ERIGA
NUUX TAANI Ma dalabkii Salaadiinta Awdal Baa Mise Madaxweynuhu
Wuxuu ku Helay Raad Cad..!
12 December 2011Waagacusub.com-Inkastoo Madaxweynuhu
awood sharci u leeyahay xil-ka-qqadista iyo Magacaabista
masuuliyiinta qaranka, hadana taa micnaheedu maaha in
shuruucda iyo xeerarka dalku Madaxweynaha u jideeyeen
inuu sifaha uu doono ugu takri-fali karo awoodaha aynu
kor ku soo sheegnay ee Distoorku siiyey. Tusaale ahaan
haddii ay dhacdo inuu Madaxweynuhu eryo masuul qaranka
xil hayey, waxa waajib ku ah Madaxweynaha inuu bulshada
u caddeeyo sababta keentay xil-ka-qaadistiisa, sidoo
kale taa bedelkeeda marka uu masuul cusub u magacaabo
jago, waxa iyana ku waajibtay Madaxweynaha inuu shacbiga
ku wargeliyo waxyaabaha uu ku doortay.
Taa micnaheedu maaha in Madaxweynuhu ka
amar-qaato shacbiga la’aantoodan aanu waxba samayn karin,
haseyeeshee mihiimada taa looga jeedaa waxay tahay Kow
in aanu tacadi dhicin oo Madaxweynuhu qofkuu doonana
eryin kuu doonana xil ugu dhiiban. Tan labaad oo ah
arinta ugu mihiimsani waxay tahay in bulshadu hesho
war sax ah oo xaqiiqo ah, isla markaana ay meesha uga
baxaan wararka beenta ah iyo sheekooyinka dacaayada
ah, kuwaasoo haddii ay ka xoog bataan xaqiiqada ay dhici
karto inay lunto kalsoonidii bulshadu ku qabtay Madaxweynaha,
taasoo sababi karta in la waayo dhammaan waxyaabihii
aasaasiga ah oo dhan ee bulshada isku hayey, sida nabadgelyada,
kala danbayntii iyo jiritaanka Qaranimo.
Haddabaa, marka uu sidaa u cad yahay nidaamda sharci
ee Madaxweyneyaasha dunidu ku shaqeeyaan, ayaa sidii
laf-dhuun-gashay oo kale waxa bulshada reer Somaliland
ka daadegi-weyday amarka aan sababta lahayn ee Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Siilaanyo xilkii kaga qaaday Taliyihii
Ciidanka Qaranka Md. Nuux Taani, iyadoo sidoo kalena,
ay jiraan warar iyo sheekooyin faro-badan oo u baahan
in si dhab ah loo kala caddeeyo RUN iyo BEEN midka ay
yihiin, kuwaasoo haddii aan sidaa la yeelin sababi kara
kala shaki bulshada dhexdeeda ku yimaada iyo in si dhib
yar loo laayo shaqsiyaad Qaranka ku culus oo aan wax
dembi ah lahayn, balse dacaayado iyo sheekooyin BEEN
ah oo laga faafiyey dartooda loo tuhunsan yahay inay
geysteen falal dil ah, sida dhacdadii dhowaan ka dhacday
deegaanka SAAMEEL ee lagu laayey dadka rayidka ah oo
iyaga lafdigoodu aan waxba galabsan, isla markaana aanay
jirin cid ilaa iyo hadda Xukuumadu sheegatay inay falkaa
geysteen oo la hayo.
Wararka iyo sheekooyinka aan kala cadayn ee bushadu
isla dhexmaraysay dhawrkii maalmood ee u danbeeyey,
qaarkood-na shaqsiyaad waa weyn oo reer Somaliland ahi
ku faafiyeen Warbaahinta Maxaliga ah, ayaa tilaamaamaya
in Taliyaha Ciidaanka Qaranka ee Madaxweyne Siilaanyo
Shalay xilka ka qaaday uu lug-weyn ku lahaa dhacdadii
ka dhacday deegaanka SAAMEEL. Taa micnaheedu maaha maxa
xilka looga qaaday Taliyihii Ciidaanka, balse arinka
meesha ku jiraa waxa uu yahay maxaa lagu eray Nuux Taani.
Waa su’aal runtii qofkastoo reer Somaliland ah uu maanta
isweydiinayo.
