Marxuumad Ardo oo rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiye
oo lagu tilmaami karo inayd ahayd hooyada hooyooyinkii
ku goblomay halgankii dib u xorreynta Somaliland, isla
markaana mudnayd marka qaddiyada lagu qiimeeyo tixgelin
iyo in aas Qaran loo sameeyo, ayaa waxa wax lala yaabo
noqotay in Madaxweynihii Qaranka uu baneeyo kaalintii
Madaxweyne-nimo, Mujaahid-nimo iyo Muslim-nimo intaba,
ee kaga aadanayd geerida Marxuumad Ardo.
Waxa kale oo yaab leh iska daa kasoo qeybgal iyo guddi
Madaxweynuhu ku maamuuse in xataa uu kala masuugo afartii
layn ee aan iyagu qorista u baahnayn, hase-yeeshee,
ku seef garaysan Computerka Xafiiska Afhayeenka, kuwaasoo
marba qofka tacsida loo dirayo magaciisa lagu buuxiyo,
dabadeed-na Emailka Warbaahinta loogu kala diro, sidoo
kale waxa iyana mucjiso noqotay in TV-gii Qaranka oo
ay la xidhiidhiyeen mujaahidiin aaska joogtay ay ka
baaqsadeen Sawir qaade u soo diraan. Halka ay tobanaanka
ku tagaan xaflad yar oo aan qiime weyn u lahayn bulshada
ama ay Saacado fara badan kasii daayaan naag xayeysiinaysa
dawo jidka lagu cadeeyo.
Marka la eego sida Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka Muuse
Biixi isaguna Madaxweyne Siilaanyo ugu waafaqay ka muquurashada
munaasibadaa ayaa waxa tallaabooyinkaa is-shabahay ee
labada hogaamiye dad badani u fasirteen arrin ku tallogal
ah balse si kama’ ah aan uga dhicin, waxana dadka qaarkood
u turjumeen arrin siyaasadeed oo ku taxaluqda qardoofooyin
ay hayaan Mujaahid Maxamed Diiriye (Lixle) xiligii lagu
guddo jiray halgankii SNM.
Iskastoo Marxuumad Ardo intii ay noolayd ay mar warbaahinta
ku cadaysay inay ka war hayaan Mujaahidiintii ay wiilkeeda
rafiiqa ahaayeen, waxa ay xustay in ninka keliya ee
ka war haya xaaladeeda nololeed uu ahaa Mujaahid Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax, taasina waa markhaati labaad oo marag
u ah sida ay waxba kama jiraanka u yihiin hadaladii
awr ku kacsiga iyo beer-laxowsiga ahaa ee ay bulshada
ku dhego-barjeeyeen markay dano gaar ah leeyihiin Axmed
Siilaanyo iyo Muuse Biixi ‘Waxaanu u taagan nahay daryeelka
duruufaha ku gedaaman agoomihii iyo hooyooyinkii SNM’.
Xukuumadda oo ku Fashilantay inay Dhakhtar
Geyso Injinneer Radio-Hargeysa ka soo Shaqaynayey 1973-kii
illaa 2012 oo Dhiig ku Furmay
Hargeysa(Yool)–Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar
ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta, ayaa
ku fashilantay inay Dhakhtar dibedeed geyso Eng. Cismaan
Daahir Caabbi oo ah Injinneerkii oo si kedis ah isaga
oo shaqada ku jira Xanuunka Faaliggu ugu dhuftay toddobaadkii
hore, ka dibna uu Dhiig Madaxa kaga furmay, isla markaana
ay Dhakhaatiirtu ku taliyeen in si dhakhso ah loogu
qaado Dhakhtar dibedeed.
