Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Akhri Wararka Wargeyska afka dheer ee Yool

08 Janaury 2012 Waagacusub.com- Hoggaamiye-Mujaahid Siilaanyo iyo Xukuumadiisa oo Banneeyay Kaalintii ay Ku Lahaayeen Aaska Mujaahidkii Weynaa Ee Lixle Hooyaddii

..Guddoomiyaha Xisbul-Xaakimka oo Isna Sidoo Kale Banneeyay Kaalintiisii Mujaahidnimo iyo Muslinnimo Intaba..

Hargeysa(Yool)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadiisa ayaa ka baaqsaday kaalintii hoggaamiye-nimo iyo tii muslim-nimo ee ka saarnayd Aaska Marxuumad Ardo Diiriye Madar oo ahayd Hooyadii dhashay Mujaahidkii Weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye ‘Lixle’, oo Shalay lagu aasay Xabaalaha Naaso-hablood ee Bariga Magaalada Hargeisa.

Aaska Mujaahidkii weynaa ee Lixle hooyadii ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray Siyaasiyiin, Masuuliyiin, Mujaahidiin, Aqoon-yahano, Culimo-awdiin iyo Odayaal Dhaqameed, kuwaaso aynu ka xusi karno Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Ganacsade Maxamed Musbaar, Guddoomiyaha Wakiiladda iyo Wasiirka Caafimaadka Muj. Xuseen Xoog.

Marxuumad Ardo oo rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiye oo lagu tilmaami karo inayd ahayd hooyada hooyooyinkii ku goblomay halgankii dib u xorreynta Somaliland, isla markaana mudnayd marka qaddiyada lagu qiimeeyo tixgelin iyo in aas Qaran loo sameeyo, ayaa waxa wax lala yaabo noqotay in Madaxweynihii Qaranka uu baneeyo kaalintii Madaxweyne-nimo, Mujaahid-nimo iyo Muslim-nimo intaba, ee kaga aadanayd geerida Marxuumad Ardo.

Waxa kale oo yaab leh iska daa kasoo qeybgal iyo guddi Madaxweynuhu ku maamuuse in xataa uu kala masuugo afartii layn ee aan iyagu qorista u baahnayn, hase-yeeshee, ku seef garaysan Computerka Xafiiska Afhayeenka, kuwaasoo marba qofka tacsida loo dirayo magaciisa lagu buuxiyo, dabadeed-na Emailka Warbaahinta loogu kala diro, sidoo kale waxa iyana mucjiso noqotay in TV-gii Qaranka oo ay la xidhiidhiyeen mujaahidiin aaska joogtay ay ka baaqsadeen Sawir qaade u soo diraan. Halka ay tobanaanka ku tagaan xaflad yar oo aan qiime weyn u lahayn bulshada ama ay Saacado fara badan kasii daayaan naag xayeysiinaysa dawo jidka lagu cadeeyo.

Marka la eego sida Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka Muuse Biixi isaguna Madaxweyne Siilaanyo ugu waafaqay ka muquurashada munaasibadaa ayaa waxa tallaabooyinkaa is-shabahay ee labada hogaamiye dad badani u fasirteen arrin ku tallogal ah balse si kama’ ah aan uga dhicin, waxana dadka qaarkood u turjumeen arrin siyaasadeed oo ku taxaluqda qardoofooyin ay hayaan Mujaahid Maxamed Diiriye (Lixle) xiligii lagu guddo jiray halgankii SNM.

Iskastoo Marxuumad Ardo intii ay noolayd ay mar warbaahinta ku cadaysay inay ka war hayaan Mujaahidiintii ay wiilkeeda rafiiqa ahaayeen, waxa ay xustay in ninka keliya ee ka war haya xaaladeeda nololeed uu ahaa Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, taasina waa markhaati labaad oo marag u ah sida ay waxba kama jiraanka u yihiin hadaladii awr ku kacsiga iyo beer-laxowsiga ahaa ee ay bulshada ku dhego-barjeeyeen markay dano gaar ah leeyihiin Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi ‘Waxaanu u taagan nahay daryeelka duruufaha ku gedaaman agoomihii iyo hooyooyinkii SNM’.