Sidoo kale, maaha ceeb in qof xil Qaran haya la eedeeyo
ama loo tuhmo inuu ku lug lahaa dhacdo markaa taagan,
balse sida sharcigu dhigayo masuulka la soo eedeeyey
waxa xaq loogu leeyahay in hay’adaha baadhistu ay waajibkooda
ka gutaan, isagoo xilka haya markaa kadib haddii wax
ku cadaadaana XISAANANDA ama xilka uu hayo laga qaado
si Maxkamad loo horgeeyo go’aan ka gaadha arinkiisa,
haddii lagu waayana uu waajibka Qaranku u igmaday u
sii guto.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “..Sacabka hadaan xeeladi
ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa..”. Taa waxaan maanta
ka dhigan eriga Nuux Taani oo runtii ah mid madmadow
faro-badani ku shaqlan yahay una baahan in si dhab ah
oo kala caddeyo si ay meesha uga baxaan sheekooyinka
mala’awaalka ah ee bulshada lagu dhego-barjeeyay.
Geesta kale, dad qaarkood ayaa fikrad taa ka duwan ka
aaminsan eriga Nuux Taani, isla markaan u arka go’aan
Madaxweyne Siilaanyo uga faa’iideystay qaab-siyaasadeed,
kaasoo uu ugu talo-galay inuu ku shaafiyo beelihii dhibaatadu
ka soo gaadhay deegaanka SAAMEEL, kadibna markuu isu-gee-geeyay
talooyin ay usoo jeediyeen qaar ka mid ah Salaadiinta
reer Awdal iyo hadalo dhawr jeer Warbaahinta ay ku shaaciyeen
Odayaal-dhaqameed iyo shaqsiyaad reer Awdal ah, kuwaasoo
marka la isku soo xooriyo nuxurka hadaladoodu ahaayeen
in xilka laga qaado Taliyaha Ciidaanka Qaranka.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, waaxa Madaxweyne Siilaanyo
looga fadhiyaa oo shavcbigu ka sugayaan inuu u kala
caddeeyo Laba qodob midka eriga Nuux Taani yahay. Kow
ERIGA NUUX TAANI Ma Aqbalada Dalabkii Adkaa ee Salaadiinta
Awdal Baa, Mise Madaxweynuhu Wuxuu ku Helay Raad Cad..!.
Maxaa u Dammaanad ah Cashuur-Bixiyeyaasha MEHERADAHA
in Lacagta uu Bixiyey Gaadhayso Khasnadda Dawladda Dhexe..?
Qaybtii 2-aad
Hargeysa(Yool)-Dakhliyada shaqada lagu kasbaday waxa
ka mid ah mushaharka, Lacagaha hawlgabka, gunada (Tusaale
gunooyinka caadiga ah, sida guryaha shirkaduhu dadka
siiso).
Cashuurtani waxay ku waajibaysaa marka la qiyaaso caddadka
dakhliga inta uu leeg yahay haddii aan ganacsaduhu ama
shirkaddu gaadhinin inta qiimaha cadaddka dakhliga ay
cashuurtu ka baxayso uu ka hooseyo qiyaastii la rabay
laguma laha wax cashuura .
Canshuurta qiimaha la socota (Value added Taxes)
Canshuurta qiimaha la socota waa canshuur sida badeecadihii
loo isticmaalo, taasoo ganacsaduhu ku daro qiimaha alaabta
ama adeegga uu iibinayo. Ujeedadu waxa weeye in qofka
alaabada isticmaalaya uu bixiyo canshuurta, maadaama
ay la socoto qiimaha alaabadii uu iibsanayey.
Ganacsiga ka dhexeeya ganacsatada, ganacsadaha iibsada
alaabta ama adeegga wuxuu iska jari karaa canshuurta
qiimaha la socota ee ganacsadaha kale oo waajibaadka
Canshuuraha leh uu isaga ku soo dalacay, sidaa ayaa
la samayn karaa haddii sheyga loo adeegsanayo ganacsi
leh canshuurta qiimaha la socota. Waajibka canshuurta
qiimaha la socota waxay saaran tahay dhammaan dadka
ganacsi ahaan u iibiya badeecooyinka ama adeegyada.