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa
ka Indho-qarsaday, isla markaana ka war-wareegaya inay
Inginneer Cismaan Daahir Caabbi oo ay Dkaatiirta Somaliland
ku taliyeen inaan dalka gudihiisa wax lagaga qaban karin,
hase ahaatee, haddii si dhakhso ah loo qaado la xallin
karo caafimaadkiisa, ka dib markii uu toddobaadkii hore
xanuunku ku soo booday, waxaana la sheegay inaanay Madaxda
Wasaaraddu illaa hadda wax qorshe ah oo ay u sameeyeen
jirin, sida ay ogaadeen Weriyayaal ka tirsan Wargeyska
madaxa-bannaan ee Ogaal oo u kuur-galay arrintaas.
Qorsha la’aanta Masuuliyiinta Wasaaradda ee Enginner
Cismaan Daahir Caabbi, waxa ka damqaday Shaqaalaha Wasaaradda
oo Madaxdooda ka dalbaday in Musharkooda bishii December
ee sannadkii tagay ee 2011 oo aanay weli qaadan looga
jaro qof kasta 10 Doollar, si ay wuxuun ugu kordhiso,
maaddaama oo ay Madaxda Wasaaraddu illaa hadda ka war-wareegayaan
wax u qabashada Cismaan Daahir. Balse arrintaasina weli
waa qabyo oo wax ay Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee
Warfaafintu ka hirgeliyeen ma jirto.
Eng. Cismaan Daahir Caabbi, waxa uu shaqada Wasaaradda
Warfaafinta bilaabay 1973-kii, waa Farsamo-yaqaan labada
qaybood ee farsamo ee Wasaaradda ka hawlgala, qaybta
War-laliska iyo qaybta Istuudyaha-ba. Eng. Cismaan waa
Farsamo-yaqaanka duubay Suugaanta ugu badan Radio Hargeysa
u kaydsan, sida Gabayada, Heesaha Jacaylka, Heesaha
Waddaniga ah iyo wixii la mid ah.
Cismaan Daahir Macallinka wax baray dhammaan Shaqaalaha
Farsamo-yaqaannada ka hawlgala Wasaradda Warfaafinta
iyo kuwo hore uga hawlgeli jirayba. Cismaan waa Injinneer
haddii uu Wasaaradda ka boxo way adag tahay in la buuxin
karo kaalintiisa hormuud-nimo ee uu Wasaaradda Warfaafinta
ee Idaacadda iyo TV-ga-ba ku leeyahay. Waxa lagu tilmaamaa
Cismaan inuu yahay tiirka koowaad ee Wasaaradda Warfaafintu
leedahay, waana ninka ugu muddada dheer shaqaalaha Warfaafinta.
Waa shaqsiga kaliya ee wakhtigan ka wada hawlgalayey
Farsmada Idaacadda iyo Telefeshinka Qaranka ee shayga
cilladooba ee Idaacadda iyo TV-gaba si isku mid ah uga
wada shaqaynayey. Shan habeen ka hor ayaa Cismaan Xanuunka
uu hadda u jiifaa ku soo booday isaga oo ku guda-jira
shaqadiisa uu ka hayey Wasaaradda Warfaafinta.
Sidaa daraaddeed, Eng. Cismaan Daahir Caabbi maaha,
nin maanta lagu eego Xanuunka halista ah ee haleelay.
Waana nin u qalma in laga badbaadiyo intii la awoodo
Xanuunka ahaya ee muddada toddobaadka ku dhaw uu koomada
ugu jiro, iyada oo maanta ay tahay maalintii Lixaad
ee uu Xanuunkaa u jiifo. Injinneerka sidaa u qiimaha
badan ee aynu taariikhdiisa kor kaga sheekaynay haddii
aan si dhakhso ah wax loogu qaban waxay Ceeb ku tahay
Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Masuuliyiinta Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, waxaanay niyad-jab
ku tahay Shaqaalaha isaga ka dambeeya ee hadda Wasaaradda
ka hawlgala.
Siilaanyo iyo Gadhwaddeenada Shirka TALEEX
Miyaya ka Mideysan Yihiin In Dhulbahante Maamul Gaara
Yeesho
Hargeysa(Yool)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha
iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Cabdirisaaq Khaliif, ayaa
faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaal ay wefti uu
hoggaaminayaa ku tageen deegaanada Gobolka Sool.
