Topnews:-
Socdaalka Madaxweyne Shariif ee UK oo shaki badan huwan
iyo Mareykanka.
Xukumadda Mareykanka ayaa ansixisay qorshe uu Taliyaha
Ciidamadda Melleteriga Somalia Jeneral Mohamed Geelle
Kaahiye ku sheegay istiraatijiyada ugu wanaagsan ee
dalka looga sifeeyn kara kooxaha ku xiran Shabaakada
Al Qaida sida ay Waagacusub.com ugu xog warameen ila
wareedyo muhiima.
Qorshaha Jeneral Kaahiye oo la meelmariyay kadib kulan
uu Saraakiil ka tirsan Gaashaandhiga Mareykanka kula
yeeshay Nairobi waxaa hore u laalay Shariif Sheekh Ahmed
iyo Shariif Hassan Sheekh Aadan.
Hoowlgal la magac baxay Neck out Operation
of Somalia ayey si wadajira u fulin doonaan
Ciidamadda Cirka ee Mareykanka,kuwa dowladda,Ahlusuna
iyo Ciidamadda Amisom.sida laga soo xigtay Saraakiil
lagu kalsoon yahay oo Somali iyo ajnabi isugu jira.
Labada Shariif waxay beesha Caalamka saareeysaa cadaadis
dheeraada,waxaana shaki badan hareeyay socdaalka Madaxweyne
Shariif ku jooga dalka Ingiriiska.
Ila wareedyo ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo diblomaasiyiin
reer Galbeeda ayaa laga soo xigtay in laga saxiixaa
qorshe Midowga Yurub horboodaa,laguna doonaa in Maxmiyad
shan sanadood la geliyo dalka Somalia si loo meelmariyo
hindisaha Melleteri ee Ciidamadda Mareykanka kaga qeybqaadanayaan
dagaal lagu ciribtiro Maleeshiyaadka Al Qaida ee ku
sii xidideeysanaa gudaha Somalia.
Lama ogga in Madaxweyne Shariif saxiixi doono hindisaha
lagu godoominaa Somalia hasse yeeshee Midowga Yurub
waxay xusul duub xoogan ugu jiraan sidii Kursiga Madaxweynenimada
Somalia loogu fariisan lahaa Korneyl Nuur Cadde oo sanad
iyo bilooyin ka hor hayay xilka Ra'isulwasaarenimada
Somalia.
Warbixin laga diyaariyay Madaxweyne Shariif Afgaduud
iyo saaxiibkiisa Shariif Sakiin ayaa lagu qeexay in
dhaqaalahii loogu talagalay inay kula dagaalaan Al-Shabaab
ay ku tagri faleen,una adeegsadeen dagaalo siyaasadeed
ay kula jiraan madaxda sare ee dowladda Federalka Somalia.
Shariif Sheekh Ahmed oo siyaasadda ka soo galay maamulkii
Mohamed Dheere ee Magaalada Jowhar,gobolka Shabeeladda
dhexe wuxuu noqday nin ka hoos maray hankii beesha Caalamka
u qabtay,waxaana sidoo kale lagu eedeeynayaa ballan
xumo,go'aan jilacsanaan iyo ku xadgudbid awooda Xafiiska
Ra'isulwasaaraha.
Socdaalka Shariifka ee UK,uuna kula kulmay Raisulwasaare
Brown wuxuu muujiyay sida meesha looga saaray awoodii
Ra'isulwasaarre Omar Cabdi Rashiid maxaa yeelay dalka
Ingiriiska marka tusaale laga dhigto waxaa ugu sareeya
boqorada oo u dhiganta Madaxweynaha dalka.halka shaqada
fulintana uu leeyahay Ra'isulwasarre Brown.
Diblomaasiyiin diiday in magacooda la xigto ayaa Waagacusub.com
u sheegay in Shariif Sheekh Axmed lagula xaajoon karo
inuu iskaga tago Xafiiska Madaxweynenimada si loo xulo
shaqsi kaga firfircoon siyaasadda,
Shariif Afgaduud markii la gelayay doorashadii Jibouti
wuxuu beesha Caalamka uga baxay axdi dhigayay inuu xilka
Madaxweynenimada uga haro Amb Nuur Cadde hasse yeeshee
wuxuu ka faa'iideeystay jaaniskiisii ka dhigayay Madaxweyne
maadama uu baarlamaanka ku lahaa 275 Xildhibaan oo isaga
gacantiisa iyo maskaxdiisa ku xushay.
Mareykanka waxay dagaal la galeen taageerayaashii SNA
ee Somalia,waxayna duqeeyn dhinaca cirkaa ku dileen
boqolaal ku shirsanaa guri ku yiil Banadir Mogadishu
laakiin ugu dambeyntii waxay dalka ka baxeen iyagoo
guuldaro xambaarsan.
Gantaalo ayey la beegsadeen Saraakiil ka tirsan AL
Qaida sida Adan Xaashi Ceyroow oo Bishii May ay gurigiisa
ugu geeyeen gantaal uu ku dhintay,kuna baxday lacag
kor u dhaafeeysa lix Milllion oo dollarka Mareykanka.
Saleh Nabhani,oo ahaa ninkii ugu sareeyay Al Qaidada
geeska Africa ayey weerar Melleteri ku qabteen isagoo
dhaawaca xilli uu ku socday jid ku dhaw Warta Roobow
ee gobolka Shabeeladda hoose hase yeeshee waxaa jiray
gantaalo fashilmay,oo ay hore ugu tuureen baro ku yaal
gudaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee,awooda sare ee dowladii lagu
dhisay Jibouti waxay tahay mid ku jirta gacanta labada
Shariif,waxayna taasi meesha ka saartay magacii hore
loogu waqlalay ee dowladda Midnimada Qaran ee Somalia.
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download