Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews: Warqad Ibrahim Afaghani u diray hogaamiyaha Alqaacida "Godane waa diiday Kitaabka alle" Sir Culus.

07 April 2013 Waagacusub.com-Khilaaf mudo dheer u dhaxeeyay hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa ka tilaabay xadkii GACMO GEELJIRE HOOS BAA LOO DHAQAA,.wuxuuna gaaray in Hogaamiyaha Mayalka adag ee Ibrahim Xaaji Jamac Meecaad Afaghani warqad dacwada u diro hogaamiyaha Alqaacida Ayman Al Dawaahiri.
Warqada Ibrahim Afaghani oo ku qoran Carabi waxaa lagu baahiyay Website-ka Alqaacida ee aljahad.com ,wuxuuna ku sheegay in Amiirkooda Ahmed Godane laga taagan yahay khaati bilaahi kadib markii uu diiday in lagu kala baxo Kitaabka alle.


Ibrahim Afaghani oo Alqaacida ugu hoowlgala magaca Abuubakar Al zeylaci wuxuu yiri " Waxaan warqadaan kuugu soo dirayaa inaan kugu wargeliyo in Amiirkeena Ahmed Godane dhibaato weyn ku hayo Mujaahidiinta Alqaacida ee joogta gudaha Somalia,waxaan hoosta ka xariiqayaa inuu kala diray Golahii Maxkamadda sare ee Islaamiga ,inuu diiday in lagu kala baxo Kitaabka,inuu dagaalyahanada iyo Culumada joogta Somalia kula kacay hanjabaad iyo dilal"

Ibrahim Afaghani oo ka dhigan ninkii labaad ee dhisay Dagaalyahanada Alqaacida ee ka dagaalama gudaha Somalia dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Isaaq,Habar awal,Sacad Muuse,reer Shirdoon ,wuxuu kelmadahiisa u dhigay sida nin quus ka jooga Ahmed Godane,wuxuuna yiri:-
Culimada iyo Ducaadda Rabaaniyiintaa ayaa isku dayey in Sheekh Abuu Zubayr uu u hogaansamo Maxkamadda Islaamigaa iyo in lagu kalo baxo Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS, kadib markii Cabasho iyo Dulmi badan laga dhawaajiyey, da’daal dheer oo Culimadu galeen oo Sanado qaatay iyo iskuday badan ayaa kudhamaaday in Sheekh Abuu Zubayr uu meesha ka saaro in lagu kalo baxo Kitaabka Allah iyo Sunada Nabiga CS, Asaga oo Adeegsaday xeeladaysi Dulmi u dheer yahay sida,
1- Culimadii oo uu diiday in uu u hogaansamo,
2- Maxkamaddii Islaamiga ahayd oo uu Amar ku kala diray,
3- Xukunkii Maxkamadda Islaamigaa iyo Culimadu soo saareen oo uu gaashaanka kudhuftay.
4- Hanjabaad uu u jeediyey Culimada Mujaahidiinta iyo Ducaad haddii aan Idiin sheegno Magacyadooda Habayn iyo Maalin Ilmadu Indhihiina ka dhammaanayso, Allahu Mustacaan!,

Dhambaalkaan Ibrahim Afaghani u qoray Hogaamiyaha Alqaacida ayaa ka marqaati kacay in la jooga dhamaadkii Argagixisada Somalia maadama ay ka been sheegeen shareecada Islaamka,naftana ka jareen kumanaan aan waxba galabsan,ahna dimbi laabayaal.
Halkaan ka akhri Warqada Ibrahim Afaghani u diray Ayman Al Dawahiri markaas waxaa laga yaabaa inaad yaabtid ,oo madaxa qabsatid.
Shacabka Koofurta Soomaaliyeed waxay naawilayaan in maalin uun Cadaalada la horgeyn doona Hogaamiyeyaasha Alshabaab ee xasuuqa ba''an ka geystay gudaha Somalia.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3