Wasiirka oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Hoteelka
Xamdi ee Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay ujeeddada
socdaalku la xidhiidhay xal u helida dilal kala dambeeyey
oo daba yaaqadii sanadkii hore ka dhacay Deegaanada
Yagoori iyo Guumeys ee Gobolka Sool iyo arrimo kale
oo ku aadan maamulka, waxana uu tibaaxay in wefti ahaan
arrimaha ay waxna u qabsoomeen waxna u hadhsan yihiin,
kuwaasoo uu xusay in dhamaystirkooda u sii joogi doonaan
Magaalada Laascaanood.
Md. Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay uu carabka
ku dhuftay kulamo ay la yeesheen Madax-dhaqameedyada
iyo Wax-garadka ka dib ay xukuumad ahaan ku guuleysteen
soo af-jarida khilaafkii ka taagnaa deegaanadaa.
Hase-yeesha, waxaa jira warar isa soo tara oo sheegaya
wasiirka ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska oo laf
ahaantiisa lagu tuhunsanaa inuu si dahsoon ula socday
Maleeshiyada SSC ay ujeeddada ugu weyn socdaalkiisu
ahayd turxaan-saarida Madaxda Maleeshiyadaas iyo gadhwadeenada
shirka Taleex oo ka biyo-diidey, kuwaasoo wada hadalo
ka dib Shalay si rasmi ah uga qeybgalay shirkaas.
Garaad Jaamac Garaad Cali Dhulbahante oo hadal dheer
ka jeediyay shirka Khaatumo 2 ee Taleex ayaa waxa ugu
baaqay hoggaanka in ay ku shaqeeyaan sidii beesha loogu
sameyn nidaam gaar ah oo ay ku mideysan yihiin.
“Haddii aad doonaysaan inaad ka baxdaan dhibka lagu
jiro ee dayaca faraha badan keenay, oo waliba mararka
qaarkood haddii awoodaadu dhiman tahay ama rag yaraani
ku hayso ama dhaqaale la’aani ku hayso waad ku qanci
kareysaa oo waxaad odhanaysaa maanta maalintaadii maahee
maalintaada sug, laakiin maalinta aad buuxdo duliga
qaadashadiisu aad-buu u liitaa” ayuu yidhi Garaad Jaamac
Garaad Cali waxaanu intaa ku daray “Waxaas oo dhan waxa
keenay rag tallo leh ayaynu wax ka sugaynay oo aynu
marti u ahayn, inaga oo intaa iyo in ka badanba samaysanaya”
Garaadka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maanta
shirkan waxaanu ka sugaynaa tallo buuxda oo dhamaystiran
oo aan cidna lagu raali-galinayn inta leh mooyaane,
haddii sidii aad u dhisan lahaydeen sida ragga kale
guryahooda u dhistay, saraakiil iyo siyaasiyiinba waad
leedihiin, reero kale dab ay shiteen ku dhaxan tiri
maayo, mid aynu shidanay oo ka iftiin weyn ayaynu rabnaa
inaynu samaysano oo aynu halkan (Taleex) ka yagleelo”
Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, oo isaguna shirkaa
ka hadlay ayaa sheegay inay Dawlada Itoobiya ka wada
socdaan qorshaha wadashiga ee loogu bud-dhigayo nidaam
ay ku mideysan tahay Beesha Dhulbahante.
“Dawlada Federaalka Itoobiya iyo Dawlada Jigjigaba
khatar uma arkaan inay beeshu shirto oo wey la socdaan,
si rasmi ahna waanu uga wada hadalnay, xog badan ayey
ka hayaan, xogo badan ayey ka helaan deegaanka, oo tashiilaad
ku haystaan”.
