Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Maxkamadda Galmudug oo Go’aan ka gaartay xilka qaadista Caalin

07 December 2011 Waagacusub.com-Gudoonka Maxkamadda sare ee Galmudug State ayaa markii ugu horeeysay Waagacusub u sheegay inay go’aan ka gaareen xilka qaadista lagu sameeyay Madaxweynahii Galmudug Mohamed Ahmed Caalin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Sheekh Ilka Dahab ayaa tibaaxay inay natiijada xukunka xilka qaadistii Mohamed Ahmed Caalin ku dhawaaqi doonaan 48 saac gudahood (Arbaco ama khamiista) maadama uu dhamaaday baaris iyo wadatashiyo mudo u socday.


Gudoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu tilmaamay inay u yeereen 17- kii Xildhibaan ee xilka qaadista ku sameeyay Mohamed Ahmed Caalin hasse yeeshee uu Maxkamada imaan waayay Xildhibaan ka mida 12-kii Xildhibaan ee Gudoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin saxiixan oo ay ku dalbanayeen in xilka Madaxweynenimada laga qaado Caalin.
Sheekha wuxuu xusay inuu la xiriiray sharciyaqaano iyo aqoonyahano uu ka mid yahay Prof Cumar Cadow oo ah ninkii qoray Dastuurka Galmudug iyo Cumar Cali Weheliye oo ah Macalin maadada sharciga iyo qeynuunka ka dhiga Jaamacadda Muqdisho.Halkaan ka dhageysiga Wareeysigiisa.
Maxkamadda sare waxay wareeysatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Heyl iyo Madaxweynahii xilka laga qaaday Mohamed Ahmed Caalin.
Maxkamadda sare waxay la tashiyo la sameeysay Golayaasha baarlamaanka iyo Wasiiradda Galmudug,Ganacsato,Culumaa’udiin iyo odayaasha dhaqanka.
Garsoorka iyo Cadaaladda Galmudug waxay xeerin ku sameeyeen caqabado ka wajahay Sharciga,siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Gudoonka Baarlamaanka waxay Maxkamadda sare u gudbiyeen dukumiinti lagu qeexay dhaqaalaha uu lunsaday Mohamed Ahmed Caalin,sharciyada uu jibiyay iyo kan looga qaaday xilka iyo hab maamulkiisa siyaasadeed.
Maxaa dhici kara hadii Maxkamadda sare ku dhawaaqdo in xilka qaadista Caalin sharci daro tahay?
A- Golayaasha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Galmudug %90 ayaa ku dhawaaqi kara inay iska casileen xilalka Maamulka Galmudug taas oo ka dhigan in maamulka laga soo bilaabo eber ama uu dhaco mar hadii ay is casileen Golayaasha fulinta iyo sharci dejinta oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ku jiraan.
B- Golayaasha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Galmudug ayaa %90 qaadaci karo go’aanka Maxkamadda sare taas oo noqon karta caqabad wajahda Maamulka Galmudug.
C- Golayaasha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Galmudug ayaa aqbali kara go’aanka Maxkamadda taas oo meesha ka saareeysa in laga sugo waxqabad maadama uu dhexdooda dagaal siyaasadeed ka jiro.waxaa kale oo dhici kara in Caalin xilka qaadis ku sameeya dhamaan Wasiirada ka soo horjeedo siyaasadiisa.

Maxaa dhici kara hadii Maxkamadda sare ku dhawaaqdo in xilka qaadista Caalin sharci tahay?
A- Mohamed Ahmed Caalin ayaa qaadici kara Xukunka Maxkamadda,wuxuuna ku adkeeysan karaa inuu yahay Madaxweynaha sharcigaa ee Galmudug.
B- Mohamed Ahmed Caalin ayaa tixgelin kara go’aanka Maxkamadda ee xilka qaadistiisa.
C- Mohamed Ahmed Caalin ayaa ka aamusi kara go’aanka Maxkamadda ilaa laga gaaro mudada ka dhiman doorashadda Madaxtooyadda Galmudug ee lixda bil.

Labadaan mid hadii ay dhacaan bulshada Galmudug maxaa ka dhex bilaaban kara?
Waa suurtagal inay Dimoqoraadiyada iyo danahooda u tanaasulaan,waana suurtagal inuu hagardaamo iyo ficiltan siyaasadeed ama juffo ka dhex biloowdo.
Labada kooxood yaa ku awood badan gudaha Galmudug?
Amaanka Galmudug iyo dhamaan Ciidamadda waxay gacanta ugu jiraan xulufadda xilka qaadista ku sameeysay Mohamed Ahmed Caalin.
Caalin taageero beeleed iyo mid siyaasadeed maku dhex leeyahay bulshada Galmudug?
Bulshada Galmudug marka hoos looga dego xitaa jufadiisa ma taageersana laakiin waxaa jira dad ku taageersan qadiyado uu geliyay sida inuu dagaal kula jiro Wahaabiyo,inay kursigiisa ku heystaan reer Hilowle halka uu reer Hilowlahana ku leeyahay waxaa kursigeeyga u socda qabiil uu ku sheegay CULUS.


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3