Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:- Hawiye iyo Isaaq ma garan mana garwaaqsan.

09 May 2013 Waagacusub.com-Dagaalkii Xadka iyo Xawaaraha 1991 waxay Jabhada USC {Hawiye} qabteen Diiriye Mohamed Siyaad Barre ,waxayna daqiiqado ka hor dileen Korneyl magaciisa la iigu sheegay Caanageel una dhashay Mareexaan.
Diiriye Mohamed Siyaad Barre oo dableey u dhalatay beesha Xawaadle qabteen,aniga iyo nin kale oo odaya ayaa isku duubnay,waxaana isu dhignay rasaastii la ridayay ee dhinacyadeena ku dhaceysay taas oo micnaheedu ahaa in nalagu cabsi geliyo.


Diiriye Siyaad Barre in la dilo waxaa rabay Jabhadii SSDF Majeerteen iyo tii SPM Ogaadeen,waxaa kale oo mar walba dilkiisa ku talinayay ina Abshir Haabaan laakiin ugu dambeyn isagoo bad qaba ayaan ambabixinay.
Maalintaas ilaa maanta marna qalbigeyga kuma soo dhicin in qof loo dilo heybtiisa iyo ama hebel baa dhalay laakiin hadii aan dhaho qabyaalad ma aqaano waa been maxaa yeelay waa tan nalagu abaabiyay,waa tan qofkasta oo Somalia dhiiga iyo lafaha uga jirta.

Qabyaalada igu jirtaa maaha mid ku saleeysan inaan qabiilkeeyga ama qof i xiga ugu hiiliyo Cadaalad daro laakiin waa inuu dhiigeeyga yahay,wixii garana ku garab istaago,gardaradiisa gelin dharaareed ku garbaasho,ugu naxariisan,ugana damqin.
Weligeey waan qabay in laga dhiidhiyo dulmiga,waligeey waan qabay in lagu duulo,lala dagaalo,lana rido hogaamiye kaligii talisa,cadaalad daran ama qabiiliya .waana sababta aan idinkaga arartay faaladaan aan ku tilmaami karo tii ugu xasaasiyada badneed ee aan nolosheeyda qoro.hadaba waxaan ku bilaabayaa:-
DHAB KA HADAL,KU DHAQAN AMA DHAYALSO.
Hawiye iyo Isaaq ma garwaaqsana in guluf kastooy gardaro u galaan uga guuleeysan karin jufo ka mida beesha Jareerweyne ,iskaba dhaaf beelweeynta Daaroode,
Hawiye iyo Isaaq ma garan mana garwaaqsana in dhbka oo idil meesha laga dumayo tahay Garowe,qofka dumayana uu yahay Abdirahman Faroole.
Hawiye iyo Isaaq ma garan mana garwaaqsan inay danta Faroole fulinayaan hadii xaalkoodu yahay in la isku duubo Daarood maxaa yeelay beelaha Daarood dulmi iyo inay u dagaalamaan degaan aysan laheyn kama sina.
Faroole iyo inta badan siyaasiyiinta beeshiisa Puntland oo ka careeysan in la siin waayay Jagada Ra''isulwasaraha Xukumadda Federalka Somalia ayaa hurinaya xiisada Jubaland laakiin nasiibdaradu waxay tahay in Siyaasiyiinta Hawiye iyo Isaaq garan waayeen inay dilaaciyaan halka malaxdu jiifto.
Hadii Faroole Jaceyl u qabo Daarood degaanadiisa uma diideen in lagu daweeyo dhaawacyadii Dhulbahante ,wuxuuna qoriga u qaadan lahaa inuu garab istaago isagoo dunida u sheegaya in Isaaq ku duuleen dad u dhashay Daarood.
Hadii Faroole iyo Siyaasiyiinta beeshiisa run ka tahay Daaroodisim kama caroodeen maxaa Ra''isulwasare loo siiyay Nin u dhashay beesha Mareexaan.