Iibinta adeegyada tusaale ahaan, waxa ka mid ah adeegyadda
hudheeladda kuwa cuntodda sameeya iyo kuwa Hurdaddaba
iyo adeega Isgaadhsiinta, Xawaaladaha, Kaalmaha Shiidaalka
iyo adeegyadda kale alaab qaadista. Cashuurta noocan
ah waxa ururiya ganacsadaha ama shirkadda oo Xisaab-xidhka
ka dib, waxa uu geeya xafiiska cashuuraha.”.
Haddaba marka la doonayo in hawsha aynu ka sheekaynay
laga hirgeliyo dal sideena oo kale, isla markaan la
rabo inay hawsha baaxaada leh ay fuliso Wasaarad ama
mid ka mid ah hay’adaha dawladu leedahay, maxaa looga
baahan yahay inay marka hore la timaado si ay unoqoto
mid ku filan baaxada hawlaha laga sugayo.
Markale waxaanu su’aasha usoo bandhignay mid ka mid
ah aqoonyahanada reer Somaliland ee khibrada-weyn u
leh arimaha dhaqaalaha iyo maaulka, kaasoo codsaday
in aan magaciisa la sheegin sababo badan awgood. Ugu
horayn waxa aqoonyahanku jawaabta su’aasha ku soo ururiyey
laba qodob, kuwaasoo kala ah Kow in Wasaarada ama hay’adda
hawsha fulinaysa dhexdeeda uu ka jiro nidaam ku salaysan
caddaalad, isla markaana gudaheeda ama Waaxyaha ay ka
kooban tahay yihiin kuwo ay ka hawlgalaan shaqaale aqoon
iyo waayo-aragnimo fiican u leh hawsha. Sidoo kalena
waa inuu jiro isku dheeltirsanaan, gaar ahaan qaab-dhismeedkooda
si ay u noqdaan kuwo isdheelitira xagga shaqada.
Waxa kaloo aqoonyahanku timaan-dheer ka bixiyey qodobka
Labaad oo runtii uu ku sifeeyay kan ugu miihimsan marka
loo eego hawsha aynu hirgelinteeda ka hadlayno. Tusaale
ahaan waxa uu xusay marka la doonayo in Cashuur laga
qaado qof iibsade ah, lacagtaasina ay noqoto mid dawlada
dhex marka danbe kula xisaabtanto Meheradaha noocay
doonaan ha noqdaane, waxa aqoonyahanku hoosta ka xariiqay
laba arimood, kuwaasoo kala ah Kow qaab ama nidaam noocee
ah ayaa Wasaarada Maaliyaddu kula xisaabtami kartaa,
ama’se ku ogaan kartaa inta shay ee Meherad walba laga
iibsaday ama inta Qado ee laga cunnay, sidoo kale waxa
uu sheegay haddii aanu jirin wax-soo-saar dalku leeyahay,
sidaa awgeed-na badeecadaha wadanka gudihiisa lagu isticimaala
yihiin kuwo dibedda laga keeno, kuwaasna sida aynu wada
ognahay lagu soo Cashuuro Kastamadda ku yaal goobaha
ay ka soo degaan sida Berbera, Lawyo-cado iyo Wajaale
oo kale.
Inta aynaan gudo-gelin faahfaahinta arimaha aynu ka
soo hadalnay, waxa xusid mudan inagoo maanka ku hayna
ujeedada maqaalkeena oo ah mid ku taxaluqa hab-dhaqamada
iyo qaab-dhismeedka Wasaarada Maaliyadda Somaliland
iyo hannaanka ay u socdaan hawlaheeda shaqo, gaar ahaan
cahdiga isbedelka hoggaanka cusub.
Wasaarada Maaliyaddu waxa qaranka u qabilsan tahay inay
qaabayso guud ahaan dhaqaalaha iyo Maaliyadda dalku
leeyahay, sidoo kale waxay Xukuumadda ka caawisaa qorshaha
lagu jangoynayo Miisaaniyadda-sannadeedka dawlada ee
sannadlaha ah iyo waxyaabo kale oo aad u tiro badan.
