Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Daawo basaaskii Madaxtooyadda Somaliland oo lagu deray ergadda Dowladda Somalia.

09 July 2013 Waagacusub.com-Ergaygii Madaxtooyadda Somalia u qaabilsanaa xiriirka iyo basaasida Dowladda Federalka Somalia ayaa markii ugu horeeysay wuxuu ka qeybgalay wada hadalada Dowladda federalka iyo Maamulka Siilaanyo uga socda dalka Turkiga.

Ninkaan oo lagu magacaabo Faarax Giindhe una dhashay beesha Hawiye,Habargidir, Ceyr,Habar eji,Reer Maxamed wuxuu shirka Turkiga ka soo muuqday isagoo fadhiya safka ergadda Dowladda Federalka Somalia kadib markii lagu deray.
Inkastoo Gudoomiyaha Xisbiga UCid Faysal Cali Waraabe shaki geliyay in Faarax Giindhe yahay basaas Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan Dowladda Federalka Somalia ,hadana wuxuu xaqiijiyay in Mr Giindhe Xuseen yahay ergayga Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland u qaabilsan xiriirinta Villa Somalia.

"Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mr Xersi Xaaji Cali markaan weydiiyay ninkaan Faarax Giindhe wuxuu ii sheegay inuu Dowladda Federalka Somalia u basaasayo hasse yeeshee anigu waxaan weydiiyay {MA ANAGUU NA BASAASAA MISE FEDERALKA AYUU SOO BASAASAA,WAAR MANAGA HUBTAA ARRINTAAS}" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay ninkaan.
Faarax Giindhe oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda Hawiye ee Somaliland wuxuu ka ganacsadaa qudaarta uu geeyo Hargeysa gaar ahaan Mooska.
Faarax Giindhe wuxuu toos ugu xiran yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji waxaana la xaqiijiyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu mushaarka badan Maamulka Siilaanyo.
Saraakiisha Nabadsugida Madaarada Berbera iyo Hargeysa waxay Waagacusub ugu xog warameen in Faarax Giindho uu safaradiisa sii sagootiyo,soona dhaweeyo Wasiir Xersi,iyadoo la rumeeysan yahay inuu ka shaqeeyay hoowlo culus shantii sano ee ugu dambeysay.
Faarax Giindho wuxuu ka mid ahaan jiray golahii shuurada ee Maxaakiimtii Islaamiga,wuxuu ka soo galay xaga Al-Shabaab laakiin waqtiyadii dambe wuxuu ku biiray Xisbigii Burburay ee Xasan Dahir Aweys.
Faarax Giindho oo weli degan Hargeysa wuxuu saaxiibadiis u sheegay inuu ku hoowlan yahay sidii Somaliland ula midoobi laheyd Somalia,wuxuu sidoo kale tibaaxay in heshiis ganacsi uu dhexmaray Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali iyo Wasiirka Madaxtooyadda Villa Somalia Faarax Sheekh Cabduqadir.
Heshiiska ganacsi ee labada Wasiir kala saxiixdeen waxaa ugu weyn saami dhan %20 in Faarax Sheekh Cabduqaadir laga siiyay Somtel Telecom .
Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir walaalkiis Ahmed Sheekh Galool ayaa loo magacaabay Maamulaha Somtel Telecom Koofurta Somalia.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3