Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ

Wada hadalada dowlada iyo Isbaheysiga Casmara ee Jabuuti ka furmay oo laga hadlay

Jabuuti  12 /May/2008  Waagacusub.com  

Wada hadaladii habacsanaanta hareysay ee Jabuuti ayaa markii ugu horeysay si rasmiya ugu furmay garabyada kala metelaya dowlada Federalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya kadib markii maalintii sedexaad lagu hoowlanaa sidii loo suurtagelin lahaa.

Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan metelin xubnaha wada hadalada uga qeybgalay shirkaas waxayna hoosta ka xariiqeen inay warcad ka soo saarayaan xaaladaha ka dilaacay Jabuuti oo ay ku tilmaameen shirqool siyaasadeed.

" Wada hadalada Jabuuti waa shirqool siyaasadeed,mana jirto cid u wakiilatay kooxaha ka qeybgalay sidaas daraadeed go-aanka xaaladaas waxaan ka qabaneynaa shir Jaraa'id" ayuu yiri masuul sare oo Isbaheysigaas u hadlay.

Xubnaha Isbaheysiga ee ka qeybgalay wada hadalada oo ka mida garabka taabacsan labada Shariif ayaa la soo weriyay inay xalay saxiixeen heshiis dhigayo awood qeybsiga dowlada,waxaana xubnahii hore ee ka tirsanaa baarlamaanka federalka loo ogolaaday kuraastii hore looga qaaday.sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

" Buuq iyo qeeyla dhaan dheer kadib waxaa si cad xubnaha Isbaheysiga loogu sheegay awood qeybsigooda dowlada,waxaana garabka Shariif Xasan loo saxiixay ogolaanshaha inay dib u buuxiyaan kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka"ayuu yiri diblomaasi ku sugan Jabuuti oo Waagacusub ugu waramay khadka telefoonka.

Hindisaha wada hadalka Jabuuti waxaa iska kaashaday Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hore ugu saxiixay heshiis dhigayay  inay dowlada la hadlaan sharuud la'aan kana tanasulaan qodobka dhigayo in amxaarada ka baxdo dalka Soomaaliya.

Ergayga Qaramadda Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Ahmed Ould Abdalla ayaa ka shaqeeyay qorshaha wada hadalada labada dhinac,waxaana si weyn looga dhursugayaa qaraarka ay soo saaraan garab ka mida kooxda Casmara.

Shacabka Soomaaliyeed %75 ka mida ayaa cambaareeyay kooxaha metelaya Isbaheysiga ee ka qeybgalay wada hadaladaas,waxayna ku tilmaameen kooxo dano shaqsiyadeed fushaday.

hogaamiyaasha dagaalka Muqaawimadda Muqdisho ayaa qaadacay ergada Isbaheysiga ee ka qeybgalay kulanka wada hadalada,waxaana Waagacusub la soo xiriiray madax uu ka mid yahay Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.

Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Qatar lana sheegay inuu amray wada hadalka ay ka qeybgaleen xubnaha Isbaheysiga ayaa maalintii Jimcaha wuxuu BBC Somali ka sheegay inay dowlada hor fariisaneyn inta ay Soomaaliya ka baxayaan Ciidamadda gumeysiga Itoobiya.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new