Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Muqdisho: Madaxda ugu sareysa DF oo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya.

Muqdisho13 /May/2008  Waagacusub.com  

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Ra段isul-wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa maanta kulan albaabada u xirnaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumada Federaalka Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa Saxaafada u sheegay inay labada mas置ul ka wada hadleen xaalada dalka uu marayo gaar ahaan Muqdisho iyo wada hadalada DF iyo Mucaaradka ugu furmay magaalada Djibouti.

Ra段isul-wasaare Nuur Cadde ayaa ugu warbixiyay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf xaalada uu dalka marayo iyo wada hadalada Jabuuti ka furmay maalinimadii shalay.

Nuur Cadde waxuu sheegay in kadib is qabqabsi labada dhinac ku heshiiyeen ka qeyb galka shirka Jabuuti, waloow markii hore sharuud aheyd in ciidamada Ethiopian-ka dalka ka baxaan ay soo jeediyeen Mucaaradka.

Waxa uu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah uu sameeyay dadaal xoogan oo ku dhex dhexaadinayay labada dhinac, isla markaana Mucaaradka ka dhaadhiciyay sharuud la誕an inay miiska wada hadalka soo xaadiraan.

Ra段isul-wasaaraha waxuu sheegay in wafdiga Dowlada Federaalka ka socda sida weyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti isla markaana la dajiyay hotel wanaagsan, ayna kulamo la yeesheen madaxda Jabuuti iyo xubnaha beesha Caalamka ka socday ee Jabuuti yimid si ay shirka dib u heshiisinta ugu soo qeyb galaan.

Nuur Cadde ayaa sheegay in ay Xaalada Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah tahay mid wanaagsan ,wuxuuse rajo xumo ka muujiyey dagaalada ka soconaya gobalo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Col. Nuur Cadde wuxuu sheegay in Maamulada gobalada ee dalka Soomaaliya oo dhan ay ku sameynayaan isbadal dhinaca maamulka ah, si wax looga qabto dhibaatada amni daro ee ka taagan meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxuu tibaaxay in ay ciidamada DF hada ku wadaan dib u habeyn baahsan, isagoo carabka ku adkeeyey in ay doonayaan in ay waxyaabo badan ka qabtaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa siiyay Ra段isul-wasaare Nuur Cadde warbixin gaaban oo ku aadan safarkiisa wadamo dhowr ah kusoo kala bixiyay gaar ahaan London iyo Washington.

Waxa uu sheegay inuu halkaasi kula soo kulmay wadamada deeqaha bixiya iyo Jaaliyadaha Soomaalida ee qurba joogta ah isla markaana kawada hadleen xaalada dalka uu marayo iyo sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen howlaha nabad ilaalinta iyo dib u heshiisinta oo ay wado Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxuu sheegay in Mareykanka lacago u balan qaaday DF isla markaana dhawaan lasoo gaarsiin doono lacagaasi, waloow uusan sheegin cadadka ay yihiin lacagtaasi.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka dhex maray Mas置uliyiintaa ugu sareysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili xaalada Soomaaliya maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysa isla markaana qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka ka socdaan dagaalo u dhaxeeya DF iyo Mucaaradka.
 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new