Xukuumadda oo ku Fashilantay inay Dhakhtar Geyso Injinneer Radio-Hargeysa ka soo Shaqaynayey 1973-kii illaa 2012 oo Dhiig ku Furmay

Hargeysa(Yool)–Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta, ayaa ku fashilantay inay Dhakhtar dibedeed geyso Eng. Cismaan Daahir Caabbi oo ah Injinneerkii oo si kedis ah isaga oo shaqada ku jira Xanuunka Faaliggu ugu dhuftay toddobaadkii hore, ka dibna uu Dhiig Madaxa kaga furmay, isla markaana ay Dhakhaatiirtu ku taliyeen in si dhakhso ah loogu qaado Dhakhtar dibedeed.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa ka Indho-qarsaday, isla markaana ka war-wareegaya inay Inginneer Cismaan Daahir Caabbi oo ay Dkaatiirta Somaliland ku taliyeen inaan dalka gudihiisa wax lagaga qaban karin, hase ahaatee, haddii si dhakhso ah loo qaado la xallin karo caafimaadkiisa, ka dib markii uu toddobaadkii hore xanuunku ku soo booday, waxaana la sheegay inaanay Madaxda Wasaaraddu illaa hadda wax qorshe ah oo ay u sameeyeen jirin, sida ay ogaadeen Weriyayaal ka tirsan Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal oo u kuur-galay arrintaas.

Qorsha la’aanta Masuuliyiinta Wasaaradda ee Enginner Cismaan Daahir Caabbi, waxa ka damqaday Shaqaalaha Wasaaradda oo Madaxdooda ka dalbaday in Musharkooda bishii December ee sannadkii tagay ee 2011 oo aanay weli qaadan looga jaro qof kasta 10 Doollar, si ay wuxuun ugu kordhiso, maaddaama oo ay Madaxda Wasaaraddu illaa hadda ka war-wareegayaan wax u qabashada Cismaan Daahir. Balse arrintaasina weli waa qabyo oo wax ay Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu ka hirgeliyeen ma jirto.

Eng. Cismaan Daahir Caabbi, waxa uu shaqada Wasaaradda Warfaafinta bilaabay 1973-kii, waa Farsamo-yaqaan labada qaybood ee farsamo ee Wasaaradda ka hawlgala, qaybta War-laliska iyo qaybta Istuudyaha-ba. Eng. Cismaan waa Farsamo-yaqaanka duubay Suugaanta ugu badan Radio Hargeysa u kaydsan, sida Gabayada, Heesaha Jacaylka, Heesaha Waddaniga ah iyo wixii la mid ah.

Cismaan Daahir Macallinka wax baray dhammaan Shaqaalaha Farsamo-yaqaannada ka hawlgala Wasaradda Warfaafinta iyo kuwo hore uga hawlgeli jirayba. Cismaan waa Injinneer haddii uu Wasaaradda ka boxo way adag tahay in la buuxin karo kaalintiisa hormuud-nimo ee uu Wasaaradda Warfaafinta ee Idaacadda iyo TV-ga-ba ku leeyahay. Waxa lagu tilmaamaa Cismaan inuu yahay tiirka koowaad ee Wasaaradda Warfaafintu leedahay, waana ninka ugu muddada dheer shaqaalaha Warfaafinta. Waa shaqsiga kaliya ee wakhtigan ka wada hawlgalayey Farsmada Idaacadda iyo Telefeshinka Qaranka ee shayga cilladooba ee Idaacadda iyo TV-gaba si isku mid ah uga wada shaqaynayey. Shan habeen ka hor ayaa Cismaan Xanuunka uu hadda u jiifaa ku soo booday isaga oo ku guda-jira shaqadiisa uu ka hayey Wasaaradda Warfaafinta.

