Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:- Hawada Somalia magacee lagu heshiiyay in Hargeysa looga maamulo ?

11 July 2013 Waagacusub.com-Sida lagu qeexay heshiiska Istanbul waxaa Hargeysa laga maamuli doonaa Hawada Somalia hasse yeeshee magaca lagu maamuli doono wuxuu yahay Somali Federal Civil Aviation .
Heshiisku wuxuu dhigayaa in dhaqaalaha ka soo baxa la kala qeybsaday laakiin tani waxay xambaarsan tahay ujeedooyin fog.
Heshiiska waxaa uu dhigayaa in Somaliland mamnuucdo isticmaalka Baasaboorkii hore ee Somalia {Green Passport} si shacabka Soomaaliyeed u isticmaalaan baasaboorka cusub ee E-Passport.

Somaliland waxay hore u mamnuucday inay degaanadeeda geli karaan dadka wata baasaboorka Somalia ee {E-Passport} waxayna fasaxday kaliya baasaboorkii hore ee Cagaarka.
Puntland ,Galmudug iyo Khaatuma State waxay heshiiskaan u arkaan mid lagu xaqiray xaquuqdooda laakiin Madaxda Dowladda Federalka Somalia waxay ku tilmaameen tilaabadii ugu horeeysay ee lagu soo xero geliyay Maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia Abdikariim Guuleed oo saxiixay heshiiska wuxuu yiri “ Heshiiska Hawada Somalia ee aan Hargeysa u saxiixnay waa goolkii ugu horeeyay ee aan dhalinay maxaa yeelay magaca gudigga ku hoowlgelayaan ee Caalamka aqoonsan yahay wuxuu yahay SOMALI FEDERAL CIVIL AVIATION sidaas darteed waa guul,waxaana rajo ka qabaa inay shirka sedexaad ku saxiixaan heshiiska Midnimada Somalia”
Koontada qaadista Canshuuraha hawada waxay sharciyan ku furan tahay Somali Federal Government Civil Aviation {SOFEGOCIA} sidaas darteed waxay ka dhigan tahay in Somaliland qaadatay nidaamka Federalka.

Gudigga Hawada Somalia ee fadhigoodu noqon doono Hargeysa waxaa ka mida Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdikariim Guuleed,Madaxa laanta Socdaalka Somalia iyo Jinsiyadaha Somalia Jeneral Gaafoow iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.
Masuuliyiintaan waxay awood u yeelanayaan inay tegi karaan Hargeysa oo hore looga mamnuucay Siyaasiyiinta ka tirsan Dowladda Federalka Somalia .
Maamulka Siilaanyo waxaa horyaal shaqo culus oo ay suurtagal tahay in dagaal sokeeye ka qarxo maxaa yeelay beelahii shalay lagu laayay qadiyadii Somaliweyn ayey maanta adkaan doontaa sidii looga dhaadhicin lahaa.
Somaliland waxay wajaheeysaa xaalad adag,waxaana culeeska ugu weyn ka dhalan doonaa sida shacabkii 20 sano laga dhaadhicinayay Madaxbanaanida Somaliland maanta loo gelin doona inay qaataan Midnimadda Jamhuuriyadda Somalia.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3