Topnews:-
Madaxweyne Siilaanyo iyo Taliye
Nuux Taani oo Car iyo wir ku kala tegay.
10 December 2011Waagacusub.com-Madaxweynaha Somaliland
Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo taliyaha Ciidamadda Milliteriga
Somaliland Nuux Taani ayaa ku kala tegay Car iyo Wir
ka gadaal markii Nuux Taani ka biyo diiday amar uu Siilaanyo
ku siiyay inuu soo qabto 8 nin oo ka tirsan Ciidamadda
Nuux Taani kuwaas oo dilay Macalimiintii Samaroon ee
Jaamacadda Camuud iyo qoyskii Seemaal lagu miray.
“ Warqadaan waxaa ku qoran 8 askari
magacyadooda kuwaas oo ka tirsanaa raggii dilay Macalimiintii
Samaroon iyo qoyskii Seemaal sidaas darteed waxaan ku
amrayaa inaad soo qabatid oo Ciidamadda Boliiska ku
wareejiso si Maxkamad loo saaro ,looguna fuliyo xukunkooda”ayuu
Madaxweyne Siilaanyo ku yiri Taliye Nuux Taani.
Taliye Nuux Taani ayaa Siilaanyo ugu jawaabay “
Amarkaan waa kii aan Dahir Reyale ka diiday,waxaan kuu
sheegayaa inaana wiilasha Sacad Muuse loo qisaasi doonin
dhiig Samaroon, horta miyaadan ogeyn sida reer Nuur
u galeen reer Xareed mise kursigaaga ayaa kaala qaalisan
dhiiga reer Xareed”
Siilaanyo oo careeysan ayaa ugu jawaabay” Aniga
luqadaas igulama hadli kartid ee 8-da askari soo wareeji
ama Warqadaada iscasilaada iila kaalay berito”
Nuux Taani oo qoslaya ayaa si kooban ugu jawaab celiyay
“ Miyaad ogeen in Ciidanka Qaranka Somaliland
%85 yihiin Sacad Muuse,miyaadan ogeen inaan ahay ninka
kalsoonidooda heysta ee kursiga kugu ilaalsho “
Siilaanyo ayaa fadhigii kulanka ka istaagay wuxuuna
ku yiri “ Hadaad Kursiga igu heyso Taaniyoow
beribaad ogaan inshaa allaah”
Masuuliyiin la fadhiyay oo aan Warbixintaan ka soo xiganay
ayaa Waagacusub u sheegay inay ku guuldareeysteen waan
waantii ay labada dhinac ku dhex dhexaadinayeen.
Nin ka tirsan raggii fadhiyay Kulanka Siilaanyo iyo
Taani ayaa yiri “ Wuxuu Nuux Taani ka baxay
Ilinka qolka isagoo leh, qofkaad I mooday baan ahay
hadaad kursiga Madaxweynenimada ku sii fadhisid ee car
afkaada halaga maqlo Nuux Taani ayaan xil ka qaaday”
Xeeldheerayaasha Milliteri ayaa saadaaliyay inuu Nuux
Taani ku dhiiran karo inqilaab Milliteri maadama uu
gacanta ku hayo Ciidamadda Melleteriga Somaliland oo
beel ahaan u badan beesha uu ka dhashay ee Sacad.
Reerka Ahmed Siilaanyo ayaa xiriir la sameeyay hogaamiyeyaasha
dhaqanka Samaroon waxayna u sheegeen wixii kala qabsaday
Madaxweyne Siilaanyo iyo Nuux Taani.sida ay Waagacusub
ugu xog warameen qaar ka mida Salaadiinta reer Awdal.
Inkastoo Dahir Reyale Kaahin hore xilka uga qaaday Nuux
Taani arrimo la xiriiray gumaadkii Macalimiinta Jaamacadda
Camuud hadana hogaamiyeyaal dhaqameedyada beesha Nuux
taani oo shir ku qabtay Hargeysa ayaa taliyaha si adag
u difaacay.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download