Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Indhuhu waxay eegayaan HornCable TV -sabab?

13 March 2013 Waagacusub.com-HornCable Tv oo lala xiriirin jiray Telefishin ku shaqeeya faafinta Siyaasadda iyo danaha qadiyadda Somaliland ayaa sanadka cusub 2013 wuxuu noqday telefishinka ugu daawashada iyo saameeynta badan Telefishinada ku hadla afka Somaliga ee heer Caalami.


Horumarkas uu ku tilaabsaday Telefishinka ayaa sabab looga dhigay Milkiilaha HCTV Farhan Haji Ali oo Madaxbanaani iyo tixgelin gaara siiyay shaqaalaha ka hoowlgala Warbaahintiisa.

Qaar ka mida shaqaalaha mudada dheer ka hoowlgelayay HornCable Tv oo Waagacusub la hadlay ayaa cod isku mida ku yiri "Nafteenu waxay dareemeeysaa inaan ka shaqeeyno Warbaahin aan anagu leenahay,una madaxbanaanahay, maxaa yeelay khasaaro iyo faaido waanu wadaagnaa,taladu waanu wadaagnaa,nagumana fara geliyo ninka iska leh,waxaanu ku wada hoowlgalnaa qalbi wanaagsan ,iyadoo qof waliba uu harjad ugu jiro sidii telefishinka loo hormarin lahaa"
Inkastoo telefishinku noqday mid si madaxbanaan u tebiya dhamaan arrimaha quseeya Shacabka Soomaaliyeed hadana Milkiilaha Horn Cable waxaa lagu tilmaami karaa nin fiira dheer oo gartay in jidka horumarku yahay qiimeeynta xirfadlayaasha ka hoowlgala ama kala wada telefishinkiisa.
Horncable Tv mudadii uu shaqeeynayay heer Gobol ilaa heer Caalami wuxuu noqday telefishinka qura ee qof ka shaqeeyay ka muujin cabasho.
Degaanada Somaliweyn oo dhan ayuu HornCable si hufan uga soo tebiyaa wararka taasina waxay sababtay inuu sanadka cusub noqdo telefishinka loogu daawashada badan yahay Koofurta iyo Waqooyiga Somalia.
Telefishinka SomaliChannel ayaa Horncable kula jira tartan baaxadleh hasse yeeshee waxaa isaga laga jiitay dadka daawada heesaha,waloow SomaliChannel muujisay shaqo hufnaan iyo in barnaamijyada ka baxo maalin walba lagu shubo bartooda Youtube taas oo bulshada u saamaxday in qofkasta dib u daawan karo wixii dhaafay.
"Waxaa iga go''an inuu HornCable noqdo telefishin ay ku diirsadaan kuna xirmaan Ummadda Soomaaliyeed,waxaana hadafkeeygu yahay in qofkasta oo ka mida shaqaalahu dareemo inuu isaga shaqeeysanayo balse dareemin inuu yahay shaqaale aniga ii shaqeeya"ayuu yiri Farhan Haji Ali oo ah Milkiilaha HornCable.
Tixgelinta Maamulka Horncable uu siinayo shaqaalaha waxaa lagu muujiyay soo dhaweeynta ay Amina Muse Weheliye ugu sameeyeen London.
In Telefishin heer Caalamiya la furto maaha arrin sahlan maxaa yeelay bil walba waxaa ku baxaya lacag ku dhaw boqol kun oo Dollar ,iyadoo aan la hubin in lacagtaas laga heli karo adeegyada ,sida iidhehyadda.
Sikastaba ha ahaatee,Indhuhu waxay eegayaan sanadkaan HornCable TV
By Dahir Alasow

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3