Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Magaalo taariikhiya oo foolaneysa Maamul Salbalaaran.

08 Janaury 2012 Waagacusub.com- Todobaadkaan wuxuu dareenka bulshada ku hadasha afka Somaliga iyo kan beesha Caalamka ku foogan yahay Magaaladda Taariikhda weyn ee Taleex oo la filayo in looga dhawaaqo Maamul Goboleed Salbalaaran kaas oo warar hordhaca sheegayaan in loogu wanqali doono DARWIISH STATE OF SOMALIA.

Shirweynaha Taleex oo ay iskugu tageen boqolaal ay kala hogaaminayaan hogaamiyeyaasha qeybaha beesha Dhulbahanta ayaa loogu magacdaray KHATUMO2 .


Inkastoo Shirweynaha ay joogaan dhamaan Garaadadii beesha Dhulbahante iyo Hogaamiyaha SSC Saleebaan Xagla toosiye hadana waxaa xusid mudan inay Taleex foolaneyso maamul Salbalaaran taas oo dad badan u daliishadeen Siyaasiyiinta waaweyn ee Tahriibka u maray ka qeybgalka shirweynaha sida Cali Khaliif Galeydh iyo Cabdi Kariim Jamac.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mohamed Duur ayaa ku xabeebsaday qeeyla dhaan uu ku sheegayo in Somaliland tilaabo ka qaadi doonto Shirweynaha Taleex hasse yeeshee waxay hanjabaadiisa u muuqataa SAMBUUS AFUR DHAAFAY.
Garaadka Guud ee hogaamiyeyaasha dhaqanka beesha Dhulbahante Garaad Jamac Garaad Cali oo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Khatumo 2 ayaa yiri “ Anagoo awood leh waxay nagu tahay Liidnaan inaan deb qolo kala shidatay dugaal bidno,waa inaan deb na dhaxan tiro shidanaa,oo halkaan taleex uga dhawaaqnaa maamul beesha Dhulbahante u gaara”
Dhamaan ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha Khatumo2 waxaa jeebabka u suran kaarar lagu hardhay Calanka Somalia taas oo ka dhigan in wixii la sugaaba tahay maamul xambaarsan qadiyada Somaliweyn.
Beesha Dhulbahante oo hore loogu yaqiin kala qeybsanaan siyaasadeed iyo u nuglaanshaha sandareero ay ka qaataan Maamulada Somaliland iyo Puntland hada waxaa lagu amaani karaa inay guud ahaan taabacsan yihiin Shirweynaha Khatumo2 iyo natiijadii ka soo baxda.
Hanjabaada Xukumadda Siilaanyo ee la xiriirta inay weerarayaan Taleex waxaa lagu tilmaami karaa mid ku siman afka baarkiisa hasse yeeshee hadii ay ka dhabeeyaan hanjabaadooda waxay natiijadu noqon kartaa guuldaro maadama uu dagaalka daqiiqad gudaheed isu bedeli karo mid u dhaxeeya Isaaq iyo Dhulbahante.
Taleex waa Magaalo ku caana Gobanimo u dirirka waxayna Xarun u ahayd Xoogagii Daraawiishta ee allaha u naxariistee Sayid Mohamed Abdulle Hassan.
Sayid Mohamed Abdulle Hassan iyo Ciidamadii uu horkacayay ee Daraawiishta waxay talis Melleteri ku lahaayeen Taleex 1895 ilaa 1921.
Taleex waxaa ku yaal dhismayaal taariikhiya oo Xoogagii Daraawiishta dhiseen .
Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo xiganayay ninkii iska lahaan jiray Maqaayadii Taleex ee Muqdisho ayaa yiri “ Waxaan Xasuustaa allaha u naxariistee Cabdi Kooreeya Jamac oo lahaa Maqaayadii Taleex Muqdisho wuxuu ahaa nin Mucaaradnimo iskaga dhashay,inta uu shafka dhulka ku dhifto ayuu oran jiray WARHOOY DHULBAHANTOOW MAGAALADA ISKAGA BAXA HADII KALE WALAAHI SUDAN BAAD KA SOO WAREEGI DOONTAAN”
Cali Khaliif oo qoslaya ayaa yiri “Walahi Cabdi anagaa u marqaati kacayna oo waxaan ku siganay inaan Sudan ka soo wareegno”
Cali Khaliif wuxuu hadalkiisa ula jeeday tahriibkii uu ku galay Taleex,isagoo Wardheer ilaa Taleex ku safray gaari.


Shirweynaha Taleex Maamulka ka soo bixi doona ee DARWIISH STATE OF SOMALIA waa mid mudo dheer laga shaqeeyay wuxuuna shirkii KHATUMO1 ka dhacay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
Dhulbahante oo jeegaan siyaasadeed la leh Gadabuursi waxaa dagaal xoogan kula jira Isaaqa iyo Majeertaanka oo labaduba doonaya inaysan noqon maamul ka madaxbanaan.
Hadii Dhulbahanataha sameeystaan maamul madaxbanaan waa hubaal in Gadabuursigana si wadajira u garab istaagayaan Awdal State maadama ay leeyihiin madaxbanaani la mida tan Dhulbahante.

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3