Haddaba, marka la isku geegeeyo afkaaraha qayaxan ee
kasoo yeedhaya Shirka Taleex iyo doorka xukuumadda Madaxweyne
Siilaanyo oo aad moodo in aanu jirin mawqif cad oo shirkaa
ka leedahay, ayaa dadka siyaasada odorosaa qaarkood
waxay qabaan inay jiraan waxyaabo bulshada ka dedan
oo ay ka wada socdaan gadhwadeenada shirka hagaya iyo
Madaxweyne Siilaanyo. Sidaa darted-na ay ku adag tahay
Xukuumadda Siilaanyo inay bulshada u soo bandhigto siyaasadeedka
dhabta eek u aadan. Iyada oo sidoo kale jireen hadal
hayno fara badan oo iyaguna ku saabsan cilaaqaado qarsoon
oo dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo qaar ka mid ah
siyaasiyiinta Gobolka Sool, kuwaasoo sida muuqata hadda
ku taamaya inay ku dhawaaqaan maamul goboleed gaar u
ah Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Arrimahaas oo qeyb ka ah shirqooladii uu garwadeenka
ka ahaa saancadaalihii madoobaa ee Mahiga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo yaabaa xukuumadda
kub-ku-siigaalaha ah ee uu hoggaamiyo Axmed-Siilaanyo
“..Ammaankayga ayaa Halis ku Jira Tan iyo Maalintii
Shaqada Layga Eryey..”
Garsoorihii hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer
Burco(Yool/Berberanews)-Garsoorihii Maxkamadda Gobolka
Togdheer ee Magaalada Burco Maxamed Cumar Cali, oo ka
mid ahaa Garsoorayaal bishii December 2011 horraanteedii
Guddiga Cadaaladdu xilka ka xayuubiyeen, ayaa ku cawday
inuu ammaankiisu halis ku jiro, isla markaana sifihii
lagu eryey aanu ahayn mid sharciga dalka u yaalla waafaqsan
ee uu ahaa caddaalad-darro.
Garsoore Maxamed Cumar Cali oo u waramayey Shabakadda
Berberanews, waxa uu sheegay inaanu Gurigiisa u hoyanin,
isla markaana carruurtiisa si joogto ah aanu u arag
tan iyo intii shaqada laga eryey bishii December 2011,
ka dib markii ay dad badan oo muddadii uu Maxkamadaha
dalka joogay kiisas ka xukumay taleefankiisa gacanta
u soo mariyeen hanjabaado. “Qodobka 26-aad Xeerka Nidaamka
Garsoorka ee Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa
uu leeyahay Garsooraha haddii la soo eedayo waa in loo
yeedho, waxa lagu eedeeyey la weydiiyo oo uu is-difaaco,
ka dib tallaabo laga qaado haddii kiiska lagu eedeeyey
ku caddaado, haddaan dambi uu gacanta kula jiro lagu
soo qaban, markaa aniga iyo Garsoorayaasha ay December
Guddiga Caddaaladdu shaqada ka eriday wax sharci ah
oo erigayaga loo maray ma jirin ee caddaalad-darro ayaa
nalagu eryey. Markaa, aniga waxan cabashadan igu kallifay
maalintii la I eryey ayaa Carruurtaydii iyo Xaaskaygii
iigu dambaysay, Gurigayga ma seexdo, ammaankayga oo
khatar ku jira awgii.” Sidaa ayuu yidhi Garsoore Maxamed
Cumar.
Garsoorihii hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer, waxa
uu sheegay inuu Maxkamadda gobolkaas ee magaalada Burco
muddo toddoba sano ah uu si ku-meel-gaadh ah Garsoore-nimo
ugaga hawlgalayey, muddo saddex iyo toban sano ahna
uu Maxkamadaha kala duwan ee dalka oo ay ugu badnayn
Maxkamadda gobolka Sool ka soo hawlgalayey. Waxaanu
intaa ku daray inuu 8 sano isaga oo Garsoore Maxkamadeed
ah ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya
1991-kii.