Haddaba marka shaqada Wasaarada Maaliyaddu tahay sidaa
aynu kor ku soo sheegnay. Waxa xusid mudan Wasaaradda
Maaliyadda Somaliland ma tahay mid ku shaqaysa nidaamadan
aynu ka soo sheekaynay, sidoo kale, ma tahay Wasaarada
hawlawadeenada ka shaqeeya lagu soo xusho aqoon iyo
waayo-aragnimada ay u leeyihiin hawlaha Wasaarada. Haddii
aynu isdul-taagno jawaabta su’aashan Wasaarada Maaliyadda
Somaliland ee uu Wasiirka ka yahay Maxamed Xaashi Cilmi,
waxay ka kooban tahay:
Ø Agaasimaha Kastamadda
Ø Waaxada Qorshaynta oo runtii marka loo eego
dunida kale ah waax aan si cad loo fahmi karin shaqadeeda,
maxaa yeelay inta badan Wasaaradaha dalalka dunida,
waxay leeyihiin Waaxda Miisaaniyadda oo ah tan u dhiganta
qorshaynta
Ø Waaxda Miisaaniyadda
Ø Waaxda Maamulka iyo Lacagta
Ø Waaxda Hanti/dhawrka, oo iyaduna ah mid ku
cusub qaab-dhismeedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Caalamka,
sababtoo ah Wasaarada M,aaliyaddu waxay qaranka u qaabilsan
tahay qaanbaynta dhaqaalaha iyo Maaluiyadda dalka, sidaa
darteed waxay mudan tahay in mar walba la baadho in
musuqmaasuq ka jiro iyo inkale, haseyeeshee awood uma
laha inay iyadu is-baadho, taasi waxay la mid tahay
Gabaygii Marxuun Ibnaraahin Gadhle ee “..TUUG-TIRIIG-SITA..”.
Ø Waaxda Cashuuraha
Ø Maamulaha Kastamka Caynabo
Ø Maamulaha La’aanta Beer
Ø Maamulaha Kastamka Berbera
Ø Maamule-ku-xigeenka Koowaad ee Kastamka Berbera
Ø Maamulaha Cashuuraha Beriga Berbera
Ø Maamuleyaasha Kastamadda Hargeysa
Ø Maamulaha Kastamka Wajaale
Ø Maamulaha Kastamka Kalabaydh
Ø Maamulaha Cashuuraha Beriga Hargeysa
Ø Maamulaha Kastamka Alaybaday
La Soco Caddadka Danbe..
Waa Kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland
loo Magacaabay
Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), waxa uu
kasoo qalin jabiyay akadamiyada Ciidamada Milatariga
oo wax kusoo b artey Mosco Acadamic Millatry University,
waxaanu takhasus gaar ah u heystaa qeybta Engineeringka,
waxa uu Taliye kasoo ahaa Qeybtii lix labaatnaad ee
Ciidanka Xooga Soomaaliya qeybta Dhismaha, waxa kale
oo uu Hogaamiye ka ahaa qeybta Sahanka Hay,adii Mareykanka
ee Baadhista Shidaalka iyo Macdanta ee (Shafaron), waxaanu
xiligaa mudo badan ku sugnaa Xeebaha Galbeed ee Somaliland
oo ay intooda badan Sahan dheer ka qaadey Hay,adaasi.
Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), waxa Dowladii
Maxamed Siyaad Barre u taxaabtey Xabsiga dabyaaqadii
1988-kii, isagoo isla Sanadkaa 1988-kii dabayaaqadiisii
kasoo fakaday Xabsi kuyaala Gudaha Magaalada Muqdisho,
waxaanu usoo Gudbay Taliskii Ciidanka Xooga SNM ee Balligubadle
halkaasoo uu markiiba usoo weydaartey dhinaca Xeebaha
Galbeed oo uu hoggaamiye u noqday Ciidankii adkaa ee
Guutadii 99-kii SNM oo uu Taliye u ahaa ilaa dabayaaqadii
Sanadkii 1991-kii xiligaas oo ay dagaal qadhaadh wada
galeen oo dhinaca khibrada Ciidanka ah Ciidankii uu
Watey Cabdicasiis Cali Bare, Waxaana bilowgii Xukuumada
Somaliland ee xiligii Madexweynihii u horeeyay Cabdiraxmaan
Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabedgelyada
Somaliland, oo uu ku guulaystey in uu horaantiiba nabedgelyada
gacanta ku dhigo Gudaha Magaalada Hargeysa ee Caasimada
ah, waxa xilkaa u xigay in Sanadkii 1993-kii xiligii
Xukuumadii Madexweyne Marxuum Cigaal loo Magacaabay
Taliye Xigeenka Ciidanka Bilowga Somaliland, oo uu aasaaskii
Ciidamada Booliska iyo Nabedgelyadaba kasoo qaatey door
weyn isagoo mudo badana kusime ka ahaa Taliyaha Ciidanka
Booliska maadaama, Cabdi-Dhiboo inta badan fasax ku
maqnaa oo aahaa Taliyhii Ciidanka Booliska Somaliland.
