Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta oo dhaqdhaqaaq ka wada gobalka Gedo.

Gedo 13 /May/2008  Waagacusub.com  

Wararka ka imaanaya xarunta gobalka Gedo ee Baardheere ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen Mas’uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay halkaasi kula dagaalami doonaan ciidamada Ethiopian-ka.

Saraakiishaan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ka tirsan ee muddooyinkaan la shaacinayay inay Gedo ku sugan yihiin ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha ku dhaqan Gedo, iyagoo ugu baaqay inay dagaalka dhinac kasoo galaan isla markaana dalkooda ka xoreystaan ciidamada Ethiopian-ka.

Lama sheegin ilaa iminka magacyada mas’uuliyiintaan Isbaheysiga dib u xoreynta ka tirsan ee Gedo ku sugan waayadaan, iyadoo lasoo warinayo inay wataan ciidamo boqolaal gaaraya iyo gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan.

Degmada Buur-dhuubo oo ay gaareen ciidamadaan ayaa waxay kula hadleen dadka rayidka ah ee halkaas ku dhaqan, iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin inay la dagaalamaan ciidamada Ethiopia oo ku sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxay dareen xoogan ka muujiyen dhaqdhaqaqyada ay ka wadaan Gobolka xoogagga taabacsan Maxkamadaha, iyadoo cabsida weyn ka muujiyay dagaallo harqiya Gobolka.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa ku sugan degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, waxayna dagaallo ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan dadka Gobolkaas oo ay daashadeen abaaro iyo dagaal beeleedyo.

Si kastaba ha ahaatee, Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq xoogani ka wado gobolada ka tirsan dalka Soomaaliya gaar ahaan Hiiraan, Banaadir, Shabeelaaha Dhexe, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new