Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Topnews:- Jabhada Gadabiirsiga oo jirdilay Wasiiru Daakhiliga Somaliland

10 December 2011 Waagacusub.com-Wariyeyaal ka tirsan Waagacusub Tv oo Video ka duubayay degaanada Ruqi,Ceelbardaale iyo Seemaal oo ay isku aruursanayaan Maleeshiyo beeleed la baxay Jabhada difaaca Gadabiirsi ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mohamed Nur Caraale (Duur) ku sigtay inay toogtaan Maleeshiyadaas.

Wariyeyaasha oo Video ka duubay Maleeshiyo beeleedka Gadabiirsi oo qori afkiis ku garaacaa Wasiir Duur ayey dhacdada la yaab ku noqotay.

Wasiiru Daakhiliga Somaliland oo watay ilaalo gaara ayaa u baxay degaanka Ruqi ee Magaaladda Baki halkaas oo ay ku jiraan boqolaal ka tirsan Jabhada Gadabiirsi ee ka carooday gumaadkii lagu laayay qoys deganaa tuulada Seemaal.
Maleeshiyo beeleedka ayaa Wasiir Duur iyo ilaaladii la socotay rasaas huwiyay hasse yeeshee Wasiirka ayaa ka degay gaariga isagoo gacmaha madaxa saartay.kuna dhawaaqay nabad baan idinkugu socdaa.
Wasiir Duur wuxuu Ciidamadii la socday ku amray inay rasaas ridin kadibna wuxuu dhinacii Jabhada u lugeeyay ,iyadoo darawalkiisana gaariga daba waday.
Nin saarnaa Buurta Ruqi dusheeda ayey Wariyeyaasha Waagacusub sheegeen inuu Wasiir Duur ku yiri “ Dib u laabta adiga iyo Ciidanka kula socda”
Wasiir Duur ayaa Ciidamadiisii ku amray inay dib u laabtaan ,kadibna wuxuu galay gaarigiisii oo ula dhaqaaqay taliska Jabhadda.
Dagaalyahano lixaadleh ayaa Wasiirka ku yaacay ,waxaana isku duubay nin ka mida Jabhada Gadabiirsi kaas oo ku dhawaaqayay inaan la dilin Wasiirka.
Video-ga laga duubay ayaa muujinaya Wasiirka oo leh “ Nabadbaan idinkugu imid,waxaan ahay nin rayida ee maxaad iga dileeysaan,halka cod ka soo baxaya Video-ga laga dhex maqlaa nin leh kuwa guryahooda lagu gumaaday iyaguba rayid ayey ahaayeen”
Video-ga laga duubay Wasiir Mohamed Nuur Caraale (Duur) oo aad ka daawan doontaan Waagacusub Tv wuxuu muujinayaa Darawalka Wasiirka oo gaarigii lagala degay iyo Wasiirka oo leh “Ninkaasi maaha Sacad Muuse waxaa la yiraa Cali,Hadaad doontaan dila,ogaadana waa nin Habar Yoonisa”
Wasiirka nin dheer ayaa ku dheganaa kuleetiga shaatiga kaas oo laga celinayay inuu dhinaca qorax u dhaca u jiito,wuxuuna hadalkiisa u muuqday nin qalqalsan.
Darawalkiisa waxay Jabhada Gadabiirsi la dhaceen qoriga afkiisa tiro ka sedex jeer,wuxuuna ahaa nin aamusan oo ka kelyo adkaa Wasiir Duur.
Buuq iyo qalqal dheer kadib ayey Saraakiisha Jabhadda iyo Wasiirka wada hadleen.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland wuxuu jabhada Gadabiirsi ka codsaday in 41 Maalmood la siiyo si ay raggii xasuuqa geystay u soo qabtaan.
Yusuf Dayib Maal oo ah taliyaha Jabhada Gadabiirsi ayaa qaadacay codsiga Wasiirka,isagoo u dhiibay fariin la xiriirta inay toogan doonaan hadii ay degaanada Ceelbardaale ku arkaan nin xiran dharka Milliteriga.
Wasiir Duur oo aqbalay mowqifka Jabhada ayaa ka huleeyay ,oo degaanadooda dib uga laabtay.
Wariyeyaasha Waagacusub waxay Video Documentry ah ka soo duubeen jabhada cusub ee Samaroon oo tiradooda lagu sheegay 1235 askari sida uu ku waramay taliyahooda Yusuf Dayib Maal.
Video-ga cusub Waagacusub Tv ka soo duubay Jabhada Gadabiirsi wuxuu muujinayaa iyagoo tababar ku sameeynaa buuraha dushooda,talisyo ay ka sameeysteen Seemaal,Ruqi iyo Ceelbardaale.
Taliyeyaasha Jabhadda waxay sheegeen inay weerar ku yihiin sedex Magaalo oo sida ay sheegeen ay degaan dadka u dhashay Isaaqa hasse yeeshee waxay ka gaabsadeen inay xusaan Magaalooyinka magacyadooda.
Jabhada Gadabiirsi waxay sidoo kale sheegeen inay falal aargoosiya ka geysan doonaan Magaaladda Hargeysa,iyagoo Hay’adaha ajnabiga ugu baaqay inay ka baxaan gobolada Maamulka Siilaanyo.
Yuusuf Dayib Maal oo ah nin ka soo jeeda qoyskii lagu xasuuqay Seemaal wuxuu Wareeysigiisa ku laalay in Jabhadooda ka joogay colaada hadii hogaamiyeyaasha dhaqanka Samaroon sidaas ku taliyaan.
“ Anagu waxaan nahay Jabhad xaq u dirira,kama amar qaadano hogaamiyeyaal dhaqan,waxaana naga go’an inaan dadkeena u aargudno”ayuu yiri Yuusuf Dayib Maal.


Daawo Video Dagaalka Muqdisho= Meydadka Al-Shabaab iyo Amisom



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya



Gala Bingo CASINO BONUSES EUCasino fx Football Manager

Online inta akhrisanee

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasow@mareeg.com
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

Halkaan ka dhageyso barnaamij xiiso badan 1995

Khudbad uu Jeneral Caydiid jeediyay markii Cunaqabateynta laga qaaday

Wareysiyo lala yeeshay Jeneral Caydiid,Duuliye sare Cabdi Cismaan iyo Maxamed Nuur Caliyow 13 Janaury 1992 Dhageyso

Wareysi lala yeeshay Maxamed Siyaad Barre 30-01-1974 Dhageyso

Hees Jeneral Siyaad dhageysan jiray xadka iyo xawaaraha Dhageyso

Jeneral Siyaad khudbad uu jeediyay 25-12-1969 Dhageyso

Wareysi Jeneral Caydiid lala yeeshay 20-01-1992 Dhageyso

Gabay uu Jeneral Caydiid tiriyay oo lagu magacaabo Cawo Dhageyso

Taariikh nololeedka Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane Dhageyso

Wariyeyaasha ugu caansan Somalia oo ilmeynaya dhageyso Part 1

Qeybta 2 aad ee Calool xumida badan halkaan ka dhageyso

Iloobi Meeyno taariikhda,Iloobi meeyso taariikhdu

Questions and Answer about Sheik Mohamud Ow Abdulle Ariif

Email: waagacusub@waagacusub.com ama dahiralasow@yahoo.com
Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso ama Download
Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso ama Download

Sunday Music-Heesahii Radio Mogadishu Dhageyso ama Download

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3