Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Shaqsiyaadka ugu muuqa weyn golaha Wasiirada cusub

12 May 2013 Waagacusub.com-Xafiisyada Madaxweyne Garguurte iyo Ra''isulwasare Saacid ayaa markii ugu horeeysay laga xaqiijiyay qaar ka mida golaha Wasiirada cusub ee la qorsheeynayo in la shaaciyo marka Madaxweynaha ku laabto Muqdisho.


Golaha Wasiirada cusub waxaa ka mida Yusuf Garaad Omar oo loo qorsheeyay in loo magacaabo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka hasse yeeshee lama oga inuu aqbali doono maadama uu leeyahay han hogaan Qaran heer Madaxweyne.

Yusuf Garaad waa aqoonyahan ku hadla Luqado badan ,wuxuuna inta badan si adag uga hadlaa Siyaasadda Somalia.
Saleebaan Xaglatoosiye oo kulan qarsoodiya kula yeeshay London Madaxweyne Garguurte ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Wasiirka Kheyraadka Badda iyo Dekadaha Dowladda Federalka Somalia.
Xil magacaabista Xaglatoosiye wali la iskuma afgaran maxaa yeelay Madaxweynaha wuxuu qabaa in Xaglatoosiye xilka la siiyo si loogu xumeeyo Cali Khaliif Galeydh halka Ra''isulwasarahana uu taas ku sifeeyay mid dhalin karto xiisad horleh,wuxuuna Saacid ku dhegan yahay in Cabdi Kariim Jamac laga dhigo Wasiir.
Madaxweyne Hassan wuxuu Waagacusub u xaqiijiyay in Siyaasi u dhashay beesha Dhulbahante la qorsheeyay in Wasiir laga dhigo si tabashadooda loo xaliyo.wuxuu sidoo kale tibaaxay in tirada golaha Wasiirada la balaariyay.
Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ayaa loo qorsheeyay in loo magacaabo Gudoomiyaha Maamulka KMG ah ee Kismaayo Mr Ahmed Madoobe hasse yeeshee lama hubo inuu xilkaas aqbali doono,waxaase la hubaa in seefta xilka qaadista dulsaaran tahay Wasiirka Warfaafinta Mr Ciilmooge.
Hogaamiyaha kooxda Raaskambooni Mr Ahmed Madoobe kulankii maamul dhisida Jubaland ee Kismayo waa ka baaqsaday laba jeer,waxayna taasi dhalisay shaki fara badan iyo guux laga dareemayo ergada ka qeybgaleyso shirweynaha.
Wasiirada cusub ee ku jira safka hore waxaa ka mida nin magaciisa lagu sheegay Sadiiq Eenow iyo Siyaasiga Mustaf Dhuxulow hasse yeeshee lama oga meesha loo magacaabi doono iyo xilalka loo qorsheeyay.
Wasiiro u badan Damu Jadiid sida Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Mr Abdikariim Dhegajuun ayey seefta xilka qaadista dulsaaran tahay,waxayna tani ka dhalatay Cadaadis beesha Caalamka saartay Madaxweyne Hassan ,taas oo looga gol leeyahay in la bedelo sawirka Dowlada ee muuqaalka Damu Jadiid.
Abdikariim Dhegajuun kama fogaan doono Madaxtooyadda sida la rumeeysan yahay.
Xafiiska Raísulwasaraha hoowlwadeeno ka tirsan ayaa Waagacusub u sheegay in Wasiirada Arrimaha dibadda Fawsiya Xaaji Adam lagu bedelayo siyaasiga weyn ee Prof Ismail Hurre Buubaa hasse yeeshee wax dheeriya lagama helin dhinaca Xafiiska Madaxweynaha.
Prof Buubaa wuxuu degan yahay Muqdisho .
Fawsiya Xaaji Adam waxaa qaati ka jooga hoowlwadeenada Wasaarada arrimaha dibadda iyo Ra''isulwasaraha maxaa yeelay waa qof shaqsiyad ahaan kaligii talisa,qabyaaladuna ku badan tahay.
Dhamaan shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibadda waxay qortay dad u dhashay jufadeeda hoose ee Isxaaq habaryoonis gaar ahaan raaska ay ka dhalatay ee QAASIM.
By Dahir Abdulle Alasow
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor in Chief of waagacusub.com,member of European Journalists and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
dahiralasow@asoj.org
http://.dahiralasow.com

Tel:+31684863567
Skype : dahir.alasow
facebook.com/dahir.alasow
twitter.com/somjournalists

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3