Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews :-Godane oo sheegay in hooyadiis hadalkii gabtay markii gurigeeda lagu argagixiyay

09 June 2013 Waagacusub.com-Baashe Cabdi Godane oo ay walaalo yihiin Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo dhawaan waraysi siiyey Wargeyska Globe & Mail ee ka soo baxa dalka Canada sheegay in dhibaatooyin badani soo wajahaeen qoyskooda Reer Godane walaalkii Axmed dartiis.


Baashe Godane wuxuu sheegay in xukumada Somaliland xabsiga u taxaabtay laba wiil oo ay walaalo yihiin kuwaas oo xidhan muddo laba bilood ku dhawaada,ilaa haddana wax denbiya lagu soo oogin,wuxuuna labadaas wiil macagooda ku sheegay Cali iyo Mukhtaar Cabdi Godane.

Baashe Godane u sheegay wargeyska Globe $ Mail in Hooyadii oo ah qof waayeela ahi hadalkii gabtay argagax iyo naxdin ay ka qaadey hawl-gal Booliisku ku qabanayeen ama ku xidhayeen walaalkii bishii may 2013-ka
Baashe wuxuu sheegay inuu yahay Baagamuundo ,aanay jirina cid shaqaaleynaysa,wuxuuna intaas ku daray in marka qof kastaaba ogaado inay Axmed Cabdi Godane walaalo yihiin inuu shaqada u diido.
Geesta kale wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo isna wareysi siiyey wargeyska Globe ana Mail ayaa sheegay iney weli wax denbi ah ku la’ yihiin wiilasha ay xidheen ee Axmed Cabdi Godane walaala yihiin oo aan ka ahayn inay Axmed Cabdi Godane la dhasheen,wuxuuna intaas ku daray inaanay ilaa hadda u haynin wax denbi ah iyo cadaymo toona balse baadhis ku wadaan xabsigana ku hayn doonaan muddo 90 cisho.
Isku soo wada duuboo hawlgalkan lagu qabtay labadaa wiil ee Cali iyo Mukhtaar ee Axmed Cabdi Godane walaala yihiin ayaa la fuliyey ama dhacay ka dib markii Madaxweyne Siilanyo ka soo noqday safar uu muddo ku jooga dalka Maraykanka halkaas oo la sheegay inuu kulamo kula soo yeeshay saraakiil sarsare oo ka socota waaxda la dagaalanka argagaxisada iyo sirdoonka Maraykanka.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3