Topnews:-
Warsaxaafadeed ay soo saareen
gudigga xalinta Khilaafka Galmudug+Sawiro
11 Janaury 2012Waagacusub.com- Gudigga xalinta Khilaafaadka
Galmudug oo shaaca ka qaaday in Mohamed Ahmed Caalin
ku gacan seeyray xalkii ay ku doonayeen in lagu soo
afjaro khilaafka isaga iyo Gudoomiyaha baarlamaanka,waxayna
soo saareen warqad u qorneed sidaan
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA Gudiga Xalinta Khilaafaadka Galmudug
Ku: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gal-mudug
Ujeedo: Soo gudbin wax qabadkii Gudiga.
Salaan kadib
Mudane Gudoomiye
Gudigan oo ka koobnaa 13 Xubnood 25/01/2011
ayaa ka yimid Magaalada Muqdisho ee Dalka Somaliya.
Gudigu wuxuu u yimid siduu u xalin lahaa khilaafaadka
u dhexeeya Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Galmudug .
Ugu horayntii Gudigu wuxuu kusoo tashaday inuu Bulshada
reer Galmudug la kulmo waydiiyana suáal kusaabsanayd
sidee loo xalin karaa Khilaafka Galmudug
Wuxuu la kulmay Gudiga Bulshada qaybaheeda kala duwan
sida: Culimada Odoyaasha dhaqanka , Ganacsatada, Dhalinyaradda,
Ciidamada,Haweenka , Aqqonyahanka,iyo Beelaha wax ka
daga Deegaanka Galmudug .
Inta badan Dadwaynaha waxay ku taliyeen in Khilaafka
lagu xalin karo Maxkamada Sare ee Galmudug wixii kazoo
baxana loo hogaansamo. 05/01/2012 Gudigu shir uu yeeshay waxaa
looga dooday sida xal dhex dhexaad ah loo heli karo
waxaana usoo baxay laba qodob 1. In Dhamaan Dawlada la siiyo mudo 3 bilood
(90 Habeen)
2. In lagu xoojiyo Gudiya lashaqeeya Mudadaas kadibna
doorasho la galo.
Waxaan u kala dab qaadnay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka wayna soo dhaweeyeen
xalkaas .
Waxaa goor danbe nasoo wacay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Galmudug wuxuuna noo sheegay in uusan ku qancayn wax
ka yar mudadii 3 sano uga harsanayd Dawlada.
Kadib shir uu markale yeeshay Gudiga waxuu ku goáansaday
in taladaan loo jeediyo Bulshada Galmudug oo ah sidan:
A. In Maxkamada la horgeeyo si ay Goáan uga qaadato
khilaafka
B. In dhamaan bulshadu ay u hogaansato Goáanka
Maxkamada.
Wabilaahi Tawfiiq 1. Prof: Maxamad Faarax Jimcaale Gudomiye
2. S/Gaas Cabdi Xasan Cawale
3. C/qaadir ( Wadaad-yare)
4. Cumar Cali Weheliye
5. Raage Xaaji Dhoore
6. Garaad Ibraahim Sabriye
7. Maryan Dagaari
8. Cibaado Warsame Maalin
9. Muraayad Salaad
10. Foowsiya Adan
11. Qarshi warsame
12. Maryan shire
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org