“28 Sano ayaan Garoose Buuxa ku shaqaynayey, 20 sano
Maxkamadaha Somaliland baan ka hawlgalayey, 7-dii sano
ee uu dambeeyey waxaan Garsoore si ku-meel-gaadh ah
uga ahaa Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco,
ka dib markii si ku-meel-gaadh ah la iiga soo beddalay
Maxkamadda gobolka Sool oo aan muddo dheer joogay. Shan
Guddoomiye Maxkamadeed ayaa Maxkamadaha Somaliland iigu
yimi oo igaga tagay, Guddoomiye kaliyi waligay wax qalad
ah iguma eedeeyn oo iyadoo warqadi Xafiiska ii taalla
shaqada kamuu tagin, maantana wax kiis ah oo la igu
eryey oo sharciga la waafajiyey ma jiro.” Sidaa ayuu
yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali.
Waxaanu Garyaqaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku
daray oo uu yidhi; “Ma bannaana in Garsoore shaqadiisii
haysta la eryo sabab la’aan. Qaynuunkii waa lagu xad-gudbay,
waa lagu tuntay sharciyaddii dalka, Garsooruhuna mar
walba waa eedaysane, xukun kasta oo uu fuliyo godob
baa loogu qaadayaa si kasta oo uu caddaalad u yahay.
Caddaalad-darradii laga qaylinayey Guddiga cadaaladda
ayaa samaysay, Xeerka nidaamka Garsoorkana meel baa
lagaga dhacay oo waa la jabiyey. Saddex cisho ka dib
markii shaqada la iga eryey cabasho ayaan u qoray Guddiga
Caddaaladda, jawaab la igama siin, qodobka 42-aad ee
isla Xeerkaas Nidaamka Garsoorka ayaa cabashadayda ii
bannaynaya. Markaa, waxaan leeyahay sharcigii halla
laalo ama caddaalad dawladdu haku shaqayso.”
Garyaqaan Maxamed Cumar, waxa uu codsaday in tallaabada
Guddiga Cadaaladda Qaranka Somaliland shaqada kaga eriday
dib loo eego maaddaama oo aan wax kiis ah oo uu galay
oo lagu eedeeyey jirin, waxaanu xusay haddii aan arrintiisa
caddaaladda la waafajin inuu Somaliland ka guuri doono,
isla markaana meel uu nabadgelyo ahaan ku bedbaadi karo
tagi doono. Waxaanu isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi;
“Nin shaqo loo doonayo in la igu beddalaa ma bannaana,
Xattaa haddaan dembi leeyahay waa in la ii yeedho, oo
aan ka jawaabo oo wax igu caddaadaan ama la igu waayo,
markaa sharciga waa lagu gefay, qodobka lagu gefay ee
aan lagu dhamaynini waxa uu ka dhigan yahay qodob sharci
ahaan laga maarmay. Qofka muwaaddinka ah ee aan dembi
gelin ee shaqadiisa si fiican u wata ee aan masuul xil
haya ahayn in shaqadiisa laga eryo maaha oo qof kale
oo shaqo loo doonayo lagu beddalo, iska daa kaase Xattaa
Wiilkayga looma bannayn karo, muwaaddin kale looma bannayn
karo aniga oo aan shaqada iyo sharciga midna ku gefin
oo waajibaadkayga shaqo sidii uu ahaa u gudanaya inta
meesha la iga saaro in mid kale la keenaa waa wax sharciga
ka soo horjeeda. Waayo? Anigu shaqaale ayaan ahay ee
ma ihi masuul la odhanayo xilku waa meerto. 20 sannadoodna
waan ka soo shaqaynayey Garsoorka oo cid walba anigaa
kaga xaq leh.”.