Sidaa daraaddeed, Eng. Cismaan Daahir Caabbi maaha, nin maanta lagu eego Xanuunka halista ah ee haleelay. Waana nin u qalma in laga badbaadiyo intii la awoodo Xanuunka ahaya ee muddada toddobaadka ku dhaw uu koomada ugu jiro, iyada oo maanta ay tahay maalintii Lixaad ee uu Xanuunkaa u jiifo. Injinneerka sidaa u qiimaha badan ee aynu taariikhdiisa kor kaga sheekaynay haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban waxay Ceeb ku tahay Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, waxaanay niyad-jab ku tahay Shaqaalaha isaga ka dambeeya ee hadda Wasaaradda ka hawlgala.

Siilaanyo iyo Gadhwaddeenada Shirka TALEEX Miyaya ka Mideysan Yihiin In Dhulbahante Maamul Gaara Yeesho

Hargeysa(Yool)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Cabdirisaaq Khaliif, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaal ay wefti uu hoggaaminayaa ku tageen deegaanada Gobolka Sool.

Wasiirka oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Hoteelka Xamdi ee Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay ujeeddada socdaalku la xidhiidhay xal u helida dilal kala dambeeyey oo daba yaaqadii sanadkii hore ka dhacay Deegaanada Yagoori iyo Guumeys ee Gobolka Sool iyo arrimo kale oo ku aadan maamulka, waxana uu tibaaxay in wefti ahaan arrimaha ay waxna u qabsoomeen waxna u hadhsan yihiin, kuwaasoo uu xusay in dhamaystirkooda u sii joogi doonaan Magaalada Laascaanood.

Md. Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay uu carabka ku dhuftay kulamo ay la yeesheen Madax-dhaqameedyada iyo Wax-garadka ka dib ay xukuumad ahaan ku guuleysteen soo af-jarida khilaafkii ka taagnaa deegaanadaa.

Hase-yeesha, waxaa jira warar isa soo tara oo sheegaya wasiirka ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska oo laf ahaantiisa lagu tuhunsanaa inuu si dahsoon ula socday Maleeshiyada SSC ay ujeeddada ugu weyn socdaalkiisu ahayd turxaan-saarida Madaxda Maleeshiyadaas iyo gadhwadeenada shirka Taleex oo ka biyo-diidey, kuwaasoo wada hadalo ka dib Shalay si rasmi ah uga qeybgalay shirkaas.

Garaad Jaamac Garaad Cali Dhulbahante oo hadal dheer ka jeediyay shirka Khaatumo 2 ee Taleex ayaa waxa ugu baaqay hoggaanka in ay ku shaqeeyaan sidii beesha loogu sameyn nidaam gaar ah oo ay ku mideysan yihiin.

“Haddii aad doonaysaan inaad ka baxdaan dhibka lagu jiro ee dayaca faraha badan keenay, oo waliba mararka qaarkood haddii awoodaadu dhiman tahay ama rag yaraani ku hayso ama dhaqaale la’aani ku hayso waad ku qanci kareysaa oo waxaad odhanaysaa maanta maalintaadii maahee maalintaada sug, laakiin maalinta aad buuxdo duliga qaadashadiisu aad-buu u liitaa” ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali waxaanu intaa ku daray “Waxaas oo dhan waxa keenay rag tallo leh ayaynu wax ka sugaynay oo aynu marti u ahayn, inaga oo intaa iyo in ka badanba samaysanaya”

Garaadka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maanta shirkan waxaanu ka sugaynaa tallo buuxda oo dhamaystiran oo aan cidna lagu raali-galinayn inta leh mooyaane, haddii sidii aad u dhisan lahaydeen sida ragga kale guryahooda u dhistay, saraakiil iyo siyaasiyiinba waad leedihiin, reero kale dab ay shiteen ku dhaxan tiri maayo, mid aynu shidanay oo ka iftiin weyn ayaynu rabnaa inaynu samaysano oo aynu halkan (Taleex) ka yagleelo”

Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, oo isaguna shirkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Dawlada Itoobiya ka wada socdaan qorshaha wadashiga ee loogu bud-dhigayo nidaam ay ku mideysan tahay Beesha Dhulbahante.