Sanadkii 1995-kii waxa uu Madexweynihii Somaliland ee
Xiligaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u Magacaabay
Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), Agaasimaha
Guud ee Wasaarada Macadanta iyo Biyaha oo iyana kasoo
qaatey door badan, waxaana sanadkii 1999-kii ka baxasadey
Wasaaradaas Wasiirkii Wasaarada Macadnta iyo Biyaha
Baashe waxaanu ku simay mudo badan xilkaas.
Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif), Xukuumadii
Madexweyne Rayaale waxa y u magcowday Guddoomiyaha Hay,ada
Miino Saarka Qaranka, xilkaas oo uu mudo hayay,Waxa
kale oo uu Xilal kasoo qabtey Hay,ado ay kamid Yihiin
Hay,ada Danish Demaning Group, waxa kale oo uu lataliye
dhinaca Ciidamada ah ka ahaa mudo kooban Saraakiisha
Badacas ee Ciidamada Mareykanka.
Warsaxaafadeed
Hargeysa(Yool)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Md. Axmed Siilaanyo, ayaa markii ugu horeysay xil-ka-qaadis
ku sameeyay Taliyihii Ciidaanka Qaranka Nuux Taani
“..Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
waxa uu maanta [Shalay] Digreeto Madaxweyne Xilalkii
kaga Qaaday Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka Qaranka,
isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xilalkaa u magacaabay
Taliye Cusub iyo Hogaan.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo in la dardar geliyo
hawlaha Ciidanka Qaranka;
Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay Arrintani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday;
In uu xilalkii ka qaado Taliyihii hore ee Ciidamada
Nuux Ismaaciil Taani, iyo Hogaanka Hawl-gelinta Ciidanka
Qaranka JSL, Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Keyse)
Waxaanu uga mahad naqay mudadii ay xilalkan u soo hayeen,
hawshii ay qaranka u soo qabteen.
Sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo sunaha Dawladnimo fulinaya
waxa uu magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka
JSL oo laga bilaabo maanta noqonaaya Maxamed Xasan Cabdilaahi
(Jidhif)
Sidaa si la mida waxa uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday
hogaankii Hawl-gelinta ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyada
Somaliland Xasan Cabdi Yuusuf (Xasan Kayse)
Waxaanu magacaabay Hogaanka Cusub ee Hawl-gelinta Ciidanka
Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi
(Dabagale)
Madaxweynuhu waxa uu Digreetadan ku Amray Wasiirka Gaashaandhiga
iyo La-taliyaha Arrimaha Gaashaandhiga ee Madaxweynaha
in ay Saraakiishaa Xilalka ugu kala wareejiyaan Sida
ugu dhakhsaha badan…”.
Is Rasaasayn Taleex ku Dhex Martay Ciidamada Puntland
Kuwa Deegaanka
Taleex(Yool)-Wararka ka imanaya degmada Taleex oo ka
tirsan Gobolka Sool ayaa sheegay in ugu Yaraan hal qof
uu ku dhintay iyada oo saddex kalen uu dhaawaca soo
gaadhay ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamada
Puntland galabta degmada Taleex.
Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa sheegaya in Magaalada
ay ka dhacday rasaasayn xoog leh oo dhexmartay ciidamada
ka yimid dhanka Puntland iyo ciidan beeleedyo ku sugnaa
Magaalada Taleex,goobjoogayaal ku sugan halkaas ayaa
xaqiijiyey in shacabku ay gadood ka muujiyeen maleeshiyada
ku soo duushay dhulkooda.
Ma jirto ilaa hada cid ka hadashay Weerarkan oo ka tirsan
masuuliyiinta labada dhinaca ee Somaliland iyo Puntland
lamna garanayo sababta dhabta ah ee ka dambaysa israsaasaynta
maanta ka dhacday degmada Taleex oo ay gacanta ku hayaan
ciidan beeleed ka amar qaato odayaasha dhaqanka ee deegaankaas.
