Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Liiska shaqsiyaadkii maleegay dilkii Halyeeygii Beesha Habargidir - Ahmed Gure Maamuun

06 May 2013 Waagacusub.com-Saraakiisha Sirdoonka Shabeelada hoose ayaa markii ugu horeeysay sheegay in dilkii arxandarada ahaa ee lagu gubay Halyeey Ahmed Guure Maamuun uu ahaa mid ay abaabuleen shaqsiyaad u dhashay beesha Biyomaal kuwaas oo bilahii la soo dhaafay olole ugu jiray in dadka u dhashay beelweynta Habargidir laga barakiciyo Shabeelada hoose.
Ahmed Guure Maamuun iyo wiil uu awoowe u ahaa oo lagu magacaabo Mahad Abdi Ahmed Guure ayey Maleeshiyadda Biyo maal kala baxeen beer ay ku lahaayeen inta u dhaxaysa Kabtanlaas iyo Buulo Sheekh ,kadibna inteey rasaas ku dileen ayey geliyeen aqal mudul,waxayna qabadsiiyeen DEB.


Mahad Abdi waxaa la helay lafahiisa oo qura hasse yeeshee ilaaheey amarkii Marxuum Ahmed Guure Maamuun oo 91 Jir ahaa debkii la qabadsiiyay aqalkii uu ku jiray waxba ma gaarsiisan,waxaana la helay meydkiisa.

Saraakiisha Sirdoonka iyo dad xog ogaala waxay xaqiijiyeen inay qorshaha dilka labadaas Marxuum maleegeen shaqsiyaad lagu kala sheegay magacyadooda.
1-Ibrahim Abdullahi Adow
2- Mohamed Sheekh Hassan Jiis,
3-Mohamed Abdullahi {Mudane}
4-Hassan Mustaf,
5- Abdow Badoolyo
6-Siid Cali.
7- Ahmed Mo’alin Mohamed (Dishibiliin).
8-Abdirahim Muse Abshir,
9-Fanax iyo Maqaraay
10-Abdulkadir Ali Muse.

Tobankaan shaqsi ayaa gobolka Shabeelada hoose waxay ka sameeyeen Maleeshiyo beeleed u dhashay Biyomaal kuwaas oo loo xilsaaray inay laayaan dadka u dhashay beesha Habargidir ee gobolka degan.
Video lagu faafiyay Website-yada Biyo maal ayaa ka marqaati kacaya shir ay la yeesheen Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyagoo hortooda ka sheegay inay leeynayaan Habargidirta Shabeelada hoose ku nool hadii aysan ka guurin gobolkaas.
Sheekada ugu yaabka badan waxay tahay in tobankaan shaqsi iskugu jiraan koox la magac baxday UDUBLAND oo dooneysa inay maamul goboleed ka dhisaan Shabeelada hoose,Kooxo ka shaqeesta Hay''ado Samafal iyo NGO's sida WFL,AYUUB iyo UNICEF.
Ninka labaad ee kooxda ugu sareeya oo lagu magacaabo Ahmed Dishibiliin ahna madaxa Hay''ada UNICEF ayaa la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Muqdisho.
Ujeedka ugu weyn ee Marxuum Ahmed Guure Maamuun nolosha loogu gubay ayaa lagu sifeeyay cabsi gelin lagu sameeynaa dadka u dhashay Habargidir ee ku nool Shabeelada hoose,hasse yeeshee beesha Habargidir taariikhda uguma qorna inay qaataan cabsi gelin iyo bahdilaad.
Beesha Habargidir ayaa shir deg dega caawa ku leh Muqdisho,waxayna ila wareedyo muhiima sheegeen in tilaabooyin loogu aargudayo Marxuumka laga fulin doono Muqdisho iyo Shabeelada hoose ugu badnaan mudo todobaad ah.
Ahmed Gure ayaa ahaa nin caan ka ahaa degmada Qoryoley degenaana noloshiisa halkaa isaga oo guri lahaa Magaalada Qoryoley, Beerna ay ugu Taalay Meel u dhow Buulo sheekh oo ka xigta dhanka Kabtanlaas, Ahmed Guure ayaa dhalay dad Caan ah oo ay ka Mid tihiin Drs Muhubo Guure iyo Dr Muhidine Guure oo labaduba ka shaqeeya Samafalka Bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa jira Dhagarqabayaal qurbaha kunool oo maalgeliya qorshaha shabaabka ee Gobolka Sh/hoose looga hurinayo Dagaal beeleedka.
Odayaasha beesha Habargidir oo aan la xiriirnay waxay ku gaabsadeen "Hadii aanan beesha dilka Ahmed Guure Maamuun uga jawaabin dharbaaxo taariikhiya waxaa beesha Habargidir lagu qorayaa liiska beel Biyo maal gumeeyay"

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3