“Dawlada Federaalka Itoobiya iyo Dawlada Jigjigaba khatar uma arkaan inay beeshu shirto oo wey la socdaan, si rasmi ahna waanu uga wada hadalnay, xog badan ayey ka hayaan, xogo badan ayey ka helaan deegaanka, oo tashiilaad ku haystaan”.

Haddaba, marka la isku geegeeyo afkaaraha qayaxan ee kasoo yeedhaya Shirka Taleex iyo doorka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aad moodo in aanu jirin mawqif cad oo shirkaa ka leedahay, ayaa dadka siyaasada odorosaa qaarkood waxay qabaan inay jiraan waxyaabo bulshada ka dedan oo ay ka wada socdaan gadhwadeenada shirka hagaya iyo Madaxweyne Siilaanyo. Sidaa darted-na ay ku adag tahay Xukuumadda Siilaanyo inay bulshada u soo bandhigto siyaasadeedka dhabta eek u aadan. Iyada oo sidoo kale jireen hadal hayno fara badan oo iyaguna ku saabsan cilaaqaado qarsoon oo dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Sool, kuwaasoo sida muuqata hadda ku taamaya inay ku dhawaaqaan maamul goboleed gaar u ah Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Arrimahaas oo qeyb ka ah shirqooladii uu garwadeenka ka ahaa saancadaalihii madoobaa ee Mahiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo yaabaa xukuumadda kub-ku-siigaalaha ah ee uu hoggaamiyo Axmed-Siilaanyo

“..Ammaankayga ayaa Halis ku Jira Tan iyo Maalintii Shaqada Layga Eryey..”

Garsoorihii hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer

Burco(Yool/Berberanews)-Garsoorihii Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco Maxamed Cumar Cali, oo ka mid ahaa Garsoorayaal bishii December 2011 horraanteedii Guddiga Cadaaladdu xilka ka xayuubiyeen, ayaa ku cawday inuu ammaankiisu halis ku jiro, isla markaana sifihii lagu eryey aanu ahayn mid sharciga dalka u yaalla waafaqsan ee uu ahaa caddaalad-darro.

Garsoore Maxamed Cumar Cali oo u waramayey Shabakadda Berberanews, waxa uu sheegay inaanu Gurigiisa u hoyanin, isla markaana carruurtiisa si joogto ah aanu u arag tan iyo intii shaqada laga eryey bishii December 2011, ka dib markii ay dad badan oo muddadii uu Maxkamadaha dalka joogay kiisas ka xukumay taleefankiisa gacanta u soo mariyeen hanjabaado. “Qodobka 26-aad Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay Garsooraha haddii la soo eedayo waa in loo yeedho, waxa lagu eedeeyey la weydiiyo oo uu is-difaaco, ka dib tallaabo laga qaado haddii kiiska lagu eedeeyey ku caddaado, haddaan dambi uu gacanta kula jiro lagu soo qaban, markaa aniga iyo Garsoorayaasha ay December Guddiga Caddaaladdu shaqada ka eriday wax sharci ah oo erigayaga loo maray ma jirin ee caddaalad-darro ayaa nalagu eryey. Markaa, aniga waxan cabashadan igu kallifay maalintii la I eryey ayaa Carruurtaydii iyo Xaaskaygii iigu dambaysay, Gurigayga ma seexdo, ammaankayga oo khatar ku jira awgii.” Sidaa ayuu yidhi Garsoore Maxamed Cumar.

Garsoorihii hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer, waxa uu sheegay inuu Maxkamadda gobolkaas ee magaalada Burco muddo toddoba sano ah uu si ku-meel-gaadh ah Garsoore-nimo ugaga hawlgalayey, muddo saddex iyo toban sano ahna uu Maxkamadaha kala duwan ee dalka oo ay ugu badnayn Maxkamadda gobolka Sool ka soo hawlgalayey. Waxaanu intaa ku daray inuu 8 sano isaga oo Garsoore Maxkamadeed ah ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya 1991-kii.

