisa laxan saaro marka la qiimeeyo habka dhawaaqistiisa.
Ila wareedyo muhiima ayaa Waagacusub u xaqiijiyay in todobaadkaan gudahiisa ay Universal TV ka tegi doonaan Wariyeyaal caana kuwaas oo ka soo muuqan doono Telefishinada qaarkood gaar ahaan Kalsan Tv iyo Horn Cable Tv.
Wariyeyaashii Universal Tv uga soo warami jiray Jamhuuriyadda Jibouti ayaa markii ugu horeeysay ka soo muuqday Telefishinka Horn Cable,wuxuuna Madaxa Wararka ee Jibouti Wariye Cali Cabdullahi ku qoray Facebook inay shaqadii Universal Tv ka tageen kuna biireen Horn Cable.
Wariye Cali Cabdullahi wuxuu ahaa lafdhabarka Universal Tv ee Jibouti.
Farsamayaqaan ka mida Farsamayaqaanada sare ee Universal Tv oo lagu magacaabo Adan AJ ayaa ka mida shaqaalaha ka tegay Universal TV.
Adan AJ wuxuu farsameeyn jiray Barnaamijka Nala Fiidsa ee Amina Muuse,Barnaamijkii Xog Waran ee Nadaara iyo Barnaamijka Dood Wadaag ee Cawil Dahir.
Waxaa laba todobaad ka hor hawada ka baxay qeybtii ugu muhiimsaneed Universal Tv ee Yurub iyo Dalalka Carabta laga daawan jiray qeybtaas oo la yiraahdo MRTV/UNIV.
Qeybtaas waxay ahayd qeybta ugu muuqaalka fiican Telefishinada Somalida waxayna ahayd 2Mpeg hadana wuxuu muuqaalka isku bedelay mid liita oo ah 1Mpeg,waxaa laga hadlayaa Bandwith & Storage.
Sababta uu hawada uga baxay MRTV/UNIV ayaa la sheegay inay tahay dacwad ku furan kadib markii Ganacsato waaweyn sheegteen inay leeyihiin UNIV TV.
Sida muuqata Universal Tv waxay horumar dheer kadib wajaheeysaa dib u dhac iyo burbur sabab looga dhigay dacwada ku furan iyo dabciga ninka maamula ee Axmadeey Abukar.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3