Beesha
Samaroon oo noqotay looma Ooyaanka Somaliland- Qoys
la xasuuqay
06 December 2011Waagacusub.com-Sedex qof oo laba ka
mida yihiin Wiil iyo Aabahii ayaa lagu xasuuqay gurigooda
oo ku yaalay Tuuladda Seemaale ee degmadda Gabiley.
Dilka arxandarada ee lagu laayay qoyska u dhashay
beesha Samaroon gaar ahaan reer Nuurka ayaa la xaqiijiyay
inay geysteen raggii hore u laayay Macalimiintii Samaroon
ee lagu dilay inta u dhaxeysa Dila iyo Gabiley.
Cawir Xareed iyo Abiib Timo cadde oo u dhashay beesha
Sacad Muuse gaar ahaan Jabriil Abokar (Reer Xareed)
ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qoyska gurigooda
loogu dhacay xilli ay hurdayeen.
Cawir Xareed iyo Abiib Timacadde oo ka tirsan Xisbiga
Kulmiye ayaa soo dibadbaxay markii xukunka Somaliland
uu Xisbigooda la wareegay,waxayna ilinka Madaxtooyada
ugu hanjabeen Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland
Jeneral Cabdilahi Cirro.
Madaxweyne Siilaanyo oo looga fadhiyay inuu cadaalada
horgeeyo Cawir Xareed ,Abiib timo cadde iyo dhamaan
ragii xasuuqay Macalimiinta beesha Samaroon ayaa gacan
ku dhiiglayaashii dalacsiiyay,wuxuuna Abiib Tima Cadde
u magacaabay LA TALIYAHA ARRIMAHA NABADGELYADA EE MADAXTOOYADDA
SOMALILAND.
Abiib Tima cadde ayaa shalay dhalinyarada xasuuqa geysatay
oo wiilkiisa ka mid yahay kula shiray Degmadda Gabiley
waxaana la rumeeysan yahay inuu qorshaha kula jiro Gudoomiyaha
Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.
Beesha Samaroon ee Gobolka Awdal ayaa dareen ahaan kacday,waxaana
la xiray wadooyinka Ceelbardaale iyo Gabileey.
Beesha reer Nuur ayaa la sheegay inay isu aruursanayaan
sidii ay ugu aargudi lahaayeen qoyskooda sida xaqdaradaa
u xasuuqeen maleeshiyo u dhalatay beesha Jabriil Abokar.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa amray in 48 saac lagu soo
qabto dadkii xasuuqaas geystay hasse yeeshee beesha
Samaroon waxay hadalka Siilaanyo u arkaan hadal ku kooban
afka baarkiisa maadama uu xabsiga u taxaabay Sheekhii
beesha Reer Xareed oo nabad qaatay kaas oo lagu magacaabo
Sheekh Maxamuud Ceelbardaale.
Beesha Samaroon waxaa hore looga laayay Macalimiin wax
ka dhigi jiray Jaamacadda Camuud ee Magaaladda Borama
laakiin wuxuu la yaabka noqday inaan dhiigooda waxba
laga soo qaadin.
Beesha Reer Xareed oo la sheego inay isu aragto mid
ku jiifta duud Libaax waxay dhul isku hayaan beesha
Reer Nuur balse xasuuqooda joogtada noqday ayaa loo
fasiran karaa beesha SAMAROON oo noqotay LOOMA OOYAANKA
Somaliland.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download