Saxaafadu malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 2008
                              A memorial service for three Somali Journalists held in Nairobi
       
Daawo sawirada Weriyaasha Associated Somali Journalists ASOJ
Dabageed oo sheegay inuu la dagaalamayo maamulka cusub ee Hiiraan.

Hiraan 13 /May/2008  Waagacusub.com  

Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed" oo kamid ah hogaamiyaashii xilalka kasoo qabtay maamulka G/Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inuu heshiisyo hoose la galay Saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan gudaha gobalkaasi.

Yuusuf Dabageed ayaa wali ku adkeysanaya inuu yahay Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, kadib markii dhawaan warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha DF xilka loogu xayuubiyay Dabageed iyo maamulkii hoos imaan jiray laguna magacaabay maamul cusub.

Yuusuf Dabageed oo xalay Saxaafada la xiriirtay sheegeyna inuu ku sugan yahay duleedka Beledweyne ayaa yiri "Dhawaan waxaan ku laaban doonaan gudaha gobalka Hiiraan gaar ahaan xarunta Beledweyne, heshiisyo hoose ayaana wada galnay saraakiisha Ethiopian-ka".

Dabageed waxa uu sheegay inay Saraakiisha Ethiopian-ka ku heshiiyeen sidii ay u burburin lahaayeen maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobalka Hiiraan isla markaana u gacan qaban lahaayeen maamulka Dabageed sida uu hadalka u dhigay.

"Marnaba Nuur Cadde iyo rag lamid ah xilka igama qaadi karaan iyagana iima dhiiban xukuumad cadaalad aheyd oo ka horeysay ayaa ii dhiibtay waana heynayaa ilaa xalka Soomaaliya la heli doono, isla markaana DF shanta sanno u dhamaanayo" ayuu yiri Dabageed.

Mar wax laga weydiiyay inay ciidamada Ethiopian-ka la wareegeen hubkiisa ayuu beeniyay arrintaasi waxuuna yiri "Ma jirto hub ii gaar ah aniga, hubka gobalka ayaan maamulaa dhamaantiisa, saraakiisha Ethiopian-ka aniga ayay I gacan qabanayeen ee hub igama qaadi doonaan".

Dabageed waxa uu ku eedeeyaya Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Cadde inuu waddo qorshe lagu burburinayo Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.

"Nuur Cadde inta uusan xilka qaban awooda dowlada aad beey u sareysay, kadib markii uu xllka qabtay waxuu bilaabay inuu isku diro madaxda DF gaar ahaa kuwa maamulada gobalada, waxuuna u carab laad laadinayaa Mucaaradka oo uu taageersan yahay basle gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa" ayuu yiri Dabageed.

Waxa uu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax maamulka Hiiraan wada hadal ah oo la gali doono kooxaha hubeysan ee Beledweyne naf ahaantiisa xooga ugu soo saaray, waxuuna yiri "Kooxahaasi Argagaxisada xiriirka la leh waxaan balan qaadayaa labada toddobaad ee soo socota inaan cagta mariyo".

Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf Dabageed ayaa kamid ah hogaamiyaasha Soomaalida ee inta badan hadalo aysan ka fiirsan Saxaafada u sheega kuwaasoo kadib marka lagu qabsado hadaladaasi beeniya iyagoo laga hayo codadkooda oo rasmiga, waxuuna kaalinta afaraad kaga jirayaa hogaamiyaasha been ma sheegayaasha isku magacaaba ee inta badan hadalo la isku qab qabsada sheega sida Cabdilaahi Yuusuf, Maxamed Dheere, Salaad Cali Jeelle iyo Muuse Suudi Yalaxoow.

Daawo Barnaamij gaara oo xiisa badan



Xasuusta Marxuum Axmed Nuur Jaangoow iyo laxamadiisa

Heesta Dhaxalsuge Maxamed Aadan Shamuuri MP3 

Halkaan ka dhageyso Warbixinta Weriye Xasan Cadde

Halkaan ka dhageyso Barnaamij gaara

Dhageyso Xulashada Heesaha Radio Waagacusub
 

Geerida Hogaamiyaasha Shabaabka iyo Warbixinta Waagacusub

Qandaraasle Shariif Sakiin iyo taariikhdiisa qoran

The Flip-Flop Policy of Sharif Hassan Sheikh Aden
Read  here with Somali Langauge this article.

WaagacusubOnline@yahoo.com

ASOJ REGISTERED VIOLATIONS ON JOURNALISTS IN SOMALIA FROM 2000 TO 2007
WaagacusubOnline@yahoo.com
+254-733444433 CELTEL
+2521-5565600 Hormuud Telecom
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new