Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Yusuf Garaad oo ka yaabay qoraal lagu hardhay Xarun Somalia ku taal

07 March 2013 Waagacusub.com- Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo ka mida Kaatiriinta waaweyn ee Dam Jadiid ayaa markii ugu horeeysay bartiisa Twitter-ka ugu hanjabay Farshaxaniistaha Amin Arts iyo Waagacusub Media.


Wasiir Cabdi Kariim wuxuu Bogiisa Twitter ku soo qoray "Inkastoo Sawir gacmeedyadu ay nabad ka qeyb qaataan hadane Amin, marnaba maadan taageerin nabadgelyada Somaaliya" Halkaan ka akhri
Wasiirka hadalkaan ma raacin faahfaahin laakiin wuxuu ku lifaaqay sawir muujinaya kooxda Dam jadiid oo albaabka ku celineysa Ra''isulwasaraha iyo Madaxweyne Garguurte iyo Ra''isulwasare ku xigeenka Turkiga oo shir Jaraaid wada qabanaya.

Halsaac kadib markii uu Warbixintaas hanjabaada faafiyay ayuu markale ku soo qoray Twitter-kiisa "Baroortu orgiga ka weyn ayaan leenahay Waagacusub waana lala xisaabtamayaa kuwa nabada diidan"
Inta uu Qoraalkaan soo gelin bartiisa Twitter-ka wuxuu Wasiir Cabdi Kariim u soo diray Waagacusub fariin qoraaleed telefoonkiisa gacanta wuxuuna ku yiri " Kuwa Madaxtooyada laga eryay waxay ahaayeen Jawaasiis idinla shaqeeysa,waxaadna ogaataan in Dowladu leedahay awood ka balaaran sida aad moodaan"
warbaahinta Waagacusub waxay ugu baaqeeysaa in Wasiir Cabdi Kariim joojiyo hanjabaada iyo caburinta Saxaafadda madaxabanaan ,waxayna kula talineysaa inuu erayadiisa qalafsan ka saaro Twitter-ka.
Saxaafadda madaxabanaan kuma qasbana inay taageerto urur diimeed ka halis badan Al-Shabaab kuwaas oo ujeedkoodu tahay inay sifo aan sharci aheyn kula wareegaan talada Jamhuuriyadda Somalia.
Warbaahinta Waagacusub waxay oraahyada Cabdi Kariim u aragtaa inuu ku ciil baxay Twitter hasse yeeshee dhaqankiisu wuxuu muujinayaa inuu ku soo barbaaray Mustaxiil oo bulshada ku nool ay gumeeystaan Gumeeysiga Ethiopia.
Dawada shacabka tabaaleeysan maaha caburin iyo cagajugleyn waxaana taas hore looga diiday Towradii Siyaad Barre,hogaamiye kooxeedyadii ,tii Cabdullahi Yusuf iyo argagixisada Al-Shabaab sidaas darteed haba u fadhin in laga yeelo Dam Jadiid.
HEEYS ORAN CIDI KUMA ARKEEYSEE AFKA BUUXSO.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3