Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Topnews:-Qorshe lagu khaarijin rabo Prof Galeydh oo si halisa loo agaasimay - Xagee lagu dilayaa Muqdisho mise Nairobi ?

13 May 2013 Waagacusub.com-Xog laga helay ila wareedyo muhiima ayaa xaqiijinaya in Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federalka Somalia si wadajira u maleegeen qorshe la doonayo in lagu khaarijiyo Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh.
Qof ka mida Masuuliyiinta labada dhinac ee ka shiray khaarijinta Prof Galeydh ayaa tibaaxay inuu shaqsiyan saluugay in xalka looga taqalusi karo Xildhibaan Galeydh noqday in la dilo.

Masuulkaan oo codsaday inaan magaciisa la xusin iyo Saraakiil Sirdoona oo ka tirsan dalalka deriska,kuwa Dowladda Federalka iyo qaar ka mida Dalalka Carabta ayaa xogta uga sheekeeyay si isku mida.
Macluumaadka ay bixiyeen oo ku saleeysan telefoono la dhageystay,goobjooganimo iyo dabagal la sameeyay ,waa sidaan:


Wasiirada Madaxtooyadda Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka Somaliland Farah Abdulkadir iyo Hersi Haji Ali ayaa Dubia kulan qarsoodiya ku yeeshay March 26, 2013 .xilligaasna wuxuu Madaxweynaha Somalia socdaal ku joogay Dalka Qatar halka Hersi uu la socday Wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo Emirate-ka booqasha ku joogay.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Hersi Ali Haji Hassan ayaa Wasiir Farah Abdulkadir ku yiri " Ali Khalif Galeydh baan qaati ka joognaa,idinkana waad ka joogtaa sidaas darteed waxaa arrimaha kulankeena ugu muhiimsan inaad ninkaas khaarijisaan,waa nin qabyaaladu dilootay,waana ninka maanta Khaatuma iyo Jubaland wado"
Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir ayaa ku gaabsaday"Waxaan arrinka ula tegayaa Madaxweyne Hassan sidaas darteed waxaad iga heli doontaan Jawaab"
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Hersi Haji Ali iyo Farah Abdulkadir kana koobnaa afar ruux ayaa 11 April 2013 ku kulmay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Wasiir Farah Abdulkadir ayaa u sheegay Wasiir Hersi iyo Masuulkii la socday inaysan suurtagal aheyn in Prof Galeydh lagu dilo Muqdisho " Madaxweynaha iyo anigaba waan isla garanay in arrinkaas halis badan ka dhalan karto maxaa yeelay Indhaha Caalamka ayaa aad noogu foogan,waana la fahmayaa inaan falkaas fulinay sidaas darteed waxaan isla garanay in Nairobi lagu cuno Kaabaha"
Wasiir Hersi ayaa yiri " Waxaa aad noola shaqeeya Raila Odinga isaga ayaan la kaashan doonaa"
Wasiiir Farah ayaa ugu jawaabay " Ninkaas odaygaa ha gaarsiin arrinka maxaa yeelay nin heerkaas gaarsiisan ma yeelayo in dalkiisa qof lagu dilo maxaa yeelay dal walba wuxuu u dagaalamayaa amaanka laakiin waxaan arrimahaas u saareeynaa koox fulisa,waxaa buuxa Hitman,waa meeshii istarliin Cabdi Caruus lagu dilay,Sheekh Ibrahim lagu dilay"
Labada dhinac waxay isla qaateen in Nairobi lagu khaarijiyo Prof Galeydh hasse yeeshee waxay xaajadu sii laba kacleeysay markii xulufo uu ka mid yahay Xildhibaan Galeydh xusul duub xoogan u galeen mooshin ka dhana heshiiskii Ankara.
Sirtii iyo wada hadalkii dhexmaray ayey Sirdoonka Dowlado badan ka dhageysteen Hersi iyo Farah oo ku wada hadlaya ,iyo iyagoo dad kale uga warbixinaya wada hadaladii hore u dhexmaray .
Wada hadal dheer kadib waxaa khaarijinta Prof Galeydh loo xilsaaray afar ruux oo labada Wasiir ka mid yihiin.
Hersi Ali Haji Hassan oo beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo u dhashay iyo Farah Abdulkadir oo beesha Reer Aw Hassan u dhashay ayaa kor ka maamuli doono mishinka,waxaana fulintiisa ka shaqeeyn doona.
1- Keyse Hassan Digaale oo ah Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Raaska Ibrahim Sheekh Isxaaq {Sanbuur}
Keyse oo heysta baasaboor Kenyana wuxuu leeyahay Hotel lagu magacaabo Daaru-Salaam ,wuxuuna ku yaal Jidka 7 Streed ee xaafada Somalida degta Islii.
2-Hassan Ahmed Mohamed oo loo yaqaan Hassan Waaqle ahna Ganacsade u dhashay beesha Isaaq gaar ahaan Habar jeclo reer Dahir.