“..Gurigayga ma seexdo, Carruurtayda uma tago, maaddaama
oo ammaankaygu sidaa halis ugu jiro oo kuwaan shan sano
ka hor kiisaska ka xukumay iyo kuwaan xukumay ee aan
kiisaskooda sidii Illaahay igu ogaa Caddaalad u qaaday
ayaa maalin kasta iyo habeen kasta Taleefankayga gacanta
iiga soo hanjabaya oo leh haddaannu ku dili weyno. Sidaa
daraaddeed, waxaan codsanayaa in cabashadayda la eego,
kiiska la igu eryeyna la eego oo la ii caddaalad sameeyo.
Haddii kale dalka ma sii joogi karo ee waxay noqonaysaa
inaan Xaddka Somaliland ka baxo oo meel aan ku noolaan
karo tago. Immika Laascaanood iyo reerahayagii haddaan
tagi lahaa waxaan ka cabsi qabaa in jidka la igu wax-yeelleeyo.
Markaa, aniga iyo 22 Carruur ah oo aan ku dhalay Somaliland,
12 Burco ayey ila joogaan tobanka kalena Laascaanood
illaa Hargeysa ayay joogaan iyo Hooyooyinkood waannu
ka baxaynaa dalka, si aan u helo meel aan nabad ahaan
ugu noolaan karno aniga iyo intaan ka masuulka ahay.”
ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali oo Berberanews
u warramay.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Boorama oo Xilka
Kala Wareegay Masuulkii Hore
Booram(Yool)-Xaflad si heer sare loo agaasimay, ayaa
Shalay ka dhacaday xarunta dawlada hoose ee Magaalada
Boorama, munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen bulushada
ku qaybeheeda kala duwan ayaa waxa ay dulucdeedu hayd
in xilka loogu kala wareejiyo Xoghayihii hore ee dowlada
hoose Cabdikariim Sh. Cumaan Xasan iyo Xoghaya cusub
ee dowlada hoose Maxamed Cabdi Xaashi. xilwareejintan
oo ahayd mid jawigeedu aad u dangan yahay ayaa waxa
ugu horayn ka hadlay Cabdikariim Sh. Cumaan oo ah isagu
masuulka xilka wareejiyey. isla markaana waxa uu ka
warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka
hayey iyo waliba waxqabadkiisii.
Sidoo kale waxa uu u mahadnaqay dhamaanba shaqaalaha
dawlada hoose sidii habsamida lahayd ee ay ula sheqeeyeen
mudadii uu xilka hayey. waxa uu ugu dambeyntii kula
dardaaramay shaqaalaha dawlada hoose iyo Golaha Deegaankaba
in ay la sheqeeyaan masuulkaa maanta xilka lawareegaya.ayna
isgarabtaagaan mar walba oo ay hawli jirto.
Intaa ka dib waxaa hadlay oo saaxada lagu soo dhaweeyey
xoghayaha cusub Maxamed Cabdi Xaashi.oo hadal kooban
halkaa ka soo jeediyey sidaa kula wareegay xilkii dhawaan
loo soo magacaabay.ayaa waxa uu ka cod saday dadweynihii
munaasibadan ka soo qayb galay in ay u duceeyaan oo
uu Illahay xilka uu qaaday ku asturo.
Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay xafladana
soo afmeeray Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci
oo ugu mahadnaqay Xoghayihii hore ee maanta xilka laga
wareejay wax qabadkiisii muuqday ee uu qabtay mudadii
uu xilka hayey.Xoghayahan cusubna ku dhiiri galiyey
in uu hawsha sideeda u qabto bulushada uu la sheqyo
Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee
xaflada xilwareejin ay ka dhacdo hoolka dawlada hoose
ee boorama tan iyo markii ay Xukuumada Axmed Siiraanyo
xilka la wareegtay balse waa xafladii Saddexaad ee loo
qabto xoghayaha dawlada hoose taasi oo midna xilka lagaga
qaadayo midna xilka lawareegayo.
Isku soo wada duuboo waxa ay iswaydiinayaan dadweynaha
ku dhaqan magaalada boorama mudada uu xilka hayn doono
xoghayahan cusub ee xilka la wareegay maanta?
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org