“28 Sano ayaan Garoose Buuxa ku shaqaynayey, 20 sano Maxkamadaha Somaliland baan ka hawlgalayey, 7-dii sano ee uu dambeeyey waxaan Garsoore si ku-meel-gaadh ah uga ahaa Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco, ka dib markii si ku-meel-gaadh ah la iiga soo beddalay Maxkamadda gobolka Sool oo aan muddo dheer joogay. Shan Guddoomiye Maxkamadeed ayaa Maxkamadaha Somaliland iigu yimi oo igaga tagay, Guddoomiye kaliyi waligay wax qalad ah iguma eedeeyn oo iyadoo warqadi Xafiiska ii taalla shaqada kamuu tagin, maantana wax kiis ah oo la igu eryey oo sharciga la waafajiyey ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali.

Waxaanu Garyaqaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Ma bannaana in Garsoore shaqadiisii haysta la eryo sabab la’aan. Qaynuunkii waa lagu xad-gudbay, waa lagu tuntay sharciyaddii dalka, Garsooruhuna mar walba waa eedaysane, xukun kasta oo uu fuliyo godob baa loogu qaadayaa si kasta oo uu caddaalad u yahay. Caddaalad-darradii laga qaylinayey Guddiga cadaaladda ayaa samaysay, Xeerka nidaamka Garsoorkana meel baa lagaga dhacay oo waa la jabiyey. Saddex cisho ka dib markii shaqada la iga eryey cabasho ayaan u qoray Guddiga Caddaaladda, jawaab la igama siin, qodobka 42-aad ee isla Xeerkaas Nidaamka Garsoorka ayaa cabashadayda ii bannaynaya. Markaa, waxaan leeyahay sharcigii halla laalo ama caddaalad dawladdu haku shaqayso.”

Garyaqaan Maxamed Cumar, waxa uu codsaday in tallaabada Guddiga Cadaaladda Qaranka Somaliland shaqada kaga eriday dib loo eego maaddaama oo aan wax kiis ah oo uu galay oo lagu eedeeyey jirin, waxaanu xusay haddii aan arrintiisa caddaaladda la waafajin inuu Somaliland ka guuri doono, isla markaana meel uu nabadgelyo ahaan ku bedbaadi karo tagi doono. Waxaanu isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi; “Nin shaqo loo doonayo in la igu beddalaa ma bannaana, Xattaa haddaan dembi leeyahay waa in la ii yeedho, oo aan ka jawaabo oo wax igu caddaadaan ama la igu waayo, markaa sharciga waa lagu gefay, qodobka lagu gefay ee aan lagu dhamaynini waxa uu ka dhigan yahay qodob sharci ahaan laga maarmay. Qofka muwaaddinka ah ee aan dembi gelin ee shaqadiisa si fiican u wata ee aan masuul xil haya ahayn in shaqadiisa laga eryo maaha oo qof kale oo shaqo loo doonayo lagu beddalo, iska daa kaase Xattaa Wiilkayga looma bannayn karo, muwaaddin kale looma bannayn karo aniga oo aan shaqada iyo sharciga midna ku gefin oo waajibaadkayga shaqo sidii uu ahaa u gudanaya inta meesha la iga saaro in mid kale la keenaa waa wax sharciga ka soo horjeeda. Waayo? Anigu shaqaale ayaan ahay ee ma ihi masuul la odhanayo xilku waa meerto. 20 sannadoodna waan ka soo shaqaynayey Garsoorka oo cid walba anigaa kaga xaq leh.”.

