Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Madaxweyne Siilaanyo oo Kenya lagu xiray 12 Saac ka badan !


07 Febraury 2013 Waagacusub.com- Dadaal socday 12 Saacadood kadib ayaa lagu guuleeystay in Madaxweyne Siilaanyo laga saaro Garoonka Wilson ee Magaaladda Nairobi.
Arbacadii{ 05-02-2013} Diyaarad siday Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga celiyay hawada Nairobi hasse yeeshee Duuliyaha Diyaarada ayaa Laanta Socdaalka Kenya ku wargeliyay inuusan heysan Shidaal uu ku sameeyo Duulimaad.


Diyaaradii Siday Siilaanyo ayaa loo ogolaaday inay degto Wilson Airport kadibna waxaa Xabsiga loo taxaabay Madaxweyne Siilaanyo.
Warbixintaan oo aan ka aruurinay Saraakiisha Laanta Socdaalka Kenya waxay sheegeen in Diyaaradda siday Siilaanyo markii hore loogu sheegay inay Muqdisho ka soo qaaday Marwada Madaxweynaha Somalia hasse yeeshee markii ay Safaaradda la xiriireen ogaadeen in warkaasi been abuur yahay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigii la socday ayaa subaxnimadii Arbacada {06-02-2013} loo fasaxay inay gudaha Nairobi galaan.
Sharciga Laanta Socdaalka Kenya wuxuu dhigayaa in Diyaarad aan soo marin Wajeer ka soo degi Karin Nairobi hadii aysan sidan Madaxda Dowladda Somalia sida Madaxweynaha,Ra’isulwasaraha,Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Warqad fasaxa ka wadan Safaaradda Somalia ee Kenya.
Masuul u hadlay Garoonka Wilson Airport oo lagu magacaabo Allan Oliveria wuxuu sheegay inay dacwad ku furayaan Diyaaradii sida sharci darada uga soo degtay Wilson.
Masuuliyiinta Safaaradda Somalia ee Kenya oo aan khadka Telefoonka kula xiriirnay waxay sheegeen inay Warqad fasaxa siin lahaayeen hadii Maamulka Somaliland weydiisan lahaa laakiin taasi ma dhicin Nasiib daro.
12-kii saac ee Siilaanyo iyo wafdigii la socday ku xirnaayeen Wilson Airport waxay sababtay inay ka haraan Diyaaradii British Airways oo ay London u raaci lahaayeen.
Boqolaal ka tirsan Jaaliyadda beesha Siilaanyo ayaa ku hungoobay shalay Subax garoonka weyn ee Heathrow Airport London maadama safarkii Siilaanyo dib u dhacay.
Siilaanyo oo Safarkiisa Nairobi aad loo qariyay waxay ila wareedyo muhiima sheegayaan inuu la socdo British Airways halka dadka qaar tibaaxeen inaan wali la hubin .
Taageerayaashiisa u badan beesha uu ka dhashay oo daboolanaya Fadeexada la xiriirta in Nairobi lagu xiray waxay Suuqa geliyeen inuu si qarsoodiya ku galay London maadama Dacwad uga socoto hasse yeeshee warkaas waa mid xaqiiqada ka fog sida Warbaahinta Waagacusub xaqiijisay.
Warbixintaan waxaa gacan naga siiyay Ila wareedyo ka tirsan Wardoonka Geeska Afrika iyo Diblomaasiyiin ku sugan Nairobi kuwaas oo codsaday inaan magacooda la xusin.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3