Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Dadweynaha Kismaayo ku dhaqan oo ka cabanaya isbaarooyin.

Jabuuti13 /May/2008  Waagacusub.com  

Dadweynaha ku dhaqan Caasimada gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa cabasho xoogan iyo qeyla dhaan ka muujiyay isbaarooyin badan oo gudaha iyo daafaha magaalada yaala.

Isbaarooyinkaan ayaa waxaa dhibaatooyin xoogani kasoo gaaraa dadweynaha ku dhaqan Kismaayo kuwaasoo lacago baad loogu qaado isbaarooyinkaasi sida aadka ugu daadsan gudaha Kismaayo.

Nabadoon Cabdisamad Cali Cabdi oo kamid ah Waxgaradka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa Saxaafada u sheegay inay dhowr jeer u qeyla dhaamiyeen maamulka gacanta ku haya Kismaayo balse waxba laga qaban arrinta isbaarooyinka.

Waxa uu sheegay inay isbaarooyinkaan yihiin kuwo ay dhigteen ciidamo ka tirsanaa maamulka Kismaayo gacanta ku haya kuwaasoo gooni isku taagay kadib markii mishaaraad ay ka waayeen maamulka Kismaayo.

"Maamulka wax badan ayuu arrintaan ka qaban karaa, balse dhagaha ayay ka fareysanayaan qeyla dhaanta shacabka kasoo yeereysa, waxeyna u eg tahay inay isbaarooleyda iyo maamulkaba wada shaqeystaan" ayuu yiri Nabadoon Cabdisamad.

Waxa uu sheegay in isbaarooyinkaan intooda badan daadsan yihiin wadada aada dekada magaalada Kismaayo halkaasoo baad loogu gaado gaadiidka soo daabula alaabaha Ganacsiga ee dekada kasoo daga loona soo wado suuqa magaalada Kismaayo iyo gobolada u dhow dhow gaar ahaan Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Saxaafada ka howl-gasha magaalada Kismaayo ayaa xiriiro la sameeyeen qaar kamid ah maleeshiyaadka isbaarooyinka u yaala magaalada Kismaayo, waxeyna sheegeen inay arrintaan ka sababtay kadib markii mishaaraad ka waayeen maamulka magaalada.

Cabdi Dheer nin magaciis kusoo gaabiyay oo kamid ah maleeshiyaadkaan isbaarooyinka u yaala ayaa sheegay inaysan isbaarooyinkooda qaadi doonin ilaa shaqo loo abuuro ama laga qeyb galiyo ciidamada maamulka Kismaayo lana siiyo mishaaraad ku filan.
Waxa uu sheegay inay mararka qaar oo ay waayaan wax lacag ah ay weerar ku qaadaan ama ay qalaaso ka abuuraan howlaha dekada weyn ee magaalada Kismaayo, kadib lacago la siiyo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe waxaa ka arrimiya maamul beeleed hoos yimaada beesha Sadde, kadib markii ciidamo beeshaasi ka tirsan iyo ciidamo kale oo DF ka tirsanaa dagaal ku dhex maray magaalada loogu awood roonaaday ciidamada DF.

Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan sheegay inay xaalada Kismaayo faraha kasii baxeyso isla markanaa dhawaan la geyn doono ciidamo aad u hubeysan oo DF iyo Ethiopian-ba iskugu jira.
Madaxweynaha waxuu sheegay inaysan raali ka noqon doonin in magaalo hoos timaada Dowlada KMG ah ay ka taliyaan maleeshiyaad hal beel kasoo wada jeeda isla markaana dhibaatooyin ka abuuraan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Dhexe ayaa ah magaalo xeebeed taariikh ku leh dalka Soomaaliya, balse waxaa daashaday dagaalo beeleedyo iyo burbur soo gaaray kadib markii xoog dalka loogu bixiyay Madaxweynihii Somalia Marxuum Max’ed Siyaad Barre.

Abdifitahaam Ahmed
Djibouti
Email
:abdifitahaam@yahoo.com
 

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new