Hadii Siyaasiyiinta Majeerteen muxubo Daaroodnimo ku jirta Jabhadii SSDF uma sameeysteen sidii loo ridi lahaa Kacaankii Mohamed Siyaad Barre maxaa yeelay Madaxweynahiisaba wuxuu ahaa Daarood.
Faroole wuxuu ahaa ninkii Raggii Ogaadeen u dhiibi jiray Amxaarada ,waxaana xasuusin mudan maalintii laga wareeystay BBC inuu yiri " Ogaadeen dalka Somalia uma dhalan laakiin waa Somalida Kenya iyo Ethiopia,waana ku hadlaan af Somaliga"
Hadii Dad Daarood jecel degaan Puntland maxaa loo waayay Siyaasi hadalkaas guracan ee ilhanaada ku naqdiya Faroole ,maxaase loo waayay shacab ka dhiidhiya in ragga Ogaadeen sida ARIGA loogu daabulo Xabashida.
Hadii Daarood la colaadiyo waa sidii Faroole rabay hadiise Hawiye iyo Isaaq dadka la degan si wanaagsan ula sameeyaan awood qeybsi,ixtiraam iyo Cadaalad waxaan hubaa inay Somali guul ka gaari doonto.
Qofka Somalia maanta qalbigiisa Malax,cuqdad qabyaaladeed baa buuxda,hadana wuxuu afka baarkiisa leeyahay qabyaaladu ma wanaagsana.
Intaan qormada u gelin anigu waxaan ku talin lahaa qofkastaba malaxda qalbigiisa buuxda ha dilaacayo,wixii uu qabana ha sheego,waa jidka qura ee Somali ku heshiin karto laakiin inta qalbiga laga yahay qabiil,afkana laga laga sheeganaa QARAN,WALAAHI DOOW MAAHA,DAN-NA NOOGUMA JIRTO.
Siyaasiyiinta Hawiye kama muuqato horumar degaan iyo faham siyaasadeed halka kuwa beesha Isaaqna ku xuurteeysan yihiin Loolan xisbiyo iyo raadin qadiyad madaxbanaani.
Halkii Maamul ee saamiga ugu badan Hawiye lahaayeen kana qeybgeli jiray shirarka Caalamka maanta waxaa ka muuqata inuu khilaaf galaaftay,waana Galmudug State.
Siyaasiyiinta beelweynta Hawiye midkoodna ma garan in marxaladii ugu adkeed wajaheeyso beelweynta Hawiye sidaas darteed ma garwaaqsan inay si wadajira uga hortagaan dibin daabyada Faroole uu doonayo inuu kula wareego dhulka Hawiye.{"Nin Isaaqa ayaa igu dhahay South Sudan waa la aqoonsaday anagana waa nala aqoonsanayaa dhawaan"} Dabaal iga dheh kaas ,South Sudan Gaalo waaye,adna Muslimaad tahay,ma gaalada kula degan Geeska Afrika ayaa ogol in sedex Jamhuuriyadood oo Muslimiin Somalia la fariistaan kursiga.
Hawiyaha inaysan Garwaaqsan arrimaha guracan waxaa ka marqaati kacay Duqa Magaaladda Muqdisho Mohamed Ahmed Tarsan oo aamusnaan dheer kadib ku hadlay luqadii Faroole ,isagoo sheegay in Muqdisho la kala xigin,Caasimadana Somali wada leedahay.
Sheekada yaabka badan waxay tahay ma dhulka Hawiye oo kaliya ayaa Somali wada leedahay ,kan qabiilada kalena waa gaar???.
Muqdisho waa Caasimadda Jamhuuriyadda Somalia waana degaan Hawiye sida Hargeysa u tahay degaan Isaaq,Borama u tahay Degaan Samaroon,Garowe u tahay degaan Majeerteen.sidaas darteed ilaahbaa ka dhigay Caasimadii dalka,nasiibkeedaa noqday laakiin micnahu maaha in la wada leeyahay.
