Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Ururka dabargoynta qabiilka oo xaflad qabtay

Buskerud 11 /May/2008  Waagacusub.com  

Xaflad ay isugu yimaadeen dad aad u farabadan ayaa ka dhacday bartamaha Magaalada Drammen, gobolka Buskerud ee wadanka Norway.



Xafladaasi ayaa waxaa soo agaasimay ururka DQHD SOM ee degen gobolkaas iyo nawaaxigiisa.


Xafladaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay shacabka somaaliyeed ee degen magaalada Drammen oo u badnaa dhalinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdhu soomaaliyeed. Ulajeedada loo qabtay xafladaan wadatay qudbooyinka kala duwan ayaa waxeey aheeyd in lagu wacyigaliyo dhalinyarta iyo bulshada soomaaliyeed ee degen gobolka Buskerud khaas ahaan magaalada Drammen.

Waxaa xafladaan qabanqaabadeeda iyo habeynteedaba iska lahaa ururka DQHDSOM, khaas ahaan maamulka websiteka Faatima Maxamad Daahir (Fanka) iyo inanta reer Drammen ee ka socotay gudiga soo dhaweeynta iyo tababarida xubnaha cusub ee ururka DQHDSOM Shukri Suleemaan (Haboon).



Waxaa halkaas ka hadlay dhamaan xubnaha ururka DQHDSOM ee ka socday maamulka sare ee ururka DQHDSOM oo kale ah:

Gudoomiye ku xigeenka: Hassan Nuradin Abdalla (Hanuuniya)
Xoghayaha labaad: DRs Deeqo Cali Abuukar ( Deeqa Luul) Afyeenka labaad: Muno Cabdi (Laba qarax ) Maamuulka websideka :Fatima Maxamed Daahir (Fanka)
Maamulaha gudiga sportiga : Cabdi Rahiin Mahamed Abdi (Abuu Salma)

Gudiga soo dhaweeynta iyo tababarista xubnaha cusub oo kala ah:

Najmo Maxamuud Geedi (Nafta) iyo Shukri Sulemaan (Haboon).
Xafladaan ayaa eheeyd mid aad u xiiso badneeyd oo aad ay ula qiiroodeen ka soo qayb galayaasha, maadaama dhalinyarta DQHDSOM ay wataan runtiii qudbooyin aad u cajaaib badnaa, oo meeshaas dadkii joogay kiciyay dhiigooda, kagana marqaati kaceen in dhibka ay sheegaan dhalinyartaan ayaga is agaasimay ee ururka DQHDSOM in ay yihiin waxyaabo jira kagana baahan bulshada soomaaliyeed waxqabad degdeg ah.

Waxaa sidoo kale martiqaadkaan ka soo qayb galay gabayaa ka soo jeediyay abwaantii soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Magan. Sido kale waxeey casuumeen dhalinyarta ururka shiikha magaalada Drammen, Shiikh Isxaaq oo asna halkaas ka soo jeediyay muxaadaro ku saabsaneeyd qabiilka iyo aafada weeyninka badan ee u geeystay umada soomaaliyeed .

Erayadii ugu qosolka iyo qiirada badnaa ee runtii xaflada u bedelay mid la yaab leh ayaa waxeey ahaayeen erayadii ay soo gudbisay afayeenka labaad ee ururka DQHDSOM Muna Cabdi Xasan (Laba Qarax) Oo ay ka midka ahaayeen: Soomalida waxeey ku maahmaahda tolka lagama jana-tago! Waxaanse aniga leeyahay somalidu qabiil ma deyso, sanka dhuudhiga niikada ma daayo, sawaxiiligu soorta ma daayo reer Galbeedkuna kufriga ma daayaan!' Ayadoo leh:' Micnahaygu ma ahan in aadna waligiin deyn doonina, ama soomaalida waligee dku dhaqmeyso QABIIL maxaayeelay anagaa u taagan in aan ka tirtirno QABIIL qalbigiina, qalbigeena iyo kan qofkasta oo soomaali ah, inkana dhigi doona soomaali dhab ah, oo aan sheegato aheeyn! Xaasidnimo iyo ishagrasho ku timid sababta QABIIL iyo JAAHILNIMO mardanbe uusan eedsan doonin dudunka QAREENKA SOOMAALIYEED insha alaah!' Intaas kadib ayeey sharaxaad dheer ka bixisay sababta ay kaga soo horjeedaan ururka DQHDSOM qabiilka soomaalida iyo ku dhaqankiisa (qabyaalada), uguna arkaan wax ah dib u dhac iyo hab dhaqankii jaahilintii hore ee islaamka ka hor.