Ciyaaryahanadda Gobolka SANAAG oo Cidhiidhi Geliyey
Xulka MAROODI-JEEX
Burco(Yool)-Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo
maraya gabagabada wareegii hore kana socda garoonka
Alamzey Stadium ee Burco, ayaa waxa foodda is-daray
gogolada Maroodijeex iyo Sanaag.
Ciyaartan oo ahayd mid xamaasadeedu aad u sarraysay,
ayaa labadan xul ee wada dheelayay galabta waxay ka
wada tirsan yihiin Group ka A. Labadan xul ee gobololada
Maroodi-jeex iyo Sanaag, ayaa kama dambaystii ciyaarta
ku kala baxay barbar-dhac 1:1
Sida oo kale Ciyaartoyga Axmed Siciid Cawad oo ah Captain
ka Kooxda Sanaag ayaa la siiyey Kaadhka Cas ciyaartana
Dibada looga Saaray.
Ciyaartan ku soo Gabagaboday barbar-dhaca, ayaa waxa
Semifinal-ka u baxay Gobolka MaroodiJeex Halka Gobolka
Sanaag na Tigidhka u goostay Ceerigaabo isaga oo labeeyey
Xulka martida loo yahay ee Togdheer oo isna Ciyaarha
uga hadhay una soo gudbin Semifinal ka waxaana
Wararka Dibedda
Barakac Cusub oo ka Bilowday Baardheere ee Gobolka Gedo
Baardheere(Yool/Wakaaladaha)-Kadib marki laba jeer ay
duqeeyeen mudo sadex maalin gudaheed ah diyaaradaha
dagaalka Kenya ayey bilaabeen dadka ku nool magaalada
Baardheere in ay barakacaan.
Sida ay sheegayaan wararka aanu halkaasi ka heleyno,
xalay iyo saakay waxaa jiray barakac ay sameynayeen
qoysas badan oo ka mid ah dad deegaanka kuwaasi oo ka
cabsi qaba in mar sadexaad ay duqeyaan diyaaradaha dagaalka
Kenya.
Qof diiday in aanu magaciisa shaacino oo ka mid ah waxgaradka
degmada Baardheere ayaa Horseed Media u sheegay in uu
ciyaalkiisa kala baxay magaalada isla markaana uu geeyey
baadiyaha magaalada Baardheere.
“..Qoysas badan ayaa saakay u barakacay tuulooyinka
jaarka la ah magaalada, dadka waxay ka baqayaan duqeymo
kale, runti aad ayaan uga wal walsanahay duqeymahan
waxaana dhihi karnaa waa wax ka baxsan bani,aadanimada,
mar alaale iyo marki ay ciyaarla iyo haweenka maqlaan
guuxa diyaarado way argagaxayaan waxana ay leeyihiin
inkaar qabtadi ayaa soo socota..”. Sidaa waxaa yiri
qof ka mid ah dadka deegaanka oo aan qadka telfoonka
kula xiriirnay.
Laba diyaaradood oo ahaa kuwa miiga loo yaqaano oo ay
leedahay dowlada Kenya ayaa shalay duqeeyey magaalada
Baardheere, mid ka mid ah gantaaladi ay tuurtay oo ku
dhacay xarunta Bisha Cas ee magaalada Baardheere ayaa
waxaa ku dhaawacmay qof rayid ahaa.
Waxay aheyd duqeynti labaad oo ay diyaaradaha dagaalka
Kenya ka geysaan Baardheere, Khamiisti lasoo dhaafay
ayey sidaan oo kale u duqeeyeen waxaana ku dhintay hal
ruux.
Magaalada Baardheere ayaa ka mid ah 10 Magaalo uu bishi
hore Afhayeenka Milatariga Kenya sheegay in ay duqeyn
doonaan.
Fariimaha
Ciyaaraha
Musharaxiinta Abaalmarinta Laacibka Sannadka Ee Ugu
Xun Serie A Bidone d’Oro Oo Lagu Dhawaaqay
Saed Mohamed Balaleti
11ka musharax ee abaalmarinta Bidone d’Oro oo lagu dhawaaqay,
waa abaalmarinta ciyaaryahanka ugu xun sannadka.
