Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Media 2013

     
 
 
 

Top:- Yusuf Garaad oo faalo ka qoray heshiiska Hawada - Somaliland maxay ka yeeli doontaa Diyaaradaha Khaatuma State

13 July 2013 Waagacusub.com-Wariye Yusuf Garaad Cumar ayaa faallo kooban ka qoray heshiiska Hawada ee Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federalka Somalia.

Yusuf Garaad wuxuu faaladiisa isku weydiiyay su-aalo xasaasiya oo ay ka mid tahay sida Somaliland ka yeeli doonto diyaaradaha Khaatuma State ee Taleex ka degaya iyo sida Dowladda Federalka ka yeeli doonto duulimaadyadda Kismayo iyo Puntlan,Hadaba sheekadiisa oo aan ka soo qaadanay qeybta ugu hooseeysa ee dulucda qormadiisa waa tan ee akhri.

Soomaaliya hadda waxaa ka jirta Dowlad ka gudubtay ku meel gaar wixii loo yiqiin. Bishii May ee sannadkan ayaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge, wuxuu ku dhawaaqay warkan oo dad badani ku farxay. Bishii June ayay Golaha Wasiirradu ay Muqdisho fariisteen oo ay ansixiyeen qaanuun ku saabsan Duullimaadka hawada Soomaaliya, si Baarlamaanka loogu gudbiyo. Maalintaas waxaa xafiiska Ra?iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, uu ku tilmaamay in qaanuunkaasi uu wax weyn ka beddeleyo oo kacdoon hor leh uu gelinayo madaxbannaanida hawada Soomaaliya.

Hawada la wareejinayo waa Soohdimaha caalamiga ah ee Soomaaliya oo dhan oo ay ku juraan Somaliland iyo hawada badda Soomaaliya. Waa marin dayaaradeed oo muhiim ah. Afrika iyo Carabta ayuu isku xiraa. Ma aha keliya dayaaradaha maalin kasta ka degeya Muqdisho, Hargeysa, Gaalkacyo, Kismaayo iyo meelo kala oo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Sida aan ka akhriyay New York Times, qiyaastii 90 dayaaradood ayaa maalin kasta soo gala hawada Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Air France oo u kala goosheysa Paris iyo R?union. Emirates oo isku xireysa Dubai iyo Johannesburg. Dayaaradda Israel El AL oo Tel Aviv iyo Thailand isku xireysa. Mar kasta oo dayaarad Jet ah oo rakaab siddaa ay hawada Soomaaliya soo dul martana waxay bixisaa $275.

Markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay la wareegeyso hagidda dayaaradaha, waxaa furka tuurtay Somaliland. Waxay ku hanjabtay kana dhabaysay in ay joojiso dullimaadyadii Qaramada Midoobay (QM) ee tegi jiray Somaliland. Waxay u aragtay in QM ay hawada ?Somaliland? ku wareejineyso ?Soomaaliya?.

Wadahadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee Istanbul, Turkiga (7-9 July) waxaa lagu heshiiyay in hawada la isla maamulo, lagana maamulo Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Waxaa loo macneysan karaa in Somaliland ay heshay sidii ay dooneysay. Faallooyinka laga bixinayo heshiisku waxay muujinayaan dhinacyo Somaliland ah oo aad u soo dhoweeyay.

Laakiin qaar kale ayaa weyneyso ku eegaya heshiiska si ay gal daloollo uga helaan. Waxay u arkaan in arrintani ay si uun ugu soo dabbaaleyso wax wadaag ay la galaan Muqdisho. Waxay u arkaan in shaqaale iyo madax laga soo magacaabay Muqdisho ay ka hawlgeli doonaan Hargeysa. Waxay is leeyihiin waxaa heshiiskani muujineyaa in hawada Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay tahay mid qudha.

Ergadii Somaliland ee Istanbul waxay u baahan yihiin fasiraad iyo ka dhaadhicin in ay u sameeyaan shacabkooda. Weliba shacabka Somaliland waxay leeyihiin cod si dimuqraaddi ah ay u adeegsadaan oo Madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ay ku soo doortaan. Sidaa darteed dowladda Hargeysa wey uga nugashahay guuxa dadweynaha marka loo fiiriyo dowladda Muqdisho, oo iyadu aan weli heerkaas gaarin.