“..Gurigayga ma seexdo, Carruurtayda uma tago, maaddaama oo ammaankaygu sidaa halis ugu jiro oo kuwaan shan sano ka hor kiisaska ka xukumay iyo kuwaan xukumay ee aan kiisaskooda sidii Illaahay igu ogaa Caddaalad u qaaday ayaa maalin kasta iyo habeen kasta Taleefankayga gacanta iiga soo hanjabaya oo leh haddaannu ku dili weyno. Sidaa daraaddeed, waxaan codsanayaa in cabashadayda la eego, kiiska la igu eryeyna la eego oo la ii caddaalad sameeyo. Haddii kale dalka ma sii joogi karo ee waxay noqonaysaa inaan Xaddka Somaliland ka baxo oo meel aan ku noolaan karo tago. Immika Laascaanood iyo reerahayagii haddaan tagi lahaa waxaan ka cabsi qabaa in jidka la igu wax-yeelleeyo. Markaa, aniga iyo 22 Carruur ah oo aan ku dhalay Somaliland, 12 Burco ayey ila joogaan tobanka kalena Laascaanood illaa Hargeysa ayay joogaan iyo Hooyooyinkood waannu ka baxaynaa dalka, si aan u helo meel aan nabad ahaan ugu noolaan karno aniga iyo intaan ka masuulka ahay.” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali oo Berberanews u warramay.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama oo Xilka Kala Wareegay Masuulkii Hore

Booram(Yool)-Xaflad si heer sare loo agaasimay, ayaa Shalay ka dhacaday xarunta dawlada hoose ee Magaalada Boorama, munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen bulushada ku qaybeheeda kala duwan ayaa waxa ay dulucdeedu hayd in xilka loogu kala wareejiyo Xoghayihii hore ee dowlada hoose Cabdikariim Sh. Cumaan Xasan iyo Xoghaya cusub ee dowlada hoose Maxamed Cabdi Xaashi. xilwareejintan oo ahayd mid jawigeedu aad u dangan yahay ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Cabdikariim Sh. Cumaan oo ah isagu masuulka xilka wareejiyey. isla markaana waxa uu ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey iyo waliba waxqabadkiisii.

Sidoo kale waxa uu u mahadnaqay dhamaanba shaqaalaha dawlada hoose sidii habsamida lahayd ee ay ula sheqeeyeen mudadii uu xilka hayey. waxa uu ugu dambeyntii kula dardaaramay shaqaalaha dawlada hoose iyo Golaha Deegaankaba in ay la sheqeeyaan masuulkaa maanta xilka lawareegaya.ayna isgarabtaagaan mar walba oo ay hawli jirto.

Intaa ka dib waxaa hadlay oo saaxada lagu soo dhaweeyey xoghayaha cusub Maxamed Cabdi Xaashi.oo hadal kooban halkaa ka soo jeediyey sidaa kula wareegay xilkii dhawaan loo soo magacaabay.ayaa waxa uu ka cod saday dadweynihii munaasibadan ka soo qayb galay in ay u duceeyaan oo uu Illahay xilka uu qaaday ku asturo.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay duqa Borama Cabdiraxmaan Shide Bille oo isagu Xoghayaha cusub kusoo dhaweeyey xarunta dawlada hoose.Xoghayihii horena sii sabootiyey.

Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay xafladana soo afmeeray Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci oo ugu mahadnaqay Xoghayihii hore ee maanta xilka laga wareejay wax qabadkiisii muuqday ee uu qabtay mudadii uu xilka hayey.Xoghayahan cusubna ku dhiiri galiyey in uu hawsha sideeda u qabto bulushada uu la sheqyo

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee xaflada xilwareejin ay ka dhacdo hoolka dawlada hoose ee boorama tan iyo markii ay Xukuumada Axmed Siiraanyo xilka la wareegtay balse waa xafladii Saddexaad ee loo qabto xoghayaha dawlada hoose taasi oo midna xilka lagaga qaadayo midna xilka lawareegayo.

Isku soo wada duuboo waxa ay iswaydiinayaan dadweynaha ku dhaqan magaalada boorama mudada uu xilka hayn doono xoghayahan cusub ee xilka la wareegay maanta?

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3