Abaalmarinta ayaa waxaa u codeeya taageerayaasha kubada
cagta Talyaaniga ee barnaamijka Radio 2 ee Catersport.
Musharaxiinta sannadkan waxaa ka mid ah Amauri (Juventus/Parma),
Felipe Melo(Juventus), Eduardo (Genoa), Milos Krasic
(Juventus), Diego Milito (Inter), Adrian Mutu (Cesena),
Santiago Silva (Fiorentina), Mauro Zarate(Lazio/Inter),
Luca Toni (Juventus) iyo Diego Forlan (Inter).
Abaalmarintan oo sidoo kale loo yaqaano Golden Bin ayaa
waxa ay lidi ku tahay Ballon d’Or, waxaana ragii hore
ugu guuleystay ka mid ah Adriano iyo Ricardo Quaresma.
Inkastoo abaalmarinta loogu talo galay ciyaaryahanka
sannadka ee ugu xun, ‘Bidone’ sidoo kale waxa ay la
micno tahay heshiiskii ugu xumaa ee xiddig lagu soo
iibsado.
Waana sababta Amauri iyo Forlan loogu soo daray, Amauri
ayaan Juventus u ciyaarin xilli ciyaareedkan oo dhan,
halka Inter ay xilli danbe ogaatay in Forlan uusan u
ciyaari karin Champions League.
Hadaba yay kula tahay in abaalmarintan uusan cidna kor
u qaadi doonin balse la magacaabi doono kaliya uu ku
guuleysan. Chelsea Oo Gacanta Ka Taagatay Dalabka Ciyaarahanada
Luka Modric Iyo Gary Cahill
Saed Mohamed Balaleti
Tababare Andre Villas-Boas ayaa shaaca ka qaaday in
Chelsea aysan dalban doonin bisha Janaayo marka suuqa
kala iibsiga ciyaartoyda uu furmo laacibiinta Gary Cahill
iyo Luka Modric.
Suuqa ayaa furmi doona seddex isbuuc ka dib, lakiin
tababaraha Blues ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay
kooxda uu haatan heysto, inkastoo ciyaartoy dhowr ah
lala xiriiriyay.
Mid ka mid ah ciyaartoydaas lala xiriiriyay waxaa ka
mid ah Gary Cahill oo qanadaraaskiisa kooxda Bolton
uu dhacayo xagaaga soo socda.
25 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay Arsenal
iyo Tottenham, lakiin Villas-Boas ayaa haatan meesha
ka saaray xanta ku saabsan in ciyaaryahankaasi uu ku
sii jeedo Stamford Bridge.
“Waa ciyaaryahan fantastik ah sababtoo ah waxa uu u
ciyaaraa xulka qaranka England, waa daafac dhexe oo
tayo fiican leh” ayuu AVB u sheegay Sky Sports.
“Sannadkii hore xilli ciyaareed fiican ayuu la soo qaatay
kooxdiisa iyo wadankiisa. Lakiin ma ahan ciyaaryahan
aan dooneyno ama aan ku fekereyno”
Ciyaaryahan kale oo uu meesha ka saaray 33 jirkaan ayaa
ah kubad sameeyaha Tottenham Luka Modric, kaaso Chelsea
ay xagaagii dhowr jeer dalbatay.
“Michael Essien ayaa inoo soo laabanaya, waxaan qabaa
inaan u baahneyn hubaashii” ayuu yiri.
Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriiriyay ciyaaryahanka
FC Porto Alvaro Pereira, oo uu Villas-Boas macalin u
soo ahaa.
Waxaa la rumeysan yahay in kooxda reer Portugal ay diiday
dalabkii Chelsea ee 26 jirkaasi reer Uruguay xagaagii,
lakiin tababaraha ayaa sheegtay inuu ku faraxsan yahay
ciyaartoyda uu haatan heysto.
“Uma maleynayo inaan dalbaneyno marka la fiiriyo qiimaha,
iyo sababtoo ah maba raadineyno. Waan ku qanacsanahay
ciyaartoyda aan heysano..
Roberto Mancini oo Go’aan Khaladan Ku Tilaamay Go’aankii
City Iskaga Fasaxday Daniel Sturridge
Tababare Roberto Mancini ayaa sheegay in Manchester
City ay qalad ku laheyd in Daniel Sturridge ay ogolaato
inuu kooxda ka tago.
