Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Ahmadu Ould oo ku baaqay taageerida shirka dib u heshiisinta ee Djibouti ka furmay.

Jabuuti13 /May/2008  Waagacusub.com  

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah ayaa khudbad xasaasi aheyd shalay ka jeediyay furitaanka shirka dib u heshiisinta kooxaha Somaalida ugu furmay magaaladaan Djibouti.

Ahmadu Ould ayaa sheegay inay Soomaaliya iminka ku sugan tahay marxaladii ugu adkeyn abid ee uu soo maro dalka Africa ka tirsan isla markaana loogu baahan yahay Caalamka inuu indhaha ku hayo xaalada Soomaaliya.

Wakiilka waxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida kooxaha Soomaalida u go’aansadeen inay shirkaan kasoo qeyb galaan isla markaana lagu dhameeyo dhamaan khilaafaadka keenay dhimashada kumanaan Soomaali ah sannad gudahiis.

"DF iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, mahadcelin baan usoo jeedinayaa sida ay shirkaan ugu soo qeyb galeen, waxaana rumeysanahay inuu shirkaan noqon doono kii Soomaalida ay ku nasan lahaayeen laguna soo af meeri lahaa dhibaatooyinka muddo soo daashanayay dalka Soomaaliya" ayuu yiri Ahmadu Ould.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka loogu baahan yahay inay dhiira galiyaan shirkaan dib u heshiisineed isla markaana ku canaantaan kooxaha Soomaalida inay ka mira dhaliyaan ujeedada shirkaan ah ee ah nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo heshiis labada dhinac ku heshiiyaan.

"Qaramada Midoobay diyaar ayay u tahay nabad lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya, taasina waxey tahay hadafka QM ee ah nabada adduunka, wax kasto oo nagu qaadatana kama niyad jabi doono nabad kusoo celista Soomaaliya" ayuu yiri Mudane Ahmadu Ould.

Sidoo kale, Xafladii furitaanka shirkaan waxaa ka hadlay Wakiilo ka kala socday Midowga Yurub "EU", Midowga Africa "AU", Jaamacada Carabta iyo wadamo badan oo arrimaha Soomaaliya isha ku haya.

Dalka Djibouti oo kulankaan lagu qabanaayo furitaankii shirka ee shalay waxaa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Djibouti waxuuna sheegay inay diyaar u yihiin ka mira dhalinta shirkaan dib u heshiisiineed.

Waxa uu Wasiirka ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee ku hardamaya awooda dalka inay shacabkooda u turaan isla markaana gaaraan heshiisyo nabada Soomaalida dib loogu soo celiyo.

Waxa uu sheegay inay Jabuuti dhowr jeer qabatay shirar lagu heshiisiinayo Soomaalida gaar ahaan shirkii Carte ee lagu dhisay dowladii TNG-da ee Madaxweynaha ka ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan isla markaana ay ka socon weysay dowladaasi hogaamiyaal Soomaaliyeed oo iminka shirkaan ku sugan.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka aad u daneyneyso nabada Soomaaliya, isla markaana loogu baahan yahay inay Soomaalida ka faa’iideystaan fursadaan Caalamka oo dhan diyaarka ula yahay.

"Djibouti habeen iyo dharaar waxey taagan tahay nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya si ay walaalaheen Soomaaliyeed nabad u heleen, sidaadi darteed hogaamiyaasha shirkaan kasoo qeyb galay ee Soomaalida ah waa inay ummadooda dhibaateysan eegaan iskuna qabqabsan xilal iyo waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, furitaankii shirkaan ayaa is qabqasi keenay kadib markii Mucaarad ay diideyn ka qeyb galay shirka iyagoo Djibouti ku sugan, waloow markii dambe wada hadalo Mucaaradka lala yeeshay laga dhaadhiciyay inay shirka kasoo qeyb galaan.

Abdifitahaam Ahmed
Djibouti
Email
:abdifitahaam@yahoo.com
 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new