Ergada Muqdisho ka timid iyaga waxaa u yaalla su?aalo ka adag kuwa Hargeysa la is weydiinayo.

Maxaad hawada Soomaaliya ugu wareejiseen Gobollo aan caalamka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna dowlad u aqoonsayn? Ayaa ka mid ah su´aalaha soo noqnoqonaya ee aad ka daalacan karto saxaafadda bulshada. Waxaa jiri doonta in Puntland oo iyadu isku dhererisa Somaliland, haddana aanay isku wanaagsanayn Dowladda Federalku, ay su?aalo waaweyn meesha keento. Puntland hadday weydiisato in dakhliga qeybteeda laga siiyo, waxay dad badan ula muuqan doontaa wax macquul ah.

Heshiiska weli waxaa ka dhimman tafaasiil. Yaa Madax u noqonaya Guddiga iskudhafka ah ee labada dhinac? Erayada (afgaradka) la isticmaalayo marka dayaaradaha lala hadlayo maxay noqonayaan? Si kale haddii loo dhigo, hawada ay maamulyaan magaceed?

Hawlgalku marka uu billowdo waxaa dhici karta in laba ama saddex jeer isla maalin gudaheed ay soo baxaan arrimo u baahan in cid iyaga ka sarreysa ay ula laabtaan, go?aan deg deg ahna loo baahdo. Marka ay xaaladdaasi timaad, yaa loo noqonayaa? Dakhliga sidee loo qeybsanayaa?

Dabcan Xafiisku wuxuu ahaanayaa Hargeysa. Raadiyuhu wuxuu oollayaa Hargeysa. Waxaa la ii sheegay in la filayo in Madaxa Kooxdu uu ka imaan doono Muqdisho, ku xigeenkuna Hargeysa. Laakiin tirada kooxda lama yaqaan. Weli laguma heshiin ayaan maqlayaa ?code?-ka ama afgaradka ay isticmaali doonto. Dakhliga sida loo qeybsanayana weli laguma heshiin.

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, weli waxaa taagan su?aalo kale. Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waa markii ugu horreysay ee Soomaali ay maamusho hawadeeda. Biseylkeedii ma leennahay?

Waxaan maqlayaa in ay dayaarado ka degaan Taleex iyo Buuhoodle, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Khaatumo State oo diiddan gooni isu taagga Somaliland. Somaliland ma oggoshahay in duullimaadyadaaasi ay si habsami leh u socdaan?

Muqdisho waxaa hadda ugu yaraan khilaaf kala dhexeeyaa Kismaayo. Dayaaradaha u kala goosha Nairobi iyo Kismaayo ama Kismaayo iyo Puntland, waxay mararka qaar daad gureyaan siyaasiyiin ka dhan ah Dowladda marna dhaawac ay islaayeen ciidankeeda. Armay isku daydaa in ay faraha la gasho?

Haddii intaas oo dhan la isku af garto, si habsami lehna ay u socdaan howlaha duullimaadka hawada Soomaaliya iyada oo ay Soomaali hagayso, oo aan rajeynayo in ay sidaas u dhacdo, waxay noqneysaa guul u soo hoyatay Somaliya iyo Somaliland.

Waxaanan rajeynayaa in ay xigi doonaan heshiisyo ka sii muhiimsan oo aakhirka keena in midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.

F.G. Ergooyinka Istanbul waxay isku hor fariisteen heshiiskana ku kala saxiixdeen in ay kala matalayaan: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland.

Halkaan ka Daawo Warbixino xaqiiqa noqday.

Sii akhri Wararkeena Waagacusub.com

Topnews:-Madaxweyne Gargurte oo Somaliland u ogoladay daakhiliyad 10 sano

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

waagacusubmedia@gmail.com


 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl 1
Dikaan Jaceyl 2
Dikaan Jaceyl 3
Dikaan Jaceyl 4
Dikaan Jaceyl 5
Dikaan Jaceyl 6
Dikaan Jaceyl 7
Dikaan Jaceyl 8
Dikaan Jaceyl 9
Dikaan Jaceyl 10
Dikaan Jaceyl 11
Hees Dhiigshiil
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Fanka 5 Jiir Dhageyso
Fanka 6 Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees l Xaayoow
Xasuus Riwayad
Hees Xildhiban
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyalada PM Gaas 1
Qabyalada PM Gaas 2
Qabyalada PM Gaas 3