Weeraryahankan da’da yar ayaa ka tagay City oo ku biiray
Chelsea 2009kii ka dib markii la sheegay in tababarihii
waagaas Mark Hughes uu diiday inuu bixiyo mushaharka
tirada badan ee uu ciyaaryahanka doonayay.
Ka dib amaah uu ugu maqnaa Bolton, 22 jirkaan ayaa haatan
boos ka helay kooxda Chelsea, waxaana gool uu dhaliyay
seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League uu
ka soo muuqdo.
Lakiin Mancini ayaa sheegay in hadii uu xilligaas macalin
kooxda u ahaan lahaa inuusan fasaxeen ciyaaryahanka
da’da yar.
“Waa wax la yaab leh sababtoo ah Sturridge waxa uu ku
soo barbaaray akadeemiga Manchester City, qof ayaana
iska fasaxay” ayuu Macini sheegay sida ay qortay Mail
on Sunday.
“Hubaashii waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda da’da yar
ee ugu fiican City. Cidna kuma adkeyn inuu arko inuu
yahay ciyaaryahan fiican”
“Hadii Sturridge uu maanta halkaan joogi lahaa, waxa
uu ka mid ahaan lahaa kooxda koowaad ee City. Marar
badan ayaan daawaday si fiican ayaana u garanayaa”
“Markii uu sannadkii hore u ciyaarayay Bolton waxaan
weydiiyay sababtii uu uga tagay City”
“Waxa uu ii sheegay inuusan ogeyn. Waxaa ka fiicnaan
laheyd inay City amaah ku dirto halkii ay isaga dhan
iska fasixi laheyd”
Daniel Sturridge ayay u badan tahay inuu kooxdiisa hore
ka hor yimaado habeenka isniinta marka Chelsea ay Stamford
Bridge ku qaabileyso kooxda Manchester City..
“..Dhib La’aan Ayaan Ka Badinay Real Madrid..”
Madaxweynaha Barcelona Sandro Rosell
Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa sheegay
inay kooxdiisa ay si dhib la’aan ah kaga badisay Real
Madird kulankii ay ay 3-1 kaga badiyeen xalay.
Kooxda Catalans ayaa gool looga hormaray daqiiqadii
koowaad ka dib qalad uu sameeyay goolhaye Victor Valdes,
iyadoo Benzema uu dhaliyay goolkii ugu dhaqsaha badnaa
taariikhda Clasico, lakiin Barca ayaa la soo laabatay
goolal ay kala dhaliyeen Alexis Sanchez, gool uu iska
dhaliyay Marcelo iyo goolka seddexaad oo uu xaqiijiyay
Cesc Fabregas.
“Inkastoo aysan habooneyn inaan sidaan iraahdo, hadana
ciyaartoyda maanta dhib la’aan ayay badiyeen” ayuu Rosell
u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.
“Mar kasta waa ii farxad inaan madaxweyne ka noqdo kooxdan,
lakiin haatan intaa in ka badan ayaan sii faraxsanahay.
Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo dhamaan taageerayaasha
Barcelona”
Rosell ayaa sidoo kale difaacay qaladkii uu sameeyay
Valdes bilowgii ciyaarta: “Goolka hore waxa uu ahaa
mid si kama ah ku dhacay. Xilli kasta oo ciyaarta ka
mid aheyd ayuu dhici karay”
“Lakiin markii aan kubada qabsanay, islamarkaana ciyaartoyda
khadka dhexe ay ciyaarta koontaroolkeeda la wareegeen,
waa la iska ogaa natiijada soo baxeysa”
Guushaan Barcelona waxa ay u sahashay inay isku dhibco
noqdaan Los Blancos, inkastoo hal kulan u harsan yahay
Real Madrid.
--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader
of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com,
and outstanding commentator with fearless check on actions
of the political groups and others players through investigative
journalism, plus defender of the public interest and
voice to the voiceless through "the truthful tip
of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes
destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde
Waagacusub is Investigative media
with sense of professionalism, fearless in cultivating
the truth, informative, unbiased, independent, educative,
a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org
Email: waagacusub@waagacusub.com ama
dahiralasow@yahoo.com Waagacusub Sunday Music Part3 Dhageyso
ama Download Waagacusub Sunday Music Part2 Dhageyso
ama Download