Topnews:-
Liiska Odayaashii beesha Ceyr ee Al-Shabaab lacagta
ka qaatay.
07 November 2011Waagacusub.com- Qaar ka mida Odayaashii
beesha Ceyr ee horjoogayaasha Al-Shabaab ka qaatay lacag
dhan boqol kun oo dollar ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha
gudaha ee Dowladda Federalka Somalia Cabdi Samad Macalin
Maxamud sida laga baahiyay Radio Muqdisho.
Warbaahinta Waagacusub ayaa heshay liiska Odayaasha
beesha Ceyr ee Al-Shabaab lacagta ka qaatay iyo sidii
lacagta loo qeybsaday.waxayna kala yihiin odayaasha.
1- Cabdi Dahir Ugaas Nuur Caga jabeey oo ah nin aaminsan
in Shariif Sheekh Ahmed qiyaamay Xasan Dahir Aweys sidaas
darteedna u taageera Al-Shabaab.
2- Xaashi Maxamed Kulane (Xaashi Dhigif) oo ah Gudoomiyaha
Nabadoonada Beesha Ceyr ahna ninka Al-Shabaab u xilsaareen
inuu dhalinyarada beesha Ceyr u Ciidameeyo.wuxuu Xaashi
Dhigif la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha isagoo sheegay
in heshiiska ay la galeen Al-Shabaab yahay SHIMBIRAYAHOOW
HEESA.
3- Suldaan Mahdi Cabdi Risaaq Maxamuud oo ka mida raga
Al-Shabaab u xilsaareen inay dhalinyara dagaalanta uga
baadi goobaan Beesha Ceyr.
4- Tahliil Maxamuud Ibrahim
5- Nabadoon Maxamed Cumar Jimcaale Saylac oo ka baxsaday
markii uu wax ka qaatay lacagtii Al-Shabaab,hadana ku
sugan Guriceel.
6- Nabadoon Axmed Cabdulle Cali (Axmed Gureey)
7- Nabadoon Maxamed Xaashi Xasan
8- Nabadoon Aadan Keynaan Xuseen
9- Maxamed Cali Xaashi
10- Cabduqadir Maxamuud Magan
11- Cabdullahi Shariif Rooble
12- Cabdullahi Xasan Maxamed
13- Maxamed Dahir Duub yare
14- Khaliif Xaashi Ugaas
15- Dahir Maxamed Xeeyle
16- Cali Aadan Xaayoow
17- Cali Maxamed Caalin
18- Xasan Sheekh Cilmi Cumar Kaleeyti
19- Maxamuud Dhaban heeys.
Lacagta Al-Shabaab siisay odayaasha beesha Ceyr ee boqolka
kun ee dollar waxaa la xaqiijiyay inay iskugu jirto
lacag laga helay dekada Baraawe iyo lacag ganacsade
lagu magacaabo Cabdullahi Nuure Aawdiini ka aruurshay
ganacsato u dhalatay beesha Ceyr.
Lacagta boqolka kun waxay odayaasha beesha Ceyr ka siiyeen
shan kun Xuseen Cali Fiidow oo ah ninka Al-Shabaab u
qaabilsan siyaasadda gobolada dhexe ee Somalia.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download