Waxaa kale oo dhacday in xafladaan gudaheeda ay ururka DQHDSOM kula kulmeen dhalinyaro soomaaliyeed oo aan waligood taabanin calanka Soomaaliya oo ah xidigta shan geeska ah iyo midibka cirka. Ururka waxeey u arkeen mucjiso weeyn, taasna waxeey sababtay markii uu ka hadlaayay Maamulaha gudiga ciyaaraha ee ururka DQHDSOM waxa ay tahay wadaniyada in Maamulka websiteka soo isgtaagtay oo tustay dhalinyarta soomaaliyeed iyo dhamaan aqayaartii fadhiyay meesha CALANKA SOOMAALIYA, aad ayaana loogu sabciyay, dad badane waxaa ka yaabiyay micnaha calanka loola istaagay oo loo tusay, maalinkii oo dhane dhalinyarta dhamaan taabashadiisa iskugu heeysteen, oo calamada meesha yaalay dhulka ayaa loo diiday.

Ka soo qaybgalayaasha xafladaan ee u badnaa waxgaradka magaalada iyo dhalinyarta soomaaliyeed ayaa runtii aad ula dhacsanaa qaabka xaflada loo soo agaasimay, iyo qudbooyinka kala duwan ee laga soo jeediyay meeshaas: Waligeey ma arag xaflad nuucaan ah oo looga hadlayo qabiil iyo dhibaatada uu u geeystay dalkeena hooyo 40 sano baan soo noolaaye, hadane ay wataan dhalinyaro sidaan u da'ayar ee ah soomaali asal ah!' hadalkaas waxaa yiri aqoonyahan soomaaliyeed, ee asna ku nool magaalada Drammen, asoo u hanbalyeeynaa dhalinyarta DQHDSOm, kana codsanaa dhalinyarta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ku daysadaan, kana dhigtaan tusaale wanaagsan oo maantay horumar degdeg ah lagu gaari karo. Iyo erayo badan oo iskugu jiro amaan iyo wanaano oo lagu gubaabinaayay ururka, loogana cajbsanaa agaasimka heerka sare ahaa, wada shaqeeynta iyo somaali jaceylka ay kaga hormareen dhalinyarta kale ee soomaaliyeeed dhalinyarta ururka DQHDSOM.

 Waxaana hubaal ah meelkasta oo ay joogaan in ay yihin dad Rabi u dhameeyay heeybo soomaalinimo, una noqon kara tusaale soomaaliga wanaagsan, waxeeyna diyaar u yihiin in ay xataa wada hadal la sameeyaan kooda xumaada, oo ma jiro qof soomaali ah oo ay faquuqi karaan, ileen waxeey aaminsanyihiin 'Fartaada xun filiq kaagama harto'.

Ma ahan marki ugu horeeysay oo ururkaan xaflado nuucaan ah ka qayb qaataan, ama ay soo agaasimeen ayaga. Waxeeyna horay xafladu wacyegelin ah sidaan oo kale ugu qabteen kagana qayb qaateen magalooyinka Oslo iyo Trondheim.

Waxaan mahad gaar ah u direeyna dhamaan dhalinyarta soomaaliyeed ee reer Drammen, iyo gobolka Buskerud ee dalka Norway qaas ahaan kuwii ka qayb qaatay haagaajinta dhinaca farsamada, iyo sida ka so qaybgalayaasha looga farxin lahaa.


Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new