Ninkaan lagu magacaabo Hassan Waaqle oo Sirdoonka Somalia sheegeen inuu safaro badan ku tago Gobolada dhexe ee Somalia,Puntland iyo Muqdisho waxaa la rumeeysan yahay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag qaadista .
Lixdii bil ee ugu dambeysay wuxuu Hassan Waaqle lacago badan geeyay gobolada Galgaduud iyo Puntland ,wuxuuna degan yahay magaaladda Burco.
Dabagalka lagu sameeyay waxaa lagu helay Accounts fara badan oo Hassan Waaqle uu ka furtay Shirkadda Dahabshiil laakiin Keyse Hassan macluumaad dheeriya lagama helin .
Hadii aan inyar oo ka mida Accounts-ka Hassan Waaqle ee Shirkadda Dahabshiil uu ku leeyahay idiin soo bandhigno waxaa ka mida:-
BURL343 XASAN WAAQLE TOGDER BURAO - L Y 2005-04-30 2001-05-28 2001-05-28 0 Y F 1 N N N N BUR
BURD2688 HASSAN WAAQLE(SH.IBRAHIM SCHOOL) TOG BUR - D Y 2009-03-15 2004-03-07 0 Y F 1 N N N N BUR
GRWD000562 XASAN WAAQLE TEMPERARY ACC BURCO -D 748919.000 2013-04-01 2009-05-02 PASS BOOK SINGLE 0 Y F 1 N banking N N N N GRW -
HRGD15238 HASSAN WAAQLE AMED D/SHIIL HARGEISA 4436230 - D 1126850.9269 2013-03-14 2009-11-19 SAVING ACCOUNT SINGLE - Y F 1 N aqalombi - Personal N HRG
HRGL1814 HASSAN AHMED MOHAMED HASSAN WAAQLE HARGEISA - D 612685.7258 - L 3000 2013-03-14 2010-03-27 PERSONAL - Y F 1 N kaysar N HRG
BURD6880 HASAN AHMED MOHED { H WAAQLE } DAHABSHIIL BURCO 9711111 -0 D 331225.0000 2013-05-12 2011-02-05 SAVING ACCOUNT SINGLE - Y F 1 N jcarab -0 Personal N BUR hasan waaqle .
Inkastoo arrimahaan jiraan hadana shakiga ugu badan wuxuu yahay Taliyeyaasha Sirdoonka iyo Boliiska Puntland oo taariikhda markii ugu horeeysa jooga Magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotelka Ambassador sida ay qoreen Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa gaar ahaan Wargeyska afka dheer ee Waaheen oo tibaaxay in Wariyeyaashooda arkeen taliyeyaasha Puntland

Fiiro gaara: Waxaa jira shirqool kooxda Dam Jadiid la damacsan tahay inay ku khaarijiso Xildhibaan Cabduqadir Cosoble iyo Shariif Sakiin

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3