Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Amina Muse oo ku biirtay Horn Cable TV-Universal Tv oo tusbax go-ay noqday -Laba kacleenta HCTV.

08 March 2013 Waagacusub.com- Saxaafiyadda taageerada badan leh ee Aamina Muse Weheliye Cadow ayaa heshiis la saxiixatay Telefishinka Caalamiga ah ee HornCable Tv sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen ila wareedyo muhiima.
Saxaafiyadda Aamina Muse oo xambaarsan barnaamijkeeda Nala fiidso ayaa lagu wadaa in habeenka Axada lagu shaaciyo Warka HornCable TV sida Waagacusub ogaaday.waxayna Amina Barnaamijka Caweyska la daadihin doontaa Cali Seenyo.


Aamina Muse oo ka dhigan daadihiso ku wanaagsan war akhrinta iyo arrimaha bulshada waxay leedahay taariikh dheer,waxayna ka soo shaqeeysay Warbaahinta Somalia mudo ka badan 22 sano.
Aamina markii ugu dambeysay waxay ka hoowlgeleysay BBC Somali kadibna waxay ku biirtay Telefishinka Universal.

Barnaamijkii ugu dambeeyay ee NALA FIIDSO ayey Aamina Muse ka baahisay Universal TV waxayna barnaamijkeeda ula guuri doontaa HORN CABLE TV.
Aamina ka tegitaankeeda Universal Tv wali kama hadlin laakiin Warbaahinta Waagacusub oo sedex maalmood daba joogtay ugu dambeyntii waxay ogaatay in heshiis rasmiya dhexmaray Aamina Muse iyo Maamulka Horn Cable Tv Xarunta London.
Telefishinka Caalamiga ee Horn Cable Tv ayaa laba kacleeyay ,wuxuuna sameeynayaa Isbedel Balaaran oo horumar xambaarsan.
Milkiilaha Horn Cable TV Farxaan Xaaji Cali ayaa Muqdisho ku sugan hada,waxayna ila wareedyo muhiima u sheegeen Waagacusub inay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdi Wali wada hadal shaqo kula jiraan .
Wariyeyaasha Universal Tv ayaa tusbax go-ay noqday waxaana lagu tilmaami karaa inay ka tageen Wariyeyaashii ugu miisaanka cuslaa Telefishinkaas.
Cawil Dahir Salad oo qura ayaa ku haray UNIVERSAL TV.

Tartanka Telefishinada ku hadla afka Somaliga ee madaxabanaan wuxuu maanta u dhaxeeyaa Horn Cable Tv iyo Somali Channel TV.
Aamina Muse Weheliye waxay bogeeda Facebook ku amaantay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdi Wali waxayna tiri:-
WALAALKEEY RIDWAAN XAAJI CABDIWELI:
Walaal Ridwaan, waxaan tahay nin yar oo aad u dadaal badan, isku kalsoon, aqli badan oo deggan, waan soo dhoweynayaa go'aanka aad qaadatay anigoo og in go'aan sahal aad u gaartay ama ku degdegtay anuu ahayn.
Waxaa marag ma doonta ah in aad tahay suxufi hufan, waxaa kaloo jirta oo muhiim ah daawada-yaashaada iyo tageerayaashaaduna ay dhici karto in aaneey ogeyn, taasoo iyada oo kali ahi ay tahay xirfad shaqo fiican lagu helo dadka oo dhamina aaneey wada lahayn balse adiga eebbe hibo kuu siiyey, waana adigoo ah CONFLICT MANAGER ( KHILAAF XALLIYE) waxaan u soo joogay iyadoo aad maalin kasta kala fujiso shaqaalaha, maamulka iyo milkiilaha TV-ga oo ileyn waa bini'aadame wax uun isku heysta, taas oo qura ayaanan ilaawi kareynin, anigu Amina ahaan.
Waxaa kalood tahay mid ka mid ah sufuxiyiinta fara-ku-tiriska ah ee mihnadda saxaafadda jaamacad u galay soona dhameystay!!!
Waan hubaa in aadan wax xumaan ah caloosha cidna ugu heynin, oo walaalahaa kula shaqeynaayey, milkiilaha leh TV-ga iyo maamulkaba aad idinkoo isku wanaagsan kala tagteen, waadna ku mahadsan tahay sida asluubeysan ood wax ku dhameysateen, waan hubaa in aad heleyso shaqo kale oo qiima leh, adduunkana waa dan iyo qofba wixii uu u arko in eey u wanaagsan yihiin, hey'adaha warbaahintuna waxeey leeyihiin TV-yadooda, raadiyayaashooda IWM, wariyayaashuna waxeey wataan xirfadooda, aqoontooda iyo waaya'aragnimadooda, ciddii heshiin karta ayaana wada shaqeyneysa.
HORTAADA QEYR GADAASHAADA QEYR WALAALKEEY.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3