Inkastoo dadka beesha Isaaq maanta niyada kala jiraan Hawiyaha hadana siyaasiyiintooda waxay badankood aaminsan yihiin in guusha Hawiye tahay guuldaradooda tusaale ahaan kuma faraxsana horumarka Muqdisho.
Hadii Muqdisho nabad noqoto badankoodu waxay la tahay Hagardaamada Hargeysa laakiin marna la isma weydiin hadii Jig jiga,Garowe,Gaarisa iyo Kismayo isku xirtaan ,oo riyada Faroole rumoowdo halka ay mari doonaan Isaaq iyo Hawiye.
Marna xil la iskama saarin in laga hortago ilhaanada iyo isla weynida Faroole.
In Faroole oo jooga Garowe haweesto Kismayo waxay ka marqaati kacday liidnaanta Hawiye iyo Isaaq maxaa yeelay waxaa hankiisa oo dhan lagu wiiqi karay in shan boqol oo wiil lagu aruuriyo Koofurta Galkacyo kadibna ay xira taraar ku tagaan Garowe ,si la mida dagaalkii Nus qiyaamo 1991.
Tan micnaheedu maaha in la laayo shacabka Majeerteen ama la bililiqeeysto hantidoodu balse bar tilmaameedku wuxuu yahay in beesha Faroole garwaaqsan weyday in afxumada Madaxweynahooda ku waayeen Raísulwasare,maantana uu qasbay in Garowe laga soo qabto maadama ay gefkiisa joogtada noqday ka wada aamuseen,taas oo micnaheedu yahay inay uga raali yihiin.
Dadka qaar ayaa lagu qalday in Colaadu gaarsiisan tahay Daarood,Irir laakiin taasi run maaha maxaa yeelay Mareexaan-kii shalay lala galay Dagaalkii qaldanaa maanta waxay ogol yihiin Somalinimo iyagoon cuqdad Hawiye iyo mid Isaaq qabin.
Hadii aad hadalkeeyga u qaadatay qalad waxaad ogaataa in Mareexaan beel Soomaaliyeed yihiin ,loona dilay ,loona qaxiyay inuu ka dhashay Mohamed Siyaad Barre ,hadana maanta Calanka ma diidin,midnimo ma diidin,inay hoos tagaan Madaxweyne Hawiye u dhashayna ma diidin,waxaan ula jeedaa kuma doodin ,shalay ayaad diideen ninkii naga dhashay anaguna kiinaan diidnay maanta!
Ogaadeenkii shalay uu Gudoomiyahii USC Jeneral Caydiid ka dardaarmay ee nagu yiri Nin Ogaadeena ninkii dilo waa loo dilayaa,weligoodna aan qaxin,lana dhicin maanta waxay hoos tageen badankood Faroole iyo Ahmed Madoobe oo Al-Shabaab waxba dhaamin,kaba sii darane waxay doonayaan in Kismaayo laga xukumo Kenya
Anigu wali waan qabaa inaan Ogaadeen la colaadin ,lagu duulin lana dilin balse runta loo gudbiyo bulshada maadama ay beel ahaan wax ka degaan Jubooyinka.
Ogaadeen waa Qaran ee qabiil maaha ayaan ku jawaabi jiray marka la iga wareeysto maxaa yeelay waa qabiilka ugu kuraasta badan Ethiopia iyo Kenya.waxaana ku soo garaadsaday inaan dadka isu xigno.
Ogaadeenka waxay beelaha Soomaaliyeed uga wanaagsanaayeen waligood dakano Daarood iyo Mid Hawiye looma dilin ,sidaas darteed waa ila wanaagsan tahay inay maantana cadaawad qabiil ku lug yeelan.
