Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Abu Mansuur Al-Amriki oo la dilay

08 May 2013 Waagacusub.com-Fu’aad Maxamed Shangole, oo ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in galabta deegaan u dhow tuulada Raama-caddey ay rag hubaysan oo taageersan horjoogaha ugu sarreeya Al-Shabab Axmed Godane ay ku dileen Cumar Xamaami oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki.


Shangole, oo caawa maqribkii muxaadaro ka jeediyay masjidka weyn ee magaalada Buul0-barte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsanayd.

Fu’aad Maxamed Shangole wuxuu sheegay in dhowaanahaan kooxo ka tirsan Al-Shabab ay qorsheynayeen shirqool lagu dilayo Abuu Mansuur Al-Amriki, oo si weyn uga soo horjeeday fikradaha Axmed Godane.

Al-Amriiki ayaa dhowaan bogga internetka ee Twitter soo dhigay sawirro muujinaya dhaawacyo ka soo gaaray isku day lagu doonayay in lagu dilo, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Godane in uu doonayo in la dilo shisheeyaha ka garab dagaallama Al-Shabaab.

Ibrahim Afqaan oo ka mid ah horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabab ayaa dhowaan warqad uu u diray hoggaamiyaha Al-Qaacidda Eyman Al-Dawaahiri ku sheegay in kala dambeyn la’aan ba’an ay ka dhax jirto horjoogayaasha sarsare ee Al-Shabaab.

Ma jiraan ilo-wareedyo rasmi ah oo caddeynaya dilka Abuu Mansuur Al-Amriiki marka laga reebo hadalka uu caawa Fu’aad Shangole ka sheegay Buulo-burte. Dhowr goor oo hore waxaa beenoobay warar sheegayay in la dilay Omar Hammami.

Dowladda Mareykanka ayaa dhowaan lacag shan milyan oo doollar dul dhigtay madaxa Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Xigasho Barkulan

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3