Anigu waan ku talinayaa in Isaaqu ilaaliyaan xaquuqda Dhulbahante maxaa yeelay ,guul lagama gaaro kibir qooq iyo gardaro la mida tan Faroole iyo Raaskambooni.
Aniga waan ku talinayaa in Irirnimo hadeey dhab tahay Ciise iyo Isaaq ka bixiyaan raali gelin iyo Magdhaw xaqdarada iyo gabood falka lagula kacay Samaroon.{Macalimiintii lagu laayay intii u dhaxeysay Dila iyo Gabiley- Xasuuqii seemaal-Xagxagashada Saylac}
Anigu waan ku talinayaa in qof Somalia loo dilin qabiilkiisa balse Faroole loogu tago Garowe,
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa hadii uu diiday Faroole Nabad ku wada noolaansho,uuna ka hari waayay Naceyb Hawiye Iyo Isaaq maxaa diidaya in xaajada lagu dhameeyo xigmadii Abwaan Sangub ee laheeyd HA ISRAACDO DIIDEE ,HA IS RAAMSATEE DAA.
Anigu waan ku talinayaa in Hawiye ku tashan Madaxweyne Garguurte .inta uu jeebka ugu jira DAMU JADIID.
Anigu waan ku talinayaa in Mudulood {Abgaal Cismaan} la weydiiyo sababta Hogaamiyeyaashoodii isu bedelay Madaxtooyadda Somalia uga maarmi waayeen shaqsiyaad aan ugu magac daray {Yac Yacood}

Shalay Madaxweyne Shariif waxaa talada u hayay Shariif Sakiin oo sheegta inuu yahay Asharaaf,maanta Hassan Garguurte waxaa talada u haya Farah Topaz oo hore u dhihi jiray Sheekhaal Reer Aw Xasan baan ahay maantana leh waxaan ahay Asharaaf.
Madaxda Mudulood miyaanu ceeb ku aheyn inay Qaranka loo igmaday ku hogaamin waayaan Maskaxda rabi siiyay ,masiirkii umadana madiidin uga dhigaan maalin kastaba YAC YACOOD Hiil iyo Hoo midna aan ku tari Karin.
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa in Madaxweynaha la doortay taladiisa guto,meeshana laga saaro Sakiin iyo Topaz. {Farah Topaz oo ka dhigan Muwaadin xaq u leh inuu beeshiisa metelo waa inuu ku koobnaado Wasiirka Madaxtooyada ,mana la qaadan karo inuu awooda Madaxweynaha ku dhibaateeyo beelo Soomaaliyeed ama ku dhaco hantida Qaranka kadibna taariikhdaas Hawiye loo qoro inuu falay Madaxweyne u dhashay Hawiye}
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa in Hawiye maanta mid qura noqdaan oo sida qabiilada kale uga tashadaan Aayahooda.
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa in Ubadka iyo ardayda Hawiye ku dhamaan Tahriib ama sii ahaan looma ooyaan.
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa in Wiilka ama Gabadha Hawiye isweydiiyaan maxaa diiday in Degaanka Balaaran ee Hawiye yeelan waayo maamul,gobolka Barina yeesha Maamul?
Erayadaan waxaan u adeegsanayaa beesha Faroole oo la waayay nin ka bixiyo raaligelin afxumadiisa.caaydiisa iyo hanjabaadiisa joogtada noqotay.
Tan macnaheedu waxay tahay in %70 dadka reer Puntland rabin Nabad ku wada noolaansho.
Nabada uu rabin wiilka Dekadda Boosaaso dhaqaalaha ka soo baxa nabada ku cuno,wiilka Daaraha quruxda badan ka dhistay lacagtii uu afduubka Maraakiibta ka helay,muxuu ka falayaa wiilka Hawiye ee qaraxa iyo colaada ku asqoobay.
Hawiye iyo Isaaq hadii aysan xilligaan go-aan Colaadeed uga jawaabin Gardarada Faroole ,waxaan si kooban u leeyahay MA GARAN MANA GARWAAQSAN ?
Xaqiiqadu waxay tahay hadii ay dhab tahay Iririsim-ka ,waa in Hawiyaha degan Jubooyinka loo gurmado iyadoo gurmadku aheyn colaad balse beelaha la dega loo gogol dhigto,lana fahamsiiyo qiimaha nabad ku wada noolashaha iyo cadaaladu leedahay,waana in Faroole qoriga Caaradiisa lagula hadlaa.iyadoo Maxkamad la taagayo kuwa u shaqeeya ee Irir ku abtirsada.
Dadka u dhashay Hawiye iyo Isaaq ee jidadka la taagan waxaa gaashaanbuur sameeysanaya Daarood,waa inay cafis weydiistaan beelah Daarood ee gardarada Faroole og,sida Mareexaan-ka oo qadiyad Somalinimo iska taagay.
Tan ugu daran ee Somalida heysato waxay tahay inaan la qiimeen qofka nabada iyo wanaaga raba ,qofka Somalinimada ku weyn tahay balse la qiimeeyo kan fidnada wada ee qoriga caaradiisa ku faanaya waana sababta Madaxweyne Hassan Ulusow u tegay Garowe.Isagoon tegin Borama ,Guriceel ama Buhodle.
Somalia waxa dunshay,waxa daleesha dhigay waa in hogaamiye QARAN loo difaaco heyb qabiil ,iyadoo qaladkiisa laga dhigaya sax.taas waxaan ula jeedaa inaan Madaxweynaha Dowladda Somalia Hassan Garguurte lagu difaacin gefkiisa shaqsi maxaa yeelay uma dhaaran qabiil laakiin Qaran Soomaaliyeed ayuu u dhaartay.
Hadii Madaxweynahu aaminsan yahay inuu beelo Soomaaliyeed ku dhibaateeyo ama ku xaqiro awoodiisa Dowladnimo ,waa muhiim inaan laga yeelin,oo runta la taabsiiyo.
Allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre Madaxweyne ka awood badan Jamhuuriyada Somalia kama talin ,waxaana galaaftay Cadaalad daro.waana in la qaato maahmaahda leh "QALADKU WAA MACALIN"
Dardaarankeeygu wuxuu yahay "BEELEEY HADAL ,OO HOGAAMIYAHAAGA QALDAN RUNTA U SHEEG SI LOO GAARO ISJACEYL IYO HORUMAR"
Waa iga dardaarane beel yaheey ku faanta laandheerenimada ,haku fikirin duulaan gardaro,hana duudsan xaqa beesha kula degta .
Waa iga talo,WAXAAD SHALAY KA DAGAALTAY MAANTA BEELAHA KULA DEGA HAKU DIRQIN,WIXII DAGAALKA DHALIYANA DIB HANOOGU CELIN.
HA NOQON,DULMI DIIDOO,DULMI DOORTAY!

Fiiro gaara: Kelmada Siyaasiyiinta Majeerteen waxaan xaal ka siinayaa afar Siyaasi oo mar walba igu qasba inaan dartood uga aamuso gefka joogta noqday ee siyaasiyiinta beeshaas,afartaasna nin waa dhintay allaha u naxariistee waa Saaxiibkeey Yaasiin Tolwaaye,sedexna waa nool yihiin waana Al Haji Mohamed Yaasiin Ismaaciil,Abdi Abdulle Saciid Jiniboqor iyo Abdishakuur Mire Adam Cobol.

Sedexdaan nin ee nool ilaahbaa qabiil ka dhaliyee,run sheegistoodu waa mid aan qalbigeeyga marna ka go''i doonin.
By Dahir Abdulle Alasow
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor in Chief of waagacusub.com,member of European Journalists and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
dahiralasow@asoj.org
http://.dahiralasow.com

Tel:+31684863567
Skype : dahir.alasow
facebook.com/dahir.alasow
